Skip to main content

Madaxweyne Maxamed lug maku lahaa isku-soodhawaanshaha Eriteriya iyo Jabuuti?W/Q Xasan Yuusufwaal


Isku-daygii dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi isugu soo dhaweenayay dawladaha Eriteriya iyo Jabuuti oo khilaaf xaga soohdinta ah u dhaxeeyay mudo haatan 10 sano ah ayaa noqday mid miro dhal ah. Arinkaani wuxuu naxasuusiyay kaalintii libaax ee Soomaaliya ka qaadan jirtay xalinta mushkiladaha qaarada Afrika.

Isku dayo badan ka dib khilaafkaan oo loo caalwaayay ayaa ku soo beegmay xili isbedalo lama filaanu ay kadhaceen  gobolka. Xukuumad cusub oo Itoobiya ka dhalatay, heshiiska Itoobiya iyo Eriteria iyo soo celinta cilaaqaadka u dhaxayeeyay Soomaaliya iyo Eriteriya kaa soo xargo-furtay ka dib markii Soomaaliya ku eedeeysay Eriterya in ay taageerto kooxda nabad-diidka  ee Alshabaab.

Waxaa isweydiin mudan iyada oo  ay dawlado ka saameeyn iyo mugweyn Soomaaliya ka samreen xalinta khilaafka Eriteriya iyo Jabuuti; codsigii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado  Eriteriya cuno-qabateenka hubka  uu ka careesiiyay Jabuuti    siddee Soomaaliya ugu guuleeysatay arinkaan? Si isbedalada siyaasadeed ee kor ku xusan ay u noqdaan kuwo taaba gal ah  waxaa lagama-maarmaan noqotay in la helo iskaashi dhaqaale oo u dhaxeeya dawladaha gobolka.

Maadaama Soomaaliya tahay dal Eebe ugu deeqay ilo wax soosaar oo dihan waxay muhiim u tahay iskaashi dhaqaale oo si fiican u shaqeeya. Inkastoo Soomaaliya tahay dal wali soo kabanaya oo aan luguhiisa ku istaagin barwaaqada taal bad iyo bariba waxay siinaysaa awood(leverage). Arintaanu waxay soo dedejisay in durbadiiba la iclaamiyo kulan rasmi ah oo u dhaxeeya Soomaaliya , Itoobiya iyo Eriteriya.

Sitimaankan dhexdiisa  Madaxweynaha Eriteriya iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya waxa ay  si wadajir ah madaarka Casmara   ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Soomaaliya taasoo lama filaan ku noqotay dad badan. Xiliga jahliga jahwareerka loogama baran in madaxda Soomaaliya si xushmad leh loo soo dhaweeyo gaar ahaan Itoobiya. Waxay dawladuhu kala sixiixdeen heshiis sadex geesood ah oo muhiimadiisu tahay iskaashi siyaasad-dhaqaale.

Wadahadalada Casmara ayaa lagu soo qaaday arinka Jabuuti oo xurgufta kala dhaxeeysa Eriteriya awgeed madasha ka maqneeyd. Iskaashiga siyaasad-dhaqaale ee gobolka oo Jabuuti ka maqan tahay runtii waa arin culeeyskeeda leh. Madaxweyne Maxamed wuxuu miiska wadahadalada soo saaray suurta-galnimada in la heshiisiiyo Jabuuti iyo Eriteriya isaga oo farsamo ahaana soo dhiraan-dhiriyay.

Madaxweyne Maxamed C/laahi wuu ku amaanan-yahay sida xirfada ku dheehan ee uu ugu kala dab qaaday labada dawladood ee deriska ah. Sidda aan kor ku sheegay maadaama Soomaaliya tahay xudunta iskaashi ka hirgala gobolka  iyo Jabuuti oo ah walaal Soomaali ah ayaa u fududeeysay in madaxweynuhu uu ku guuleeysto wadahadal-siinta.

Waxaa ka loo isweeydiin mudan garwadeenimada Madaxweynuhu arinkaan ka muujiyay ma u isticmaali karaa in uu ku xaliyo khilaafka joogtada ee u dhaxeeya dawlada fedaraalka iyo maamul goboleedyada; dawlada federaalka iyo Soomaalilaandh? Waa suurta-gal laakiin waxa ay u baahan tahay geesinimo aan gabad lahayn.

Xiriir siyaad-dhaqaale oo hirgala oo ay  Soomaaliya la yaleelato dalal shisheeye wuxuu ku xiran hadba sida siyaasada gudaha loo saxo, musuqa looga hortago , mida ugu muhiimsana dadka loo toleeyo. Madaxweyne Maxamed C/laahi waxaa looga fadhiyaa sidii arimahan kor ku xusan uu u xalin lahaa oo ay ugu horeeyso khilaafka meesha xun gaaray ee dawlada iyo maamul goboleedyada. 

Xasan Yuusufwaal

hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c