Skip to main content
Muxuu soo kordhin karaa aqoonsiga Mareeykanka? Qore: Xasan Yuusuf Waal

Aqoonsiga Mareeykanku sida rasmiga ah uu ugu aqoonsaday dawlada Soomaaliya todobaadkan ma ahan hiiraalka aynu in badan higsanaysay, balse waa suurta-galiye qayb ka ah hanashada hiiraalkaas(soo celinta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed).

Aqoonsigaan soo deg degay waxaa sababay isbadalka guclo-oradka ah ee ay dawlada Soomaaliya  sameeyneyso, ha noqoto; amaanka, maamul wanaaga, siyaasada dibada iyo wada-shaqaynta sadexda hay’adood ee ugu sareeysa dawlada.

Ka dib markii nasiibdaro uu fashilmay Hawlgalkii Rajo Soo-celinta(Operation Restore Hope) oo uu hormuudka ka ahaa Mareeykanka horaantii sagaashameeyadii, Mareeykanku wuxuu kula dhaqmaayay Soomaaliya siyaasaddaha;  Halkaa inooga haya-kuwa xag-jirka ahna shartooda yeeysan faafin(Containment Policy) iyo siyaasada laba geesoodka ah ee ku aadaneeyd  dawlada kumeel gaarka iyo dawlada goboleedyada(Dual Track policy) oo diirada saareeysay gargaarka bini’aadanimada, ladagaalanka burcad-badeedka iwm.

Mareeykanku waa deeq-bixiyaha lacagta ugu badan Soomaaliya ugu deeqa. Nasiibdaro, lacagtaa waxaa jidka ugala hay’ado sheegta in ay wakiil ka yihiin dadka iyo dalka Soomaaliya. Afartii sano ee ugu danbeeysay, Mareeykanku wuxuu Soomaaliya ugu deeqay 1 bilyan oo doolar oo ah caawimo aan toos ahayn. 

Istaraatiijiyadaan waxay abuurtay mushkiladdo  iyo rajo xumo hor leh sida barakac iyo burcad-badeednimo. Aqristoow ma ahan in aan dhib anagu sabab u nahay cid kale dusha ka saarayo. In dunida inteeda kale aan dib uga dhacno waxaa sabab u ah damiir la’aanteena  iyo dibindaabyada  shisheeyaha(raq-kunoosha).

Sida xeeldheerayaal badan ay qabeen, mudooyinkii danbena la arkay, Soomaaliya dib u heshiisiin ka hor waxay u baahan tahay dib u dejin iyo in sharcigii iyo kala danbeeyntii la soo celiyo.
Haddaba, aqoonsiga iyo isaf-garadkan waa astaan muujinaysa in xiriir cusub oo ka duwan kii hore uu u bilowday dawlada Mareeykanka iyo Soomaaliya. Xiriirkan cusub wuxuu faa’iido uleeyahay labada dawladood. Soomaaliya waa dal hodan ka ah qayraadka dabiiciga.

Dawlad rasmi ah oo Soomaaliyeed waxay u ogalaanaysaa maalgashadayaasha kala duwan ee Mareeykanka in si sharci ah ay u maalgashadaan Soomaaliya. Dhinaca kale, waxaa meesha ka baxaya dillaaliintii, oo wax ka badan san-dareerto ayaa Soomaliya gaaraya. Sidoo kale, waxay dawlada Soomaaliya awood u lahaaneeysaa in heshiisyo(dhaqaalaha, horumarinta, iyo meliteriga) ay la saxiixato dawlada mareykanka oo aan wada ogsoonahay mugga ay ku leedahay miisaanka siyaasada aduunka.

“ ma ahan in uu geedigii degay, waase dhacdo muhiim ah” ayay tiri xoghaya arimaha dibadda ee Mareeykanka marwo Clinton. Sida aan kor ku xusay, aqoonsigaan waa muhiim, hase ahaatee, Faanoole faro kama qodna, hadba waxay ku xiran tahay sida Gar-wadeenka Soomaalida ay fursadaan uga faa’iidaystaan. Aqoonsiga rasmiga ah waa in Soomaalidu is aqoonsato.

Si ay Soomaalidu isku aqoonsato, waa in gar-wadeenka hada xilka haya ay la yimaadaan siyaasad sollan(policy) oo ka dhiiran dhagar. Siyaasad sollan waxaan u la jeedaa wax ku dhisan cadaalad, hufnaan, wadanimo, islaanimo lana jaan qaadi kara qarnigan kow iyo labaatanaad. Waa in ay jirto talo-ka qaybgalin ka timaada noocyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si loo xaliyo arimaha xasaasiga ah ee dawlada horyaala ay kamidka yihiin dastuurka iyo arimaha fedaraalka.

Marka qaran dumo, dadkiisa waxay u nugul yihiin gunimo.  Waa in dawladu ay dhiiran tahay dhagar kasta. Waa in  dawladu ay isku xayn-daabto tacliin-leey(technocrats) oo ay ka dheeraato shahaado-xambaar iyo kan baan aaminayaa.

Si kastoon u kufno, waxaan nahay kuwii kacoo horey u socda. Waxaan nahay Soomaali. Heestii uu hal-abuuray AUN abwaan Cabduqaadir Xirsi Yam Yam Soomaali Baan Ahay, miraheeda waxaa kamid ah:
Inkastoon sabool ahay, Haddana waan sarriigtaa, Dabayshaan la socod ahay Ninna madax-salaax iyo,Kama yeelo seetada, Ninkaan taydu soli Karin,Uma yeelo suu rabo,Sida dunida qaarkeed,Sandulaynta ma ogoli, Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY.

Xasan Yuusuf waal
hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c