Skip to main content





Maxaa Qadar ka dhigay qaran quwadleh! Qore: Xasan Yuusufwaal

Dhibyari jawaabtu waa garwadeen garaadleh oo doonaya in dadkiisu ku noolaadaan guul iyo gobinimo! Balse aan sii balbalaariyo.

Iyada oo ay jiraan warar aad u xiisa badan sida natiijadii dhawaan doorashooyinkii ka dhacay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, eedeemaha loo haysto madaxweyne Trump, warbaahinta reer galbeedku waxa ay aad u hadal hayaan khilaafka ka aloosan khaliijka ee u dhaxeeya Qadar iyo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga. khilaafkaan wuxuu saamayn dhinac walba ah ku yeelan karaa gobolka iyo kashishay.

Hagaag, Qadar waxa ay 186 jeer ka yar tahay Sacuudiga. Marka la barbar dhigo celcelis waxa ay baaxad la’eg tahay Yorkshire-gobol ku yaala Waqooyiga Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1867 ilaa iyo markii ay xornimada heshay 1971 Qadar waxa ay ku jirtay gacanta gumeesiga Ingiriiska. Xornimadii ka dib wuxuu xukunka dalka gacanta u galay reer Altaani oo uu horkacayo Sheekh Khaliifa Bin Xaamud Altaani.

Marka loo eego daqliga dalka, horumarkiisu aad buu gaabis u ahaa. Waxa intaa dheer cadaaladdaro, maamulxumo iyo musuqmaasuq ragaadiyay dalka. Arintaa waxa ay u cuntami weydey Sheekh Xaamud oo ah curudka Sheekh Khaliifa.  Sheekh Xaamud wuxuu ku noolaan jiray waxna ku bartay dalka Ingiriiska. Isaga oo ka careesan dibusocadka dalkiisa ayuu 27 Juun 1995 af-gambiyay aabiis oo dalxiis ugu maqan dalka Iswisarlaan.

Hogaanka cusub wuxuu durba fuliyay isbadalo xooli kusocda; ha ahaato dhanka waxbarashada, caafimaadka, kor-u-qaadidda kaabayaasha aasaasiga ah iyo balaarinta ilaha dhaqaale. Wuxuu hawl iyo awood galiyay qayb weyn oo bulshada ka mid ah oo hawl-gab ahayd(dumarka). Waxaa la ogalaaday dimoqraadiyad heer hoose ah -doorashada dawlada hoose. Moodadaan waxa ay u dhigantaa habka isdoorashada dimoqraadiga ee xisbiga shuuciga Jaayna.

Hugh Miles oo macruuf ku noqday buuga Al-jazeera-how Arab TV challenged the world wuxuu yiri “ Amiirka cusub ee dhalin yarada ah dhaqankiisu wuu ka duwan yahay kuwa qayrkiisa ee carabta ah. Isagoon ilaalo badan wadan ayuu maqaaxiyaha shacabka kula qaxweyn jiray. Xitaa wuxuu go’aan saday in uu galabkii shaqeeyo!”.

Hiiraalkii wiilka reer galbeedka wax kusoo bartay maantay ayay Qadar miraheedii guranaysaa. Qadar waxa ay tartan dhinac walba leh kula jirtaa aduunka horay u maray. Warbaahinta reer galbeedka oo boqolaal sano soo jiray waxaa suuqa ku ciriryay Aljasiira. Qadar Eerweeys oo haatan ah shirkada diyaaradeed ee ugu horumarka badan aduunka. Qadar waxa ay dhistay madxaf islaami ah oo aan waxba u ogayn madxafka aduunka ugu weyn ee ku yaala dalka Faransiiska- Louvre. Dhanka Isboortiga Qadar waxa ay martigalinaysaa tartanka kubada cagta aduunka ee sanadka 2022da. Horayna waxa ay u marti galisay tartamo caalami ah sida Ciyaaraha Aasiya ee 2006dii.

Intaa waxaa dheer oo aan la yaabay siyaasada Qadar ee sida qaboow isaga luudaysa. Waxa ay xiriir la leedahay dhamaan kooxaha siyaasad ahaan isaga soo horjeeda sida Yahuuda iyo xamaas, Taalibaan iyo reer galbeedka. Waxaa taa cadeenaya markii xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga culayska saareen Qadar, Qadar waxa ay garab siyaasadeed iyo gurmad militariba ka heshay kuwa saaxiibka dhow la ah dhigooda. Ingiriisku wuxuu sheegay in arinta waan waan lagu dhameeyo. Turki waxa uu balan qaaday in uu u soo dirayo Qadar 5000 oo ciidan ah . Mareekanku wuxuu  ka iibiyay Qadar hub casri ah oo qiimahiisu yahay 12 bilyan oo doolar ka dib markii madaxweyne Trump shaarica ka sheegay in Qadar u hogaansanaato dalabka xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga.

Haddaba doodaydu waxaa weeye Qadar awooda kuma helin gaaska dabiiciga oo kaliya. Qadar waxa
ay la jaan-qaadaysaa isbaadalada bulsho-dhaqaale, siyaasad iyo diin ee qarniga 21aad. Haddii lacag kaliya wax tarayso Liibiya ayay wax tari lahayd. Nabila Ramdani oo ah wariye, aqoon-yahanna ah iyada oo u waramaysa barnaamijka Newsnight ee BBCda waxay tiri “Qadaafi wuxuu abuuray bulsho cawaana ugudanbeeyntiina iyagaa si foolxun u dilay”. Waxa la tabco dadkaa ugu qiimo badan. Todobaatameeyadii ilaa sideetamaatkii Halka walaalahooda qaliijka  xooga ka saareen bangiyada iyo ganacsiga Sheekh Khaliifa iyo afadiisu waxa ay xooga saareen waxbarshada. Qadar waxa ay banaanka Dooxa ka dhistay meel loogu magacdaray caasimadii waxbarshada oo ah 14 kiiloomitir oo isku wareega. Waxaa goobtaan ku yaala laamaha jaamacadaha reer galbeedka kuwa ugu tayada fiican sida; Weill Cornel Medical College iyo Northwestern's Medill School of Journalism. Qorshaan aqoonta ku dhisan wuxuu sababay in Qadar la loodin kari waayo.

Gabagabadii halugu eedeeyo Qadar in hal reer dalka ka taliyo iyo in ay falaagada taageerto waxaase  hubaal ah in warbaahinta Qadar carab badan indhaha u furtay, dulmiga kuwa xooga weyna daboolka ka qaado, kasmo cusubna keentay qaliijka. Siyaasada qaboow ama dhexdhaxaadka ah waxay Qadar u suurta galisay xasilooni. Nidaamka ay dibada ka soo waarideen wuxuu asaguna suurtagaliyay in laga lib gaaro himilooyinka horumarineed ee garwadeenka dalka ku haminayeen. Markaa soo ma haboona kuwa soo koraya in ay ku daydaan Qadar.



Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c