Skip to main content

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal



Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta.
Nelsan Mandela

Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton  wuxuu yiri  1855 tii“ Berbara waa  albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga AfrikaSiddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata  faragalinta iyo damaca shisheeye.

Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.  Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boortuqeysku qabsaday furdada Baraawe sanadkii 1506dii. Qabsashadii Ingiriisku qabsaday gobalada Waqooyi gugii 1884kii iyo qabsashadii Talyaaniga qabsaday Banaadir iyo xeebaha u dhow sanadkii 1892dii.

Xoog u sheegashadu kuma koobna oo kaliya kuwa kasoo duulay deggaanada fog fog ee xitaa waxaa isku deyay dalalka aan deriska nahay.   Iyada oo Kharaarka Qaramada midoobay  1725 (2006) ka xarimayo ciidamada dawladaha safka hore in ay Soomaaliya galaan ayay dawlada Itoobiya xoog ku soo gashay dalkeena dabayaaqaddii 2006dii si ay u burburiso kacdoonkii Maxaakiimta. Si lamid ah, Kiinya waxay si xoog ah  kusoo gashay dalkeena dabayaaqadii 2011kii iyada oo uu yoolkeedu ahaa Kismaayo iyo xeebaha ku meersan.

Dhinaca kale faragalinta dadban  waa mid sharciyeeysan ama idan laga haysto garwadeenka Soomaalida  iyo urrurada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ama Igaad. Faragalinta noocaana waxaa sabab looga dhigaa arrimaha ay kamidka yihiin gargaar binii-aadannimo maalgashi, ladagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedda iwm.

Intaa waxaa dheer  deeqda siyaasadeed oo iyadu ah  aalad loo isticmaalo  difaaca  dannaha dawladdo. Deeqahani waa halbowle-gooys hortaagan horumar iyo in la helo hanaan hagaagsan oo ku dhisan isku-tashi. Gacanhoorsigu wuxuu sababay kutiirsanaan aan dhamaan, musuq iyo maamul-xumo. Madaxweynaha Gaana Nana Akufo-Addo mar uu isaga iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadlayeen saxaafada ayuu yiri “ daw ma’ahan in aan dulsaar ku noqono dadkiina oo cashuurta ay bixiyaan biil ka dhigano”.

Sidaa si lamid ah, Dembisa Moyo oo macruuf ku noqotay buugii “ DEAD AID” waxa ay qabtaa in deeqda dibada ee dawladaha qaniga ah aysan xal u ahayn xalinta mushaakilaadka dawladaha soo koraya. Waxay Dembisa ku dooddaysaa “ Ilaa iyo lixdinkii sano ee ugu danbeeyay in reer galbeedku in ka badan 1 tiriiliyan oo doolar oo deeq horumarineed ah siiyeen Afrika. Balse dhib maahee aysan Dheef ka helin”. Dembisa waxay ay sheegtay in lacagaha deeqda ah aanan la marsiin nidaam daahfuran. Siddoo kalena aysan jirin xisaabbi xilmaleh iyo hay’addo awood leh oo la xisaabtami kara kuwa xada xoolaha dadweynaha.

Hagaag, waxaa beryahan la hadal hayay Berbera iyo Beled-xaawo oo ay soo damaaciyeen dawladaha Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Kiinya. Ma ahan markii kowaad xiliga jahliga iyo jahwareerka oo arintaanoo kale ay dhacdo. Balse dhawaqa arintaan gaar ahaan tan Berbera wuxuu gaaray dhul dheer. Waxay noqotay wax lala yaabo oo cidkastaaba afka gacanta saarto. Is-afgaradka maalgashi ee dhexmaray DP World, Itoobiya iyo Soomaalilaand  waxba umma hambayn dadka Soomaaliyeed. Waxaa boqolkiiba 70 saamiga qaatay Imaaraatka iyo Itoobiyaanka. Waxaa kaloo arinta cirka u shareeray saameeynta siyaasada gobolka iyo Khilaafka Soomaalida dhexdeeda yaal.

