Skip to main content

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal







1.   In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso

Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay.

FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray”.



2.   In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed

Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa haddal lagu kalsooni-galinayo dadweynaha maadaama markale dib loo dhigay dacwada badda.

FG. Xasilooni siyaasadeed waa hadal-hays kale oo muujinaya in midnimadu xoog tahay. Khilaaf la’aanta madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha iyo mooshin la’aanta Golayaasha waxa ay suurta-galiyeen in danaha doolka la iska difaaco.

3.   Dhalinyarada waa madaxda maantay ee ma’aha madaxda mustaqbalka

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhalinyaro badan ay u idmadeen mas’uuliyada iyo hogaaminta hey’addaha dawlada. Haddalkani wuxuu dhiiragalin u yahay dhalinyarada. Waxa uu madaxweynuhu markaa maanka ku hayaa in 75 boqolkiiba dadweynuhu yihiin dhalinyaro, taageerada iyaga uu ka helay.

FG. Ma liibanaha lagu liibaano waa hadal-hays kale oo fariin u diraya  dhalinyarada laga dhigto xaabada dabka lagu shito.

4.   Maqaamka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha wuxuu ka codsaday Golayaasha in magaalada madaxda ay yeelato matalaada ay mudan tahay. Talaabadan waa mid ugub ah oo ay dawladihii hore  ku adkayd in ay taaba-galiyaan.

FG. Waan ku dhashay waan ku koray waa hadal-hays kale oo maldahaya (subliminal message) in siyaasiyiin badan oo sheegta reer Muqdisho ay ka yimaadeen gobolada ay sana ka xigin dadka kale, Muqdishana tahay meel u dhaxaysa ummada soomaaliyeed.

5.   Waxaan ka digayaa sadex, waxaan doonayaa sadex

Madaxwynuhu wuxuu ka digay sadex cadow: Qabyaalad, Faqri iyo Argagixisinimo. Wuxuu yiri waxaan rabaa sadex: Soomaaliya oo nabad ah, Soomaaliya oo mid ah iyo Soomaaliya oo xor u ah danaheeda. Hadalkaan waa hiiraal(vision) iyo halka uu hiigsanayo madaxweynaha.

FG. Aan kala fikir duwanaano balse aan is-ixtiraamno waa hadal-hays kale.







Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa w...