Isku-daygii dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi isugu soo dhaweenayay dawladaha Eriteriya iyo Jabuuti oo khilaaf xaga soohdinta ah u dhaxeeyay mudo haatan 10 sano ah ayaa noqday mid miro dhal ah. Arinkaani wuxuu naxasuusiyay kaalintii libaax ee Soomaaliya ka qaadan jirtay xalinta mushkiladaha qaarada Afrika. Isku dayo badan ka dib khilaafkaan oo loo caalwaayay ayaa ku soo beegmay xili isbedalo lama filaanu ay kadhaceen gobolka. Xukuumad cusub oo Itoobiya ka dhalatay, heshiiska Itoobiya iyo Eriteria iyo soo celinta cilaaqaadka u dhaxayeeyay Soomaaliya iyo Eriteriya kaa soo xargo-furtay ka dib markii Soomaaliya ku eedeeysay Eriterya in ay taageerto kooxda nabad-diidka ee Alshabaab. Waxaa isweydiin mudan iyada oo ay dawlado ka saameeyn iyo mugweyn Soomaaliya ka samreen xalinta khilaafka Eriteriya iyo Jabuuti; codsigii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado Eriteriya cuno-qabateenka hubka uu ka careesiiyay Jabuuti siddee Soomaaliya ugu gu...
Waligaa isweydii