Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2017
Maxaa Qadar ka dhigay qaran quwadleh! Qore: Xasan Yuusufwaal Dhibyari jawaabtu waa garwadeen garaadleh oo doonaya in dadkiisu ku noolaadaan guul iyo gobinimo! Balse aan sii balbalaariyo. Iyada oo ay jiraan warar aad u xiisa badan sida natiijadii dhawaan doorashooyinkii ka dhacay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, eedeemaha loo haysto madaxweyne Trump, warbaahinta reer galbeedku waxa ay aad u hadal hayaan qilaafka ka aloosan qaliijka ee u dhaxeeya Qadar iyo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga. Qilaafkaan wuxuu saamayn dhinac walba ah ku yeelan karaa gobolka iyo kashishay. Hagaag, Qadar waxa ay 186 jeer ka yar tahay Sacuudiga. Marka la barbar dhigo celcelis waxa ay baaxad la’eg tahay Yorkshire-gobol ku yaala Waqooyiga Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1867 ilaa iyo markii ay xornimada heshay 1971 Qadar waxa ay ku jirtay gacanta gumeesiga Ingiriiska. Xornimadii ka dib wuxuu xukunka dalka gacanta u galay reer Altaani oo uu horkacayo Sheekh Khaliifa Bin Xaamud Altaani. Marka