Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2024
  Source: Wardheernews Quluub wada jirtaa qaran dhista October 1, 2024 W/Q Xasan Yuusuf  Waal Beyd ku jira Gabayga Xumaanta Qabyaaladda ee uu tiriyay AUN Cabdullaahi Suldaan ‘Timacadde’ ayaa oranaya “Qof qalbi la’ quraan kii u akhriyey qaaf dheh ku harraadye”. Waxaa xaalad halis ah ku sugan oo  qarka u saaran ba’ iyo baabba’ sowraca qaranimo iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Nasiibdarro, wacyiga maanta jira awgiis, laguma baraarugsana ilwaad xumadaa iffaysa! Haddaba  si loo badbaado, waxaan la huri karin in la joogteeyo wax-is-dhacsiinta iyo wacyi-galinta bulshada! Dal waxaa dibudhiga dawlad xumo iyo diktatoornimo, waxaa dumiya dirir sokeeye iyo duulaan shisheeye, waxaa degganaansho u diida adoonsi dadban (faqri, faragalin shisheeye, fowdo, iwm), iyo dadkiisoo is diidan ,waxaa dibudhisa hogaamiye himilo durugsan leh iyo dadkiisoo isku duuban. Haddaba, marka aad tilmaamahan la xiriiriso darxummada iyo dayaca ay dadkeenu la il’daran yihiin iyo haddimada dalkeena laga galayo waxaad si