Skip to main content


Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal

Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah.

Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.  Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday:

Wariye Jaamac: Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa wareejisay. Markaa jaaniskaan anagoo ka faa’iideeysanayno caawaa la joogaayee, gadaashiina la idin ma xamankaree hadda noo sheega waxa aad ka qabtaan arinkaas?”

Taliyaha NISA Sanbaloolshe: Arinka la xariira sarkaalka la sheegay innoow ONLF yahay  ay dawladu wareejisay, sida aad la socotaanba waa arin xasaasi ah oo ay tahay waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo. Anigoo afduubaaya dawlada waxaan jeclaan lahaay in gadaal noolugudhigo.”

R/W Xasan Khayre:Een madaxda qaranka waxaa la yiraahdaa hey’adaha sir doonkaa utaliya een marka hadduu na afduubay markaa isagaa nooga xog-ogaalsan dalka amnigiisa, arimaha  amniga isagaa kaaga jawaabay.”

Hagaag, haddii aad eegto qaybta hore ee jawaabta Sanbaloolshe wuxuu u muuqdaa qof qabaar mooga ah(…sarkaalka la sheegay…) islamarkaana wuxuu qiray in arinku wax ka jiraan “Arinka la xariira sarkaalka la sheegay innoow ONLF yahay  ay dawladu wareejisay, sida aad la socotaanba waa arin xasaasi ah………”. Xasaasi dhankee ah? Gobonimadeenii oo lagu gabood falay mise danta qolo yar oo la ilaalinayo? Ma ahan hadal si qurxoon loo dhigay. Tan kale, waxaa ka soo wareegtey todoba beri markii Qalbidgax la gacan geliyay iyo marka la qabtay Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga. Soo ma haboonayn in garwadeenku goobta ku garbaxaan ama ka gaabsadaanoo waxba faarfaarin!

Dhanka kale R/W Xasan Khayre ayaa jecleeystay wax uun in uu kadhaho arinka balse wuxuu fooda saaray meel ka baxsan goobada su’aasha—in Sanbaloolshe ka sareeyo madaxda qaranka! Isla markaana xog badan ka hayn arinka. Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu ma’ahan oo kaliya in ay ka muuqato iska-bariyeel balse waxaa ka dhadhamayo kaftan iyo jees jees iyada oo ay xaajadu tahay mid mug-weyn.

Waxaa intaa dheer, in dawlada Itoobiya ay warbaahinta aduunka oodhan u xaqiijisay in Qalbidhagax dawlada Soomaaliya usoo gacan galisay.
Arinkaan ma aha midkii ugu horeeyay ee noociisoo kale ah. Haddii aan dib u jaleecno sanado ka hor, arinkii boobka bada Soomaaliya. Markii sidan oo kale su’aalo laga weydiiyay madaxdii dawladii ku meel gaarka ahayd heshiiskii is-afgaradka Soomaaliya iyo Keenya ee bada waxaa dhacday isbari-yeel iyo raad-gadasho. Cabdiraxman Cabdi Shakuur oo ahaa wasiirkii Qorsheenta qaranka ee  saxiixay heshiiskii badda su’aal kusaabsan arinta heshiiska  oo lagu weydiiyay London ayaa wuxuu ku jawaabay “ Aniga wasiir aan ahay gole wasiir aan ka tirsanahay baraaym ministerkaa idin horfadhiyo Cumar Cabdirashiid Cali sharmaake  amarkiisa ayaan ku saxiixay…………arintaan wixii ku saabsan asagaa ka jawaabi doono”. Ra’iisulwasaare Cumar wuxuu ku jawaabay “ waa nala qayaamay…..”. Waxa kaliya oo ay labaadaan dhacdo ku kala duwan yihiin middii hore Ra’iisul wasaarihii ayaa su’aashii loo gudbiyay  halka midda dhawaan dhacday Ra’iisul wasaaruhu su’aasha iska gudbiyay.

Shantii bisha Sebtember 2017ka, 8: 45 fiidnimo ayaa barnaamijka Dareenka Shacabka ee ka baxa Horn Cable TV sii toos ah usii daayay dood lagu falan-qaynayay arinta Qalbidhagax.   Su’aal ah muxuu ka hayay Qalbi dhagax meesha laga soo qabtay ayaa la weydiiyay xoghayaha golaha dhexe ee ONLF Maxamed Yaasiin Dhiirane wuxuuna ku jawaabay “Cabdikariim sadex sano hawl uu ururku leeyahay ayuu ka hayay aagaa laga soo qabtay”. Haddaba hadalkaan ka soo yeeray Dhiirane  ma wuxuu sababay aamusnaan dheer kabacdi in dawladu hadalkaa ka fa’iideeysato oo ay shir jaraa’iid oo ded deg ah qabato mise waa labo dhacdoo kulansaday?

