Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2016

Ha la goobo Gar-wadeen aan ka baqayn Gaajo iyo Geeri! Qore Xasan Yuusufwaal

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene. Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede. Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye. Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e. Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye. Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde Waxaan u gumeesanahay Qaran la’aan, Qab la’aan, Quud la’aan, Qabyaalad, Qaybsanaan(mad-hab) iyo Aqoon la’aan. Dareenka shacabkeena waxaa haga afkaarta is rogrogta ee kuwa sheegta in ay matalaan, mas’uulna ka yihiin dadkeena. Waxay wataan magac-horgalayaasha ay ka mid yihiin Siyaasi, Aqoonyahan, sheekh iwm. Waxay shacabka u kala qayb qaybiyaan qolo qolo.  Qabyaaladdu waa aalad ay cadawga iyo kuwa Soomaalida ah ee hankoodu hungiriga dhaafsiisneeyn  u isticmaalaan dadkeena si ay u fushadaan danahooda  gaarka ah. Qabyaaladu waa caqabad hortaagan qaranimada iyo sharafka Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxaa inoo dhisan dawlad(si kastaba halagu  yagleelo) iyo gole sharci deji