Dalkaan waligiisba waa lasoo damaaciyi jiray. Inteey doontaba ha qaadatee, dadka Soomaalida waxa ay ahayeen kuwa guuleeysta aakhirkana u hara dalkooda. Dadka Soomaaliyeed dhiilo wey Dhexmari jirtay dhexdooda balse dalkaan wey ka difaaci jireen damaaciga doolka ah. Waxay garab iyo gaashaanba siin jireen midnimada iyo madax-banaanida. Maantay xaalku wuu ka duwan yahay kii hore. Ma maqashay qofkaan dal hebel baa wata?. Ma maqashay ciidankaan dal hebel baa soo barbaariyay oo biila? Ma maqashay meeshaas lama agmari karoo qoleey u meeran-tahay? Salaan Carrabay (AUN) gabaygiisa Mine waxaa ka mid ah “Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye”. Waxa ceeb iyo cadaab meelkasta ina haysta waa wax aynu inagu mas’uul kanahay.

Waxaa lama huraan ah inteey goori goor tahay in la caymiyo waxa dalkaan  u haray ha ahaato dad, duunyo ama degelba. Waa su’aal da’ weeynee yaa dalkaan dabaqabanaya? Ila ma’aha siyaasiga hadda jira! Badankood waxa ay usoo joogeeyn waxa qarankii burburiyay. Waxa ayna u fekarayaan siddii shalay.  Iyada oo masiirkii ummada mool ku siidhacayo ayay mooshin iyo majaxaabin dan moodeen. Waxa la garan la’ yahay inta aan la’ gaarsiin dagaalka meesha ugu danbeeysa in la helo aalad ama nidaam lagu saxo qaladka iyo khilaafka.

Haddaba dalkaanu wuxuu u baahan yahay kasmo cusub oo dalkalkaal ah. Ugu horeeyn waa in la helaa dad u damqada dalkaan(tempered radicals). Dadkaasina laga dhex hellaa garwadeen aan ka baqayn gaajo iyo geeri. Isla markaana ay noqdaan kuwa hufan oo u hagarbaxsan hawsha loo idmaday. Dadkuna ka filaan figraddo  maangal ah oo macne muwaadinimo gudbiya. Figraddahaasuna ay dhisaan garaadka siyaasad-dhaqaale ee bulshada si looga badbaado QAWMIC (Qabyaalad, Aqoon-xumo, Wadaniyad la’aan, Musuqmaasuq , Isku halayn iyo Cadaaladdaro).  Qofkii u qaboow in aan gob nahay waxaan u gumeeysanahay garaad xumadeena iyo gacmo shisheeye.

Xasan Yuusufwaal
Hassaneksaato@hotmail.com





Comments

  1. Qof walba raalli. Waxaan aragnay faallooyin ka yimid dadka horeyba uga soo qaatay amaahda wadnaha wadnaha ah kadibna waxaan goostay inaan dalbado talooyinkooda oo kaliya dhowr saacadood ka hor waxaan ku xaqiijiyay koontada gaarka ah ee bangiga gaarka ah wadarta guud ee $ 50,000 oo aan codsaday. Tani dhab ahaantii waa war fiican oo waxaan kugula talinayaa qof kasta oo u baahan baahi deyn ah si uu u codsado emailkiisa: [1stms.federalcreditunion@gmail.com]
      Ama waxaad ku qori kartaa adigoo: +19144656417

    ReplyDelete
  2. Qof walba raalli. Waxaan aragnay faallooyin ka yimid dadka horeyba uga soo qaatay amaahda wadnaha wadnaha ah kadibna waxaan goostay inaan dalbado talooyinkooda oo kaliya dhowr saacadood ka hor waxaan ku xaqiijiyay koontada gaarka ah ee bangiga gaarka ah wadarta guud ee $ 50,000 oo aan codsaday. Tani dhab ahaantii waa war fiican oo waxaan kugula talinayaa qof kasta oo u baahan baahi deyn ah si uu u codsado emailkiisa: [1stms.federalcreditunion@gmail.com]
      Ama waxaad ku qori kartaa adigoo: +19144656417

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c