Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2012
Ma Ku Dayanaa? Paul Kegame iyo Xisbiga RPF Qore: Xasan Yuusuf Waal M a Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal cusub oo aan had iyo goor ku eeggi doono arimaha quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan,   waxaan ku eegayaa wadanka Riwaandha   ee looyaqaan Dhulka leh kunka buurood ee yar yar . Wadanka Riwaandha   waxaa sida Soomaaliya aafeeyay qilaaf sokeeye. Sanadkii 1994, waxaa ka dhacay Riwaandha xasuuq axmaqnimo ah oo aan taariiqda casriga ah dhicin. Qabiilka Huutuga ayaa 100 maalmood gudohood waxay ku xasuuqeen qiyaastii 800,000 qof   oo dadka Tuutsiga ah( iyo xoogaa Huutuu ah) - dadkaan waxaa ka mid ahaa   duqooshin,   haween iyo caruur. Isla sanadkaas (Julaayo 1994)   Jamhaddii, RPF (Jamhadda Waddaniga ee Riwaandha)   ee uu hoggaaminaayay Paul Kegame ayaa waxay la wareegtay   xukunka dalka oo idil. In kastoo aynaan sidaas oo kale is ku dhibaateen, aduunku wuxuu yiri waa tan Soomaaliya kale. Ma dhicin. Haddaba   maxaa sababay in dadkii sidaa
After the bombshell of UN Monitoring Group, what is next for Somalia? By: Hassan Yusuf Waal T he Somalia calamity could have been ended long time ago, if there were a genuine effort to put the country back on its feet. After 1993 Operation Restore Hope and subsequent UNOSOM   mission, the international community had turned a blind eye on the problems of   the Nation of Bards. The early 90’s intervention was a perfect opportunity. Unfortunately, we, the Somalis, messed that opportunity up.   I put the blame not on; the woman who lost her three children and unborn baby on the road to Kenya refugee camp, escaping from famine; the millions of children who did not reach their first year birthday because of preventable disease; the thousands of desperate young people who died in the high seas on their way to the West   in search of a better life, but on   the self-elected, unfit leaders who have carte blanche to violate human rights and embezzle   public funds. The hands-

Dhulkaaga hooyo (hees wadani)

Gar-wadeen ( leadership) cayn kee ah baa Soomaaliya badbaadin kara? Qore: Xasan Yuusuf   Waal Waxaan u gumeesanahay(unfreedoms) Qaran la’aan, Qab la’aan, Quud la’aan, Qaybsanaan iyo Aqoon la’aan iyo waliba kuwa kale oo badan. Waxaa beeylahan xuduudihii iyo hawadii. Waxaan caado kadhiganay wax aduunka intiisa kale la iskula yaabo. Qarniga kow iyo labaatanaad, ayaa gaajo wadankii dadbadan ugu baa ba’ ayaan. Hogaan aan lahayn karti ay ju hishiiyaan. Iyo malaayiin hada dad waa weyna    oo seegay   aqoonta hoose (elementry education). Taariikhda casriga ah, majirto ummad ay halmar aafeeysay xaaladaha aan kor xusay. Siyaasiyiinta Soomaalida marnaba ma seegaan fursad ay ku seegaan fursad qaali ah. Qarankii wuxuu burburay markii hoggaankii askarta uu ka leexday wadadii wanaagsanayd xilligii todobaatanaadkii. Hadii aan tagtada la darsin laguna cibriqaadan, joogtada xal looma helayo. Dib ugu noqon maayo fursadihii qaaliga ahaa ee aanu qasaarinay si aan xal ugu helno mushaakilaadka na