Nin geeliisa dhacaya looma dhicin karo
Waxay hey’adda Tranasparent
International todobaadkan guddihiisa soo
saartay warbixintii sanadlaha ahayd ee musuqmaasuqa dawladaha adduunka.
Soomaaliya waxay mar kale gashay kaalinta koowaad oo ah dalka ugu musuqmaasuqa
badan adduunka.
Meel fayoow maleh musuqu wuxuu
saameeyay xubin kasta oo hab-hismeedka dalka ah. Wuxuu noqday dhaqan aan la
iskula yaabin. Kala darranee, wuxuu si
xun ugu habsaday sadex hey’adood oo halboole u ah hanaanka dawladnimo. Waxay
kala yihiin: Golaha shacabka(sharci-dejiye), Ciidamada(sharci-illaaliye) iyo
Maxkamadaha(sharci-ooge).
Dib-udhaca iyo dulmiga musuqu
keenay ka sakow, wuxuu kaloo sababay in shacabka sharciga Shabaab u doontaan! Taasoo liddi ku ah in la helo dawladnimo taam ah. Vanda
Felbab-Brown oo qabiir ku ah dalka Soomaaliya una shaqeeysa Brookings
Institution oo saldhigiisu yahay Washinton ayaa tiri “ Al-shabaab ma’aha oo
kaliya in aysan qabiil ku shaqayn ee waxaa u dheer caddaalad-fal aan musuqmaasuq
lahayn”.
Intaa waxaa dheer in ganacsatada
iyaga oo naftooda u baqaya ay baad siiyaan kooxda nabad-diidka ah ee
Al-shabaab. Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wuxuu yiri “ Dee runtii in ganacsatada
soomaaliyeed lacag siiyaan Al-shabaab iyaga oo naftooda ku furunaya waa wax
waadaxoo qof kasta og yahay. Waxaaba la dhihi karaaba meel furan oo aanay wax ka
qaadan dalka inta ay lugta ku leeyihiin waa ay yar tahay.”.
Tan kale ee ugu daran waa musuqa
iyo maamul xumida ka jirta goleyaasha shacabka. Doorashadii 2017 waxaa jira kuraas la kala
siistay in ka badan hal malyuun oo doolar. Golaha shacabka Soomaaliya waa
meesha kaliya ee adduunka ee qof xildhibaan ah isku qiray in uu qaatay laaluush
haddana sharcigu waxba ka oran. Barre sare Cabdi Ismaaciil Samatar oo ahaa
madaxii anshaxa ee doorashadii 2017 ayaa
caddeeyay in qaar ka mid ah
musharixiintii doorashada ay lacago badan ku iibsadeen codad. Siddoo
kale Barnaamijka Galka Baarista ee ka
baxa Laanta Afka Soomaaliga ee Codka Mareeykanka(VOA) warbxin ay soo saartay
ayaa lagu sheegay in hal milyan iyo lix boqol oo kun oo doolar xildhibaanada Golaha
Shacabka loo qaybiyay. Lacagtaan ayaa la
sheegayaa in abaalmarin looga dhigay xildhibaanadii u codeeyay mooshinkii xilka
looga qaaday Gudoomiyhii hore ee baarlamaanka mudane Jawaahiri. Afar xildhibaan
ayaa u sheegay Galka Baarista in ay lacagtaa qaateen halka sadex kalana ay
arkayeen lacagtoo la qaybinayo. Waxaa kaloo arinkaan ka marqaati kacay
xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.
Walaalayaal xaalada hadda aynu ku
jirno ma’aha mid aynu awoodno in aynu ku sii jirno. Halka Sheekh Keenyaawi kheyr
Eebe ha siiyee dadka ku wacyi-galinayay IS-CAFISKA, waxa ay ahayd in uu dadka
ka digo dambiga iyo saameeynta xun ee laaluushka iyo laa-laabka.
Mar haddii musuqa madaxda sare
yahay mid aan sharciga qaban maxaa diiddaya in askariga agabka ka aradan ama
howlwadeenada hoose ee dawlada ay iyaguna wax musuqaan. Askari iyo shaqaale
baahan si niyadsami leh u qaban maayaan shaqada. Sidoo kale qof lagu
shaqaaleeyay qabiil iyo eex u qaban maayo shaqada siddii la rabay.
Haddaba waa wax muuqda oo cad in
Golayaasha shacabka , ciidamada iyo maxkamadaha intuba u baahan yihin toos
toosin(reform). Waxaa dhacday in madaxweynuhu xooga saaray in isbedal lagu
sameeyo ciidamada. Balse haddii isbedalku uusan ahayn mid dhinacyo badan taabanaya
wixii hal dhinac laga hagaajiyaa waqti yar gudahood halkii hore ayay ku
laabanayaan. Hagaajinta iyo toos toosntu
waa in ay leedahay istraatiijiyad isku dhan (Comprehensive strategy) oo
taabaneeysa ma’ahan ciidamada oo kaliya ee Golayaasha shacabka iyo maxkamadaha.
Istaraatiijiyaduna waa waa in ay
wahelisaa ficil iyo farsamo. Tusaale haddii la helo Gole shacab oo xalaal ah
xukuumadu waxba ma xadi karto. Sidoo kale haddii la helo maxkamado sharci iyo
shaqo wanaag ku shaqeeya waxaa jiri lahayd isla xisaabtan dhab ah. Isla
markaana waxaa agab iyo mushaar ku filan loo heli lahaa naftooda hurayaasha. Waxaa laga
maarmi lahaa AMISOM. Dalkuna barwaaquu gaari lahaa.
Boobka iyo musuqa dalkeena waa
dhab ee diidnay dhaha.
Comments
Post a Comment