Skip to main content

Ha la goobo Gar-wadeen aan ka baqayn Gaajo iyo Geeri! Qore Xasan Yuusufwaal



Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene. Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede. Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye. Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e. Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye. Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde

Waxaan u gumeesanahay Qaran la’aan, Qab la’aan, Quud la’aan, Qabyaalad, Qaybsanaan(mad-hab) iyo Aqoon la’aan.

Dareenka shacabkeena waxaa haga afkaarta is rogrogta ee kuwa sheegta in ay matalaan, mas’uulna ka yihiin dadkeena. Waxay wataan magac-horgalayaasha ay ka mid yihiin Siyaasi, Aqoonyahan, sheekh iwm. Waxay shacabka u kala qayb qaybiyaan qolo qolo.  Qabyaaladdu waa aalad ay cadawga iyo kuwa Soomaalida ah ee hankoodu hungiriga dhaafsiisneeyn  u isticmaalaan dadkeena si ay u fushadaan danahooda  gaarka ah. Qabyaaladu waa caqabad hortaagan qaranimada iyo sharafka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa inoo dhisan dawlad(si kastaba halagu  yagleelo) iyo gole sharci dejin. Midna kama soo bixin hawshii loo idmaday. Dawlad waa tii dadkeeda iyo dalkeeda kasbato, karaameeyso, kobciso, kana ilaaliso cadow iyo xumo oo dhan. Dawladeenu awood uma leh intaba. Sidaas darted, waxaa dhacda in kuwa cudur iyo gaajo u dhintaan, kuwa dawlad-goboleed darteed isku dilaan, kuwa qarax qudha ka jaro, kuwa badan baddu cunto, dadkii la dhalan rago, dharaar cadna dhulkii la qaato.

Maaweelo,masuqmaasuq, raad-gadasho,muwaafaqo la’aan waa dhaqan ku xiddideeystay hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Ood sida ay u kala koreeysaa loo kala qaadaa. Aaway wixii mudnaanta kowaad lahaa, aasaaskana u ahaa in lahelo nidaam dawladeed oo si fiican u-shaqeeya? In la dhameeystiro dastuurka qabyada ah, in la dhiso ciidan qaran oo isku dhafan, maamul wanaag, dadkoo la isku soo dhaweeyo……IWM.  Xogta wax badan oo ay dawladu bi’isay waxaad ka heli kartaa baraha internetka oo aay buux dhaafsheen.

Hagaag, waxaan su’aalay qof ka mid ahaa la taliye-yaashii madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa ku dhacay qorshihii hal-kudhiga looga dhigay Lixda Tiir. Wuxuu qofkaasi warcelintii iigu soo gaabshay “Culaabta taalay meesha awgeed hadalheynta qorshahaas laba billod gudahoodba wuu iska soo idlaaday”, oo uu ula-jeeday in talada aysan ku jirin gacanta Soomaalida.  
Waa marmarsiinyo iyo hadal muuqaal dhow in markasta mas’uuliyidada siyaasiyiinta Soomaalida meel kale loo saaro. Qab yaridaan waxay sabbabeeysaa in cid kasta dalka soo damaacido.

Dabiiciyan waxaa dadka lagu ibtileeyay  xukun iyo xoolo. Laakiin waxaa wax laga naxo ah qof marba iib-sanaya organidii jirkiisa. Raq-kunoosha ama kuwa damaca xun ee faraginlta aan dhamaan ku haya dalkeena waxa ay arkeen in siyaasiyiinta Soomaalida aysan lahayn damiir iyo dareen ay ku difaacaan dalkooda. Bahdilka madaxda Soomaalida lagu hayo wax la qariyo ma’aha.

Haddaba wax aad ka dhowrtaan ma jiro siyaasiga maanta. Lagama yaabo in ay ka koraan xinkii iyo xaasid-nimadii shalay. Waxay gobonimo ka doorbideen san-darreerto. Soomaaliyeey tashada oo awood galiya da’ yarta iyo dumarka.

Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...
Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa w...