Dhibka lagu hayo Afka Soomaaliga ma dhabbaa mise waa dhalanteed?
Qore: Xasan Yuusuf Waal
|
“Haddii aad qof kula hadashid af uu garanayo oo aan kiisa ahayn, madaxa ayuu ka saameeyaa. Haddii aad qof kula hadashid afkiisa hooyo, wadnaha ayuu ka saameeyaa”waxaa sidaa yiri Nelson Mandela.
Afku waa astaan muujisa jiritaanka ay dad leeyihiin. Sidoo kale, afku wuxuu dhowraa dhaqanka iyo dhacdooyinka ab ka ab la dhaxlay. Sidaas darteed, qof af kiisa hooyo ka tegay waa jir u nugul cudur.
Dadka Soomaalidu waa af-maal, sida aduunkaba noo yaqaan, Dalkii Abwaanada (Nation of Bards). Horraantii 1854 sahamiye Richard Burton mar uu socod dheer ku marayay Soomaaliya wuxuu yiri “ waxaan soo arkay dal ay dadkoo dhammi suugaan yahano yihiin”. Dhan kastoo laga eego, hadal iyo hawraar, gabay iyo geeraar, maanso iyo maahmaah, masafo iyo madadaalo, waa af hodan ah. Wuxuu saab u yahay dhaqankeenna soo jireenka ah, murtida iyo suugaanta.
Marka dib loo raadraaco, afka Soomaaligu aad buu u fac weyn yahay. Waa af bahwadaag la ah afafka ay dadka Kushitigga ahi ku hadlaan (Saho, Canfarta, Oromada iyo kuwo kale), is la markaasna ah laan ka mid ah afafka Afro-Asiatic oo lagaga hadlo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Hase yeeshee, 1972 waxay dawladdii askartu hirgalisay fartii laatiinka ahayd ee uu hal-abuuray Shire Jaamac Axmed.
Sida ay qabto hay’adda waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee Qaramada Middoobay (UNESCO), 10 boqolkiiba afafka looga hadlo dawladdaha ka hooseeya saxaraha, wey nabaad-guurayaan dabayaaqada qarnigaan. Dulucda dooddeeydu waa in aan dadkeyga dareensiiyo dillaaga dahsoon ee afkeenna hooyo.
Haddaba waxaan u kala qaadayaa dhibta soo foodsaartay afka Soomaaliga labo qaybood: mid dibbada ah iyo mid guddaha ah. Midda dibbada waxaa sabab u ah weerar dhaqameedka nooga iimaanaya awooddaha shisheeye ee danaha kaleh dalka Soomaaliya oo si dadban noogu abuuraya dhaqamadooda, Waxaa kale oo sabab u ah qaab- isbadalleedka iyo isdhex-socodka aduunka (globalisation) oo ay keentay tiknoolajiyada interneetka iyo gumeysiga cusub ee kusalaysan dhaqaalaha. F.G isdhex-socodka wuxuu u keenaa dallalka saboolka ah (kuwa hurda) faa’iido labo boqolkiiba halka sagaashan iyo siddeed boqolkiiba ay kuwa hodanka ahi qaataan.
Midda gudaha oo ah midda ugu daran, waxaa sabab u ah ANNAGA. Eeda waa lasii kala leeyahay oo midda weyn waxay ku dhacaysaa war-baahinta (marka laga reebo koox yar ) iyo dadbadan oo yiraahda waxaan nahay wax-garad.
Waxaad arkaysaa wariye barnaamijka uu tabinayo loogu talagalay dadka ku hadla afka Soomaaliga, hase ahaatee boqolkiiba 30 uu ku hadlayo, tusaale, afka Ingiriisiga. Xagee loo laallay xeer-cabirreedka(standardisation) war-baahinta?
Waxaan kaloo la yaabay, mas’uul xil sare ka haya dawladda federaalka oo bogga feeysbuugga (facebook) farriin ku qoran Ingiriisi soo dhigay. Dadkii faallada ka bixiyay farriintaa waxay isticmaaleen shan afood oo ay ka mid yihiin, Carabi iyo Talyaani. Intaa waxaa dheer, waxaa baryahaan danbe ilbax-nimo noqotay, erayo wey ka tagtayee, in saddexdii howraarba mid ay noqoto af shisheeye.
Haddii kuwa wax indha indheeya iyo war-baahintu (iyagoo dhan ma’aha) ay dhibaateeyaan afka hooyo, maxaad mooddaa la-wadeenka? Dad-weynaha waxaa saameeyn ku yeesha xogta war-baahinta. Guddaha dalka, duullaanka afafka doolka ah durba waxaad ka dareemeeysaa gidaarrada goobaha ganacsiga-ha u badnaadeen Carabi iyo af Ingiriis.
Haddaba, arimaha aan kor ku xusay, waxay muujinayaan saddex xaaladdood; kow, meel-kadhac lagu samaynayo xeer-cabirreedka iyo shaqo-wanaagga warbaahinta; labo, xiriirka hadalka oo khalkhala, sidaas darteedna dhagaystayaashu ay wax badan fahmi waayaan; saddex, qofkaa Soomaaliga ah oon afkiisa hooyo ku faraxsanayn ama ay ka muuqato ifafaalo cudureedka yaa dib-u socdoo aan af shisheeye ku faanin! Tani, miyaysan na xasuusineeyn xeeladdii gumeystaha oo qofkii saddex eray oo af kooda ah yaqaannay ka darajo sarreeyay kan halka bartay.
Dhab ahaan, wey jirtaa in burburkii dalka saamayn weyn ku yeeshay afka Soomaaliga. Kaalimihii adeegyada waxbarasho waxaa buuxiyay dugsiyada gaarka ah oo badan kood af shisheeye wax ku dhiga. Waxaa kaloo u hayaamay adduunka dacaladiisa dadkii sadex meelood meel. Sidaas darteed waxaa meesha ka baxay daryeelkii afka, sida eray-bixinta. Sidoo kale, qurba joogta siiba kuwa da’ yarta ah oo u nugulnaaday shoogga afka.
Dhanka kale, waxaa jira dadaalo badan oo ay wadaan dad badan (dal iyo dibad) oo maamuus mudan oo u hiilinaya afkeena hooyo- qoraallo, buuggaag iyo fadhiyo looga hadlayo kobcinta tayada afka hooyo. Waxaa kaloo ammaan mudan dawladda Jabuuti oo xarun u ah, taageertana naadiga Somali PEN oo kaalin libaax ka qaata horumarinta afka Soomaaliga.
Gabagabadii, in af kale la barto waa muhiim. Af kastoo aad taqaanid, muddo kastoo aad dal kale ku nooshahay, waryaa waa waryaa. Haddaba, warbaahintu waa indhaha dadku wax ku arkaan. Waa in war-baahintu ay garowsadaan in ay ceebtahay labo-afaynta, tababar dheeri ahna siiyaan shaqaalahooda. Sidoo kalena, uga digaan dadka ay martiqaadayaan iyo lafa-gurayaasha in ay isticmaalaan oo kaliya afka hooyo. Intaa waxaa dheer, ratiga danbe ratiga hore saan qaadkiisuu leeyahay, waa in dadka hor-joogayaasha ahi ay joojiyaan labo-aflaynta, kuna faanaan af- kooda hooyo.
Xasan Yuusuf Waal
Email:hassaneksaato@hotmail.com
Email:hassaneksaato@hotmail.com
Comments
Post a Comment