Skip to main content

Gorfeyn Gaaban: Gedo iyo Goodax maxaa loogu dawgalay! W/Q Xasan Yusuf Waal



Natiijadii imtixaanka shahaadiga fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 waxa ay dhalisay buuq si balaaran u baahay ka dib markii in ka badan 8 kun oo araday ay ku dhaceen imtixaankii.

Waa wax laga xumaado in tirro intaa la’eg oo arday ah ay gudbi-waayaan imtixaanka. Haddaba yaa mas’uuliyada fashilkaan dusha laga saaraa? Iyada oo ay mas’uuliyada fashilkaan ay wada leeyihiin dhamaan: Wasaarad, waalid, wax-bare…iwm, haddana waxa ay tahay in il gaara lagu eego kuwa  ka faa’iida fowdada, haddana diidan in toos toosin(reform) lagu sameeyo waxbarashada macaashka miiran ee aan kormeerka lahayn(unregulated) ee dalkeena. U fiirso, kuwa ka cabanaya sidda imtixaanka loo-maareeyay ee ugu qaylada dheer waa kuwa ka taajiray lugooyada carruur badan oo aakhirkii u barreeray khatarta saxaraha, Magafe iyo badweynta Hindiya.

Dhanka kale, waxaa iyana doodi ka timid ,halkii loo hambalyeen-lahaa, sababta dugsiyada gobolka Gedo ay u galeen afarta kaalimood ee ugu sareesa sanad dugsiyeedka 2019/2020. Qaylodhaanta ah in dugsiyada Gedo loo qishay ma’aqaan in ay tahay quuri-waa, qaadan-waa, qabyaalad iwm, balse waxaan qiyaasayaa in aysan ahayn wax quman. Gobolka Gedo mar walba waxbarashadiisu aad beey u fiicneed- ha ahaato xilligii Alitixaadku ka talinayeen horaantii 90aadka ama xilliyaddii dambe. 10kii sano ee ugu dambeeyay 5 ilaa 15 boqalkiiba 100ka arday ee ugu sareeysa waxa ay ka soo baxayeen dugsiyada gobolka Gedo.

Waxaa ka jira dalkeena eray iyo oraah caan baxay; ka-xulo iyo fuluus keen oo fariiso(ka-xulo daawadaad rabtid, keen lacagoo fariiso imtixaan iyo fasalkaad rabtid) Dalkeena ka ganacsiga daawada iyo waxbarashada aad beey u fududyihiin, u faa’iido badan yihiin, una foolxumo iyo fallis badan yihiin(cut throat business). Ogoow, labadubana waa in ay leeyihiin adeeg xirfadeesan(skilled service delivery). Nasiibdaro, Farmashiilayaaal iyo macalimiin baddan dalkeena ma leh xirfad ama wey ku yar tahay. Waxaa badan baahida waxbarasho. Waxaa yar helida macalimiin tayo leh. Boqolkiiba 68 carruurta dalkeena iskuulka ma dhigtaan.  Kuwa sidda xun uga ganacsada waxbarashada ujeedkoodu waa lacag. Markaa waxa ay shaqaaleeyaan macalin-u-eke iyo macalin-isboqray.

Dhanka kale saamileeyda waxbarashada dalkeena waxaa ka mid ah dalal dibeda ah oo dhaqankooda, taariikhdooda iyo mabaa’diidooda  carruuraheena loogu dhigo dugsiyada.

Sanadihii la soo dhaafay Wasaarada Waxbarashada DF waxa ay daddaal badan galisay wax-kabadalista waxbarashada dalka gaar ahaan manhajka iyo macalimiinta. Waxaa dhawaan soo dhameeys-tirmay manhajka waxbarashada dalka ilaa fasalka 12aad. Wasaaradu waxa ay biloowday borogaraam kor loogu qaadayo tayada tacliinta iyo tababarka macalimiinta. Sidda lagu ogaaday imtixaan laga qaaday, boqolkiiba 72 macalimiinta dugsiyada hoose dhexe iyo sare ma leh heer aqoon macalinimo. Arrinkaanu waxa uu sababay  marin-habaabin iyo musuqmaasuq maxsuulkeedu noqday in la soo saaro jiilal aan lahayn aqoonta aasaasiga ah.

Haddaba markii dawladu ka soo dhalaashay waajibkeedii ahaa gacan ku haynta waxbarashada dalka, waxaa loogala horyimid diidmo iyo dagaal danta gaarka ah ay wado. Waxaa durbadiiba bartilmaameed noqday wasiir Goodax Barre oo runtii garwadeen ka ah horumar badan oo muddo gaaban lagu gaaray. Faanoole fara kama qodna, waxay hagaajin baddani u hadhay waxbarashada heerka sare(jaamacadaha).

Gabagabadii, madaxweyne ku-xigeenka Kenya Ruto waxa uu kula taliyay beeraleeyda khaatka dalkiisa in ay beertaan afokaadhada iyo dalaga kale maadaama suuqa Soomaaliya aysan rajadiisu fiicneen. Sidaa si la mid ah, waxaan kula talinayaa kuwa dhadhan iyo dheef ku dhargay dhibta dhalinta soomaaliyeed, in irsaaqad aan cid lagu dhibeen ay meel kale  u- raadsadaan maadaama seefta Wasaarada Waxbarashadu galka ka baxsan tahay.

 

 

 


Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...
Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa w...