Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2013
Dhibka lagu hayo Afka Soomaaliga ma dhabbaa mise waa dhalanteed?  Qore:  Xasan Yuusuf Waal “Haddii aad qof kula hadashid af uu garanayo oo aan kiisa ahayn, madaxa ayuu ka saameeyaa. Haddii aad qof kula hadashid  afkiisa hooyo, wadnaha ayuu ka saameeyaa” waxaa sidaa yiri Nelson Mandela. Afku waa astaan muujisa jiritaanka ay dad leeyihiin. Sidoo kale, afku wuxuu dhowraa dhaqanka iyo dhacdooyinka ab ka ab la dhaxlay. Sidaas darteed, qof af kiisa hooyo ka  tegay waa jir u nugul cudur .  Dadka Soomaalidu waa af-maal, sida aduunkaba noo yaqaan, Dalkii Abwaanada (Nation of  Bards).  Horraantii 1854 sahamiye Richard Burton mar uu socod dheer ku marayay Soomaaliya wuxuu yiri “ waxaan soo arkay dal ay dadkoo dhammi suugaan yahano yihiin”. Dhan kastoo laga eego, hadal iyo hawraar, gabay iyo geeraar,  maanso iyo maahmaah, masafo iyo madadaalo, waa af hodan ah. Wuxuu saab u yahay dhaqankeenna soo jireenka ah, murtida iyo suugaanta. Marka dib loo raadraaco, afka Soomaaligu aad