Dhibyari jawaabtu waa garwadeen garaadleh oo doonaya in
dadkiisu ku noolaadaan guul iyo gobinimo! Balse aan sii balbalaariyo.
Iyada oo ay jiraan warar aad u xiisa badan sida natiijadii
dhawaan doorashooyinkii ka dhacay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, eedeemaha
loo haysto madaxweyne Trump, warbaahinta reer galbeedku waxa ay aad u hadal
hayaan qilaafka ka aloosan qaliijka ee u dhaxeeya Qadar iyo xulufada uu
hogaaminayo Sacuudiga. Qilaafkaan wuxuu saamayn dhinac walba ah ku yeelan karaa
gobolka iyo kashishay.
Hagaag, Qadar waxa ay 186 jeer ka yar tahay Sacuudiga. Marka
la barbar dhigo celcelis waxa ay baaxad la’eg tahay Yorkshire-gobol ku yaala
Waqooyiga Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1867 ilaa iyo markii ay xornimada heshay
1971 Qadar waxa ay ku jirtay gacanta gumeesiga Ingiriiska. Xornimadii ka dib
wuxuu xukunka dalka gacanta u galay reer Altaani oo uu horkacayo Sheekh
Khaliifa Bin Xaamud Altaani.
Marka loo eego daqliga dalka, horumarkiisu aad buu gaabis u
ahaa. Waxa intaa dheer cadaaladdaro, maamulxumo iyo musuqmaasuq ragaadiyay
dalka. Arintaa waxa ay u cuntami weydey Sheekh Xaamud oo ah curudka Sheekh
Khaliifa. Sheekh Xaamud wuxuu ku noolaan
jiray waxna ku bartay dalka Ingiriiska. Isaga oo ka careesan dibusocadka
dalkiisa ayuu 27 Juun 1995 af-gambiyay aabiis oo dalxiis ugu maqan dalka
Iswisarlaan.
Hogaanka cusub wuxuu durba fuliyay isbadalo xooli kusocda; ha
ahaato dhanka waxbarashada, caafimaadka, kor-u-qaadidda kaabayaasha aasaasiga
ah iyo balaarinta ilaha dhaqaale. Wuxuu hawl iyo awood galiyay qayb weyn oo
bulshada ka mid ah oo hawl-gab ahayd(dumarka). Waxaa la ogalaaday dimoqraadiyad
heer hoose ah -doorashada dawlada hoose. Moodadaan waxa ay u dhigantaa habka
isdoorashada dimoqraadiga ee xisbiga shuuciga Jaayna.
Hugh Miles oo macruuf ku noqday buuga Al-jazeera-how Arab TV challenged the world wuxuu yiri “ Amiirka
cusub ee dhalin yarada ah dhaqankiisu wuu ka duwan yahay kuwa qayrkiisa ee
carabta ah. Isagoon ilaalo badan wadan ayuu maqaaxiyaha shacabka kula qaxweyn
jiray. Xitaa wuxuu go’aan saday in uu galabkii shaqeeyo!”.
Hiiraalkii wiilka reer galbeedka wax kusoo bartay maantay
ayay Qadar miraheedii guranaysaa. Qadar waxa ay tartan dhinac walba leh kula
jirtaa aduunka horay u maray. Warbaahinta reer galbeedka oo boqolaal sano soo
jiray waxaa suuqa ku ciriryay Aljasiira. Qadar Eerweeys oo haatan ah shirkada
diyaaradeed ee ugu horumarka badan aduunka. Qadar waxa ay dhistay madxaf islaami
ah oo aan waxba u ogayn madxafka aduunka ugu weyn ee ku yaala dalka
Faransiiska- Louvre. Dhanka
Isboortiga Qadar waxa ay martigalinaysaa tartanka kubada cagta aduunka ee
sanadka 2022da. Horayna waxa ay u marti galisay tartamo caalami ah sida
Ciyaaraha Aasiya ee 2006dii.
Intaa waxaa dheer oo aan la yaabay siyaasada Qadar ee sida
qaboow isaga luudaysa. Waxa ay xiriir la leedahay dhamaan kooxaha siyaasad
ahaan isaga soo horjeeda sida Yahuuda iyo xamaas, Taalibaan iyo reer galbeedka.
Waxaa taa cadeenaya markii xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga culayska saareen
Qadar, Qadar waxa ay garab siyaasadeed iyo gurmad militariba ka heshay kuwa
saaxiibka dhow la ah dhigooda. Ingiriisku wuxuu sheegay in arinta waan waan
lagu dhameeyo. Turki waxa uu balan qaaday in uu u soo dirayo Qadar 5000 oo
ciidan ah . Mareekanku wuxuu ka iibiyay Qadar
hub casri ah oo qiimahiisu yahay 12 bilyan oo doolar ka dib markii madaxweyne
Trump shaarica ka sheegay in Qadar u hogaansanaato dalabka xulufada uu
hogaaminayo Sacuudiga.
Haddaba doodaydu waxaa weeye Qadar awooda kuma helin gaaska
dabiiciga oo kaliya. Qadar waxa
ay la jaan-qaadaysaa isbaadalada
bulsho-dhaqaale, siyaasad iyo diin ee qarniga 21aad. Haddii lacag
kaliya wax tarayso Liibiya ayay wax tari lahayd. Nabila Ramdani oo ah
wariye, aqoon-yahanna ah iyada oo u waramaysa barnaamijka Newsnight ee BBCda
waxay tiri “Qadaafi wuxuu abuuray bulsho cawaana ugudanbeeyntiina iyagaa si
foolxun u dilay”. Waxa la tabco dadkaa ugu qiimo badan. Todobaatameeyadii ilaa
sideetamaatkii Halka walaalahooda qaliijka xooga ka saareen bangiyada iyo ganacsiga
Sheekh Khaliifa iyo afadiisu waxa ay xooga saareen waxbarshada. Qadar waxa ay
banaanka Dooxa ka dhistay meel loogu magacdaray caasimadii waxbarshada
oo ah 14 kiiloomitir oo isku wareega. Waxaa goobtaan ku yaala laamaha jaamacadaha reer galbeedka kuwa ugu tayada fiican sida; Weill Cornel Medical College iyo Northwestern's Medill School of Journalism. Qorshaan aqoonta ku dhisan wuxuu sababay in Qadar la loodin
kari waayo.
Gabagabadii halugu eedeeyo Qadar in hal reer dalka ka taliyo
iyo in ay falaagada taageerto waxaase hubaal ah in warbaahinta Qadar carab badan
indhaha u furtay, dulmiga kuwa xooga weyna daboolka ka qaado, kasmo cusubna
keentay qaliijka. Siyaasada qaboow ama dhexdhaxaadka ah waxay Qadar u suurta
galisay xasilooni. Nidaamka ay dibada ka soo waarideen wuxuu asaguna
suurtagaliyay in laga lib gaaro himilooyinka horumarineed ee garwadeenka dalka ku
haminayeen. Markaa soo ma haboona kuwa soo koraya in ay ku daydaan Qadar.
Comments
Post a Comment