Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2020

Gorfeyn Gaaban: Gedo iyo Goodax maxaa loogu dawgalay! W/Q Xasan Yusuf Waal

Natiijadii imtixaanka shahaadiga fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 waxa ay dhalisay buuq si balaaran u baahay ka dib markii in ka badan 8 kun oo araday ay ku dhaceen imtixaankii. Waa wax laga xumaado in tirro intaa la’eg oo arday ah ay gudbi-waayaan imtixaanka. Haddaba yaa mas’uuliyada fashilkaan dusha laga saaraa? Iyada oo ay mas’uuliyada fashilkaan ay wada leeyihiin dhamaan: Wasaarad, waalid, wax-bare…iwm, haddana waxa ay tahay in il gaara lagu eego kuwa   ka faa’iida fowdada, haddana diidan in toos toosin(reform) lagu sameeyo waxbarashada macaashka miiran ee aan kormeerka lahayn(unregulated) ee dalkeena. U fiirso, kuwa ka cabanaya sidda imtixaanka loo-maareeyay ee ugu qaylada dheer waa kuwa ka taajiray lugooyada carruur badan oo aakhirkii u barreeray khatarta saxaraha, Magafe iyo badweynta Hindiya. Dhanka kale, waxaa iyana doodi ka timid ,halkii loo hambalyeen-lahaa, sababta dugsiyada gobolka Gedo ay u galeen afarta kaalimood ee ugu sareesa sanad dugsiyeedka 2019/20