Skip to main content
Gar-wadeen(leadership) cayn kee ah baa Soomaaliya badbaadin kara?
Qore: Xasan Yuusuf  Waal

Waxaan u gumeesanahay(unfreedoms) Qaran la’aan, Qab la’aan, Quud la’aan, Qaybsanaan iyo Aqoon la’aan iyo waliba kuwa kale oo badan. Waxaa beeylahan xuduudihii iyo hawadii. Waxaan caado kadhiganay wax aduunka intiisa kale la iskula yaabo. Qarniga kow iyo labaatanaad, ayaa gaajo wadankii dadbadan ugu baa ba’ ayaan. Hogaan aan lahayn karti ay ju hishiiyaan. Iyo malaayiin hada dad waa weyna   oo seegay  aqoonta hoose (elementry education). Taariikhda casriga ah, majirto ummad ay halmar aafeeysay xaaladaha aan kor xusay.

Siyaasiyiinta Soomaalida marnaba ma seegaan fursad ay ku seegaan fursad qaali ah. Qarankii wuxuu burburay markii hoggaankii askarta uu ka leexday wadadii wanaagsanayd xilligii todobaatanaadkii. Hadii aan tagtada la darsin laguna cibriqaadan, joogtada xal looma helayo. Dib ugu noqon maayo fursadihii qaaliga ahaa ee aanu qasaarinay si aan xal ugu helno mushaakilaadka na haysta, qofkasta oo soomali ahna wuu ka dharagsanyahay. Waxaan qabaa in Soomaali fursad weyn oo qaali ah ay maanta haysato: biseelka Soomaalida,  Reer Galbeedkoo aad udanneenaya in wax uun qabsoomaan iyo danqashada Turkiga. Markii si cilmiyeesan loo baaray, waxaa soo ifbaxday in mushkiladda ummada Soomaaliyeed haysata ay tahay Hoggaan xumo. Hadaba, waxaan si kooban diirada u saarayaa waxa ka qaldan Gar-wadeenka siyaasada Soomaaliya anigoo tusaale usoo qaadanaya kuwa xilka hada haya.  Waxaan kaloo raacinayaa, sidey ila tahay, xalka ugu macquulsan oo aan uga gudbi karno marxaladda haatan taagan.  Qormadaan waxay ka hufantahay xumo oo dhan (qabyaalad, xaasidnimo, iwm).

Gar-wadeenka wanaagsan astaamaha lagu cabiro ama  lagu garto waxaa ka mid ah Wadaniyad, Biseel siyaasadeed, Hiiraal (vision), Hufnaan iyo Aqoon sare(tertiary education).  Wadanka Hindiya, oo tirada dadkoodu kor u dhaaftay hal biliyan oo qof, kana kooban quumiyaddo kala duwan waxaa isku haya Gar-wadeen hiiraal leh iyo wax ay ku hishiiyeen.  Sidoo kale, xiligii gumeysiga, Soomalida oo waqtigaan hada aan joogno kaliidatay, lakala qaybiyay si ay san u midowbin oo loo xukumo, ayaa dadkii waxaa mideeyay  oo xornimo gaarsiiyay sedex iyo toban dhalinyaro ah oo shan kamid ah kaliya ay wax qori kareen aqoon sarena haba sheegin. Marka waxaa cad hadii la helo hogaan wadaniyad leh, oo ka  hormariyo danta guud mida gaarka ah, in dadka la mideen karo horumarna lagu talaabsan karo sida Leegadii.

In kastoo ay jirto, kaarka isir nacaybka ee siyaasiyiinta in marar badan saameyn ku yeesho ummada, hadana shacabka Soomaaliyeed waxay u bisil yihiin nabad , wado noolaansho iyo dawladnimo. Waxay ka daa leen rajo ay ka sugaan waxaan ugu yeero “ Wax Matare”   laga yaabo qaarkiin in aad u taqaaniin “ Nin Karmeed Xoogsanaya”. Waxaad moodaa in dadku hadda danneenayaan Duqeyda, Nin Doorka, Dumarka iyo Da’ Yarta oo ah tiirarka dawlad tayo leh. Waxaa kaloo fursad abuuray, faragalinta Reer Galbeedka oo uu hormuudka ka ahaa Ingriiska. Maslaxad kastaba ha sababto, ma dhicin shir ceynkaan oo kala ah oo ku saabsan Soomaaliya . Ingiriiskuna wuxuu mug weyn kuleeyahay miisaanka siyaasada aduunka. Waxaa intaa dheer, sida hagar la’aanta ah ee Turkiga ugu soo gurmaday dadkii abaartu aafeeysay. Raiisal wasaarahooduna booqday dalkii, natusayna Islaanimo, walaalnimo iyo bili aadannimo.  Turkiga waxay dalka ka wadaan mashruucyo horumarineed. Shirkii Istanbuul waxaa kasoo baxay wax mira dhal ah in kastoo  ubaahan yahay Gar-wadeen daa dahin kara dadaalka loogu jiro dib usoo nooleeynta dadka iyo dalkaba.

                            
Hadaba iyadoo ay fursadahaan oo dhan jiraan, maxaa horay loogu socon la’ yahay? Jawaabtu waxay tahay, shay walba waxa uu ka askumaa gunta, waxaa qaldan aasaaska (Hoggaanka).  Dadku waxay u qaybsamaan Gar-wadeen iyo La-wadeen. La-wadeenka (shacabka) waa talo raac. Shacabka Soomaaliyeedna xilligan xaadirka ah malahan awood ay ku doortaan hoggaan karti leh balse waxay diyaar u yihiin in la-hoggaamiyo. Gar-wadeenku waa talo keen. Waxaa la yiri: “rag tashaday cir tararay wey toli karaan taako labadeeddee”. Hadii Gar-wadeenku uusan lahayn sifooyinka aan kor kusoo sheegay, ma israacinkaro shacabka, waxna dalka uma tari karo. Gar-wadeenka waa in uu danta dadka iyo dalka matalaa. Ma ahan in asagu is matalo. Nelson Mandela wuu awooday in uu nolol fiican kunoolaado. Balse wuxuu doorbiday in uu u lumiyo xoriyadiisii iyo reerkiisii danta guud ee dadkiisa. Wuxuu lahaa hiiraal.

Niman markaa iyaga isdoortay (qabqablayaal ama saxiixayaal)  ayaa waxay sameeyeen baarlamaan ku dhisan nidaamka xaqdarada ah ee  4.5 ama afar iyo bar. Waxaa layiri “xaq maahee waa xal”. Kala guurkii Dawladii Allaha unaxariisto madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa lagu hishiiyay in Baarlamaanka laga dhigo 550. Waxaa la yiri waa Xal- timirtii horaa dab loo waayay. Arartaan waxaan oga goleeyahay in aan idiin bidhaamiyo meesha xaqdaradu ku danbeeneeyso. Waanu wada garaneenanaa meesha Baarlamankii ku danbeeyay. Iyadoo awalba Boob iyo Buburin nalagu hayay, ayaa waxaa noo lugu daray Bahdil. Aduunka kama dhicin in  hayad sharci dajin oo dastuuri ah hawl gab lagadhigo (ma ahayn nidaam xalaal ah), xukuumaddii ay soo dhistayna la yiraahdo wey shaqeeneysaa.

Arintu si kastaba ha ahaatee, waxaa