Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2013
Muxuu soo kordhin karaa aqoonsiga Mareeykanka? Qore: Xasan Yuusuf Waal Aqoonsiga Mareeykanku sida rasmiga ah uu ugu aqoonsaday dawlada Soomaaliya todobaadkan ma ahan hiiraalka aynu in badan higsanaysay, balse waa suurta-galiye qayb ka ah hanashada hiiraalkaas(soo celinta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed). Aqoonsigaan soo deg degay waxaa sababay isbadalka guclo-oradka ah ee ay dawlada Soomaaliya   sameeyneyso, ha noqoto; amaanka, maamul wanaaga, siyaasada dibada iyo wada-shaqaynta sadexda hay’adood ee ugu sareeysa dawlada. Ka dib markii nasiibdaro uu fashilmay Hawlgalkii Rajo Soo-celinta(Operation Restore Hope) oo uu hormuudka ka ahaa Mareeykanka horaantii sagaashameeyadii, Mareeykanku wuxuu kula dhaqmaayay Soomaaliya siyaasaddaha;   Halkaa inooga haya -kuwa xag-jirka ahna shartooda yeeysan faafin(Containment Policy) iyo siyaasada laba geesoodka ah ee ku aadaneeyd   dawlada kumeel gaarka iyo dawlada goboleedyada(Dual Track policy) oo diirada saareeysay gargaarka bini’aadanimada