Lixdii Sebteember ayay dawladu waxay ku faahfaahisay shir jaraa’iid oo ay ku qabatay magaalada Muqdisha sababta Qalbidhagax Itoobiya loogu gacan galiyay waxaa ka mid ahaa qodabadii shirkaas:

1.      In Qalbidhagax abaabulayay falal lid ku ah amniga dalka xiriir dhowna la lahaa kooxda argagixisada Alshabaab

2.      Heshiis dawladu lagashay dawlada Itoobiya 7dii Juun 2015 ayaa u aqoonsanaya ONLF iyo Alshabaab qatar ku yihiin amniga  labada dal melna looga soo wada jeesto. Heshiiskaan waxaa dawlada u saxiixay wasiiro-dawlihii hore ee madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

3.      Heshiis dawladu lagashay dawlada Itoobiya 2dii Meey 2016 oo ku saabsan ciribtirka kooxaha argagixisada gaar ahaan ONLF iyo Alshabaab. Heshiiskaan waxaa dawlada u saxiixay wasiirkii hore Boostada Maxamed Jaamac Mursal iyo madaxweynihii hore ee Galmadug Cabdikariim Guuleed.

4.      Golaha wasiirada wuxuu markale hoos ka xariiqay heshiisyadii  labada dawladood sida 7dii Juun 2015 iyo 2dii Meey 2016 ee qeexaya in hal meel looga soo wada jeesto cadawga labada dhinac ee ONLF iyo al-shabaab.

5.  Xukuumada Dawlalada Fedaraalka waxay dib-u-eegis ku sameeneeysaa heshiisyadii ay dawladii hore gashay si qabyo tir loogu sameeyo wixii daldalool ah oo ka jira waa haddii ay jiraan si loo waafajiyo habraaca sharciga ee dalka.

Uma gudo galayo heshiiyada lagu sheegay falceliska dawalada balse waxaa labadaas heshiis si adag uga hadlay kuna tilmaamay wax kama jiraan ragii la yiri weey saxiixeen iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

ONLF aduunku waxa uu u aqoonsan yahay urur ama falaago hubeeysan oo dagaal kula jirta Itoobiya kuna diriraysa mabda’a ah in dadka degan dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay tahay in iyagu leeyihiin aaya ka tashigooda. ONLF bayaan ay soo saartay ayay ku cadeeysay in aysan ururkoodu uusan shaqo ku lahayn falal argagixiso xiriirna aysan la lahayn kooxda Alshabaab.

Qodabka 4aad ee kor ku xusan dawaladu waxa ay xaqiijinaysaa in ay taageersan tahay heshiisyadii horey loola galay dawlada Itoobiya isla markaasna qodobka 5aad ayay waxay ku leedahay waxaan ku sameeyneeynaa dib-u-eegis heshiisyadii ay dawladii hore gashay(FG. Si loo saxo wixii daldalool ah waa haddii ay jiraan). Ma’ahan oo kaliya in hadalku isburinayo balse qodabka 5aad wuxuu muujinayaa waxa dawladu sameeysay in iyaga qudhooda aysan u cuntameeyn. Haddaba falceliskii madaxdu ma ahayn mid aad looga fiirsaday. Waxaa ka muuqday fudeeyd, kadis-nax, agaasin-xumo iyo hufnaan-la’aan.

Dawlada Ikwadoor waxay diiday in ay u gacan galiso Mareekanka iyo Iswidhan muwaadin aan dalkeeda u dhalan(Julian Assange) oo safaaradeeda ku taal Ingiriiska u magan galay.  Qalbidhagax ka weyn qof. Waa dhaawac la gaarsiiyay qaranimadii iyo sharafkii Soomaaliyeed.

Arintu si kastaba ha ahaatee, arinkaan waxa uu u baahan yahay cid garka qabata oo  si miyirleh u maareeysa. Aaway madaxweyne Maxamed Cabdullaahi?  Aamusnaantiisu dhibkii beey dhaawac ku siyaadisay. Haddi xitaa arrinkaanu yahay gef dawladu geeysatay waa in si hufan looga hadlaa. Waa in la sameeyo baaris bulshadu qayb ka tahay.

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c