Skip to main content

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal







1.   In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso

Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay.

FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray”.



2.   In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed

Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa haddal lagu kalsooni-galinayo dadweynaha maadaama markale dib loo dhigay dacwada badda.

FG. Xasilooni siyaasadeed waa hadal-hays kale oo muujinaya in midnimadu xoog tahay. Khilaaf la’aanta madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha iyo mooshin la’aanta Golayaasha waxa ay suurta-galiyeen in danaha doolka la iska difaaco.

3.   Dhalinyarada waa madaxda maantay ee ma’aha madaxda mustaqbalka

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhalinyaro badan ay u idmadeen mas’uuliyada iyo hogaaminta hey’addaha dawlada. Haddalkani wuxuu dhiiragalin u yahay dhalinyarada. Waxa uu madaxweynuhu markaa maanka ku hayaa in 75 boqolkiiba dadweynuhu yihiin dhalinyaro, taageerada iyaga uu ka helay.

FG. Ma liibanaha lagu liibaano waa hadal-hays kale oo fariin u diraya  dhalinyarada laga dhigto xaabada dabka lagu shito.

4.   Maqaamka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha wuxuu ka codsaday Golayaasha in magaalada madaxda ay yeelato matalaada ay mudan tahay. Talaabadan waa mid ugub ah oo ay dawladihii hore  ku adkayd in ay taaba-galiyaan.

FG. Waan ku dhashay waan ku koray waa hadal-hays kale oo maldahaya (subliminal message) in siyaasiyiin badan oo sheegta reer Muqdisho ay ka yimaadeen gobolada ay sana ka xigin dadka kale, Muqdishana tahay meel u dhaxaysa ummada soomaaliyeed.

5.   Waxaan ka digayaa sadex, waxaan doonayaa sadex

Madaxwynuhu wuxuu ka digay sadex cadow: Qabyaalad, Faqri iyo Argagixisinimo. Wuxuu yiri waxaan rabaa sadex: Soomaaliya oo nabad ah, Soomaaliya oo mid ah iyo Soomaaliya oo xor u ah danaheeda. Hadalkaan waa hiiraal(vision) iyo halka uu hiigsanayo madaxweynaha.

FG. Aan kala fikir duwanaano balse aan is-ixtiraamno waa hadal-hays kale.







Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c