Skip to main content

Ka tasho oo isku tasho W/Q Xasan Yuusufwaal



Maahmaahbaa oranaysa “Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa”. Aynu Keeno kaarto ka duwan kutiirsanaanta kaalmada shisheeye.

“Runtu waxaa weeye haddii aysan Soomaaliya iyadu tashan oo aysan wax qabsan , go’aan gaarin in ay dawlad noqoto shir meel kasta lagu qabto oo la isugu yeero wax baddan kama baddalayo” ayuu yiri madaxweynaha maamul  goboleedka Puntland mudane Cabdiweli Gaas oo joogay shirka wadatashiga arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay Beljam.

Hadalka Cabdiweli Gaas ma’ahan wax ka maqan ama ay dadka Soomaaliyeed  moogyihiin, waa dareen-xanuun ay  wali dadku dawadiisa goobayaan. Sida ay ilatahayna garasho xumaa ku dadban dawadaas.

Meel kasta ayaa la isaga yimid! Waxaa laga shaqeeyay in laga hortago wax kasta oo  hor istaagi kara habsami-usocodka shirka. La yaab, kuwa siyaasiyiinta ah ee isdiidan ayaa waxaa la’arkayay iyaga oo gacmaha is-haysta oo magaalada dhex mushaaxaya. Kuwa cabasho doc usala buurayna durba xaaladooda  si deg deg ah ayaa  loo dejiyay. Waa maadeeys adduunyadu dadkuna wey mataleyaan!

Ka gudub, filimkaan ma foga markeeynu fiirsanay. London (SC 2013), Tokyo (TIGAD M), Istanbul, Belgium(New Deal Compact) iyo London (SC 2017) iyo kuwo badan oo ka horeeyay. Mar kasta waxaa lagu yaboohaa lacag fara badan, caawin farsamo iwm, haddana si guud xaalada dalku ma leh isbeddal dhab ah.  

Deeq-bixiyaashu waxay sheegtaan in bilaayiin doolar ay ku bixiyaan Soomaaliya sida hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM, kaabista miisaaniyada dawlada, gargaarka iwm. Askariga Soomaaaliga wuxuu 15 jeer ka lacag yaryahay kan AMISOM. Shaqaalaha shirkadaha shisheeye waxay 20 jeer ka mushaar badan yihiin kuwa  gudaha.

Deeqda siyaasadeeysan ee dibada dumis mooyee dawo maleh. Sida ay qabto hey’ada Centre for American Progress inta u dhaxeeysay 1991 ilaa iyo 2011 Soomaaliya waxaa loogu deeqay 55 biliyan oo doolar. Shan sano ka hor waxaa Soomaliya loogu yaboohay 2.4 bilyan oo doolar shirkii Beljemka(The New Deal Compact). Xagee lacagtaasu martay? Waa la musuqay.  Soomaaliyana waxaa lagu mataaneeyay musuqmaasuq.

Intaa waxaa dheer hagardaamada iyo fara-galinta deeqahaan ku sidkan oo hooga iyo halaaga baday dadka Soomaaliyeed.

Haddaba arinkaanu ma’aha mid wanaagsan oo wax tar u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed mustaqbalka dhow iyo midka fog toona. Xalku  wuxuu yaalaa Soomaalida dhexdeeda. Waxaynu kaga maarmi karnaa ku go’ da inagoo dhaqaale ahaan isku tashana.

Halka laga bilaabayo waxaa weeye  qaaraanka qaranka (cashuurta) oo la bixiyo dal iyo dibedba. Qurba-joogta lacagta xawaalada oo ay cashuur ka bixiyaan. Gudahana, shaqaale iyo shirkadba cashuurta bixyaan. Waa in iskaa wax-u-qabso dalka lagu dhisaa. Haddii tabtii la helo waa hawl si fudud lagu hirgalin karo.

Soomaaliya mashruuc ma'ahan ee waa dal dhiban oo mar aan dheereeyn dhibib kici doona.

Halkudhigeenu waa horey-u-socod. Soomaaliya ha is-raacdo.

Xasan Yuusufwaal.






Comments