Maahmaahbaa oranaysa “Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa”. Aynu Keeno kaarto ka duwan kutiirsanaanta kaalmada shisheeye. “Runtu waxaa weeye haddii aysan Soomaaliya iyadu tashan oo aysan wax qabsan , go’aan gaarin in ay dawlad noqoto shir meel kasta lagu qabto oo la isugu yeero wax baddan kama baddalayo” ayuu yiri madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane Cabdiweli Gaas oo joogay shirka wadatashiga arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay Beljam. Hadalka Cabdiweli Gaas ma’ahan wax ka maqan ama ay dadka Soomaaliyeed moogyihiin, waa dareen-xanuun ay wali dadku dawadiisa goobayaan. Sida ay ilatahayna garasho xumaa ku dadban dawadaas. Meel kasta ayaa la isaga yimid! Waxaa laga shaqeeyay in laga hortago wax kasta oo hor istaagi kara habsami-usocodka shirka. La yaab, kuwa siyaasiyiinta ah ee isdiidan ayaa waxaa la’arkayay iyaga oo gacmaha is-haysta oo magaalada dhex mushaaxaya. Kuwa cabasho doc usala buurayna durba xaaladooda si deg deg ah a...
Waligaa isweydii