Maahmaahbaa oranaysa “Baahiyi qof
kuu daran bay kuu geysaa”. Aynu Keeno kaarto ka duwan kutiirsanaanta kaalmada
shisheeye.
“Runtu waxaa weeye haddii aysan
Soomaaliya iyadu tashan oo aysan wax qabsan , go’aan gaarin in ay dawlad noqoto
shir meel kasta lagu qabto oo la isugu yeero wax baddan kama baddalayo” ayuu
yiri madaxweynaha maamul goboleedka
Puntland mudane Cabdiweli Gaas oo joogay shirka wadatashiga arimaha Soomaaliya
ee lagu qabtay Beljam.
Hadalka Cabdiweli Gaas ma’ahan wax
ka maqan ama ay dadka Soomaaliyeed moogyihiin, waa dareen-xanuun ay wali dadku dawadiisa goobayaan. Sida ay ilatahayna
garasho xumaa ku dadban dawadaas.
Meel kasta ayaa la isaga yimid! Waxaa
laga shaqeeyay in laga hortago wax kasta oo
hor istaagi kara habsami-usocodka shirka. La yaab, kuwa siyaasiyiinta ah
ee isdiidan ayaa waxaa la’arkayay iyaga oo gacmaha is-haysta oo magaalada dhex
mushaaxaya. Kuwa cabasho doc usala buurayna durba xaaladooda si deg deg ah ayaa loo dejiyay. Waa maadeeys adduunyadu dadkuna
wey mataleyaan!
Ka gudub, filimkaan ma foga
markeeynu fiirsanay. London (SC 2013), Tokyo (TIGAD M), Istanbul, Belgium(New
Deal Compact) iyo London (SC 2017) iyo kuwo badan oo ka horeeyay. Mar kasta
waxaa lagu yaboohaa lacag fara badan, caawin farsamo iwm, haddana si guud
xaalada dalku ma leh isbeddal dhab ah.
Deeq-bixiyaashu waxay sheegtaan
in bilaayiin doolar ay ku bixiyaan Soomaaliya sida hawlgalka nabad ilaalinta ee
AMISOM, kaabista miisaaniyada dawlada, gargaarka iwm. Askariga Soomaaaliga wuxuu
15 jeer ka lacag yaryahay kan AMISOM. Shaqaalaha shirkadaha shisheeye waxay 20
jeer ka mushaar badan yihiin kuwa gudaha.
Deeqda siyaasadeeysan ee dibada
dumis mooyee dawo maleh. Sida ay qabto hey’ada Centre for American Progress
inta u dhaxeeysay 1991 ilaa iyo 2011 Soomaaliya waxaa loogu deeqay 55 biliyan
oo doolar. Shan sano ka hor waxaa Soomaliya loogu yaboohay 2.4 bilyan oo doolar
shirkii Beljemka(The New Deal Compact). Xagee lacagtaasu martay? Waa la musuqay.
Soomaaliyana waxaa lagu mataaneeyay
musuqmaasuq.
Intaa waxaa dheer hagardaamada
iyo fara-galinta deeqahaan ku sidkan oo hooga iyo halaaga baday dadka
Soomaaliyeed.
Haddaba arinkaanu ma’aha mid
wanaagsan oo wax tar u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed mustaqbalka dhow iyo
midka fog toona. Xalku wuxuu yaalaa Soomaalida
dhexdeeda. Waxaynu kaga maarmi karnaa ku go’ da inagoo dhaqaale ahaan isku
tashana.
Halka laga bilaabayo waxaa weeye qaaraanka qaranka (cashuurta) oo la bixiyo dal
iyo dibedba. Qurba-joogta lacagta xawaalada oo ay cashuur ka bixiyaan.
Gudahana, shaqaale iyo shirkadba cashuurta bixyaan. Waa in iskaa wax-u-qabso
dalka lagu dhisaa. Haddii tabtii la helo waa hawl si fudud lagu hirgalin karo.
Soomaaliya mashruuc ma'ahan ee waa dal dhiban oo mar aan dheereeyn dhibib kici doona.
Halkudhigeenu waa horey-u-socod. Soomaaliya ha is-raacdo.
Xasan Yuusufwaal.
Soomaaliya mashruuc ma'ahan ee waa dal dhiban oo mar aan dheereeyn dhibib kici doona.
Halkudhigeenu waa horey-u-socod. Soomaaliya ha is-raacdo.
Xasan Yuusufwaal.
Comments
Post a Comment