Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2019

Sadex oo aan hagaagin waxba hagaagi maayaan! W/Q Xasan Yuusufwaal

                                                                                                  Nin geeliisa dhacaya looma dhicin karo Waxay hey’adda Tranasparent International todobaadkan guddihiisa   soo saartay warbixintii sanadlaha ahayd ee musuqmaasuqa dawladaha adduunka. Soomaaliya waxay mar kale gashay kaalinta koowaad oo ah dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Meel fayoow maleh musuqu wuxuu saameeyay xubin kasta oo hab-hismeedka dalka ah. Wuxuu noqday dhaqan aan la iskula yaabin.   Kala darranee, wuxuu si xun ugu habsaday sadex hey’adood oo halboole u ah hanaanka dawladnimo. Waxay kala yihiin: Golaha shacabka(sharci-dejiye), Ciidamada(sharci-illaaliye) iyo Maxkamadaha(sharci-ooge). Dib-udhaca iyo dulmiga musuqu keenay ka sakow, wuxuu kaloo sababay in shacabka sharciga Shabaab u doontaan! Taasoo   liddi ku ah in la helo dawladnimo taam ah. Vanda Felbab-Brown oo qabiir ku ah dalka Soomaaliya una shaqeeysa Brookings Institution oo saldhigiisu yahay Washinton a