Skip to main content

Ha la goobo Gar-wadeen aan ka baqayn Gaajo iyo Geeri! Qore Xasan Yuusufwaal



Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene. Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede. Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye. Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e. Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowye. Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde

Waxaan u gumeesanahay Qaran la’aan, Qab la’aan, Quud la’aan, Qabyaalad, Qaybsanaan(mad-hab) iyo Aqoon la’aan.

Dareenka shacabkeena waxaa haga afkaarta is rogrogta ee kuwa sheegta in ay matalaan, mas’uulna ka yihiin dadkeena. Waxay wataan magac-horgalayaasha ay ka mid yihiin Siyaasi, Aqoonyahan, sheekh iwm. Waxay shacabka u kala qayb qaybiyaan qolo qolo.  Qabyaaladdu waa aalad ay cadawga iyo kuwa Soomaalida ah ee hankoodu hungiriga dhaafsiisneeyn  u isticmaalaan dadkeena si ay u fushadaan danahooda  gaarka ah. Qabyaaladu waa caqabad hortaagan qaranimada iyo sharafka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa inoo dhisan dawlad(si kastaba halagu  yagleelo) iyo gole sharci dejin. Midna kama soo bixin hawshii loo idmaday. Dawlad waa tii dadkeeda iyo dalkeeda kasbato, karaameeyso, kobciso, kana ilaaliso cadow iyo xumo oo dhan. Dawladeenu awood uma leh intaba. Sidaas darted, waxaa dhacda in kuwa cudur iyo gaajo u dhintaan, kuwa dawlad-goboleed darteed isku dilaan, kuwa qarax qudha ka jaro, kuwa badan baddu cunto, dadkii la dhalan rago, dharaar cadna dhulkii la qaato.

Maaweelo,masuqmaasuq, raad-gadasho,muwaafaqo la’aan waa dhaqan ku xiddideeystay hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Ood sida ay u kala koreeysaa loo kala qaadaa. Aaway wixii mudnaanta kowaad lahaa, aasaaskana u ahaa in lahelo nidaam dawladeed oo si fiican u-shaqeeya? In la dhameeystiro dastuurka qabyada ah, in la dhiso ciidan qaran oo isku dhafan, maamul wanaag, dadkoo la isku soo dhaweeyo……IWM.  Xogta wax badan oo ay dawladu bi’isay waxaad ka heli kartaa baraha internetka oo aay buux dhaafsheen.

Hagaag, waxaan su’aalay qof ka mid ahaa la taliye-yaashii madaxweynihii hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa ku dhacay qorshihii hal-kudhiga looga dhigay Lixda Tiir. Wuxuu qofkaasi warcelintii iigu soo gaabshay “Culaabta taalay meesha awgeed hadalheynta qorshahaas laba billod gudahoodba wuu iska soo idlaaday”, oo uu ula-jeeday in talada aysan ku jirin gacanta Soomaalida.  
Waa marmarsiinyo iyo hadal muuqaal dhow in markasta mas’uuliyidada siyaasiyiinta Soomaalida meel kale loo saaro. Qab yaridaan waxay sabbabeeysaa in cid kasta dalka soo damaacido.

Dabiiciyan waxaa dadka lagu ibtileeyay  xukun iyo xoolo. Laakiin waxaa wax laga naxo ah qof marba iib-sanaya organidii jirkiisa. Raq-kunoosha ama kuwa damaca xun ee faraginlta aan dhamaan ku haya dalkeena waxa ay arkeen in siyaasiyiinta Soomaalida aysan lahayn damiir iyo dareen ay ku difaacaan dalkooda. Bahdilka madaxda Soomaalida lagu hayo wax la qariyo ma’aha.

Haddaba wax aad ka dhowrtaan ma jiro siyaasiga maanta. Lagama yaabo in ay ka koraan xinkii iyo xaasid-nimadii shalay. Waxay gobonimo ka doorbideen san-darreerto. Soomaaliyeey tashada oo awood galiya da’ yarta iyo dumarka.

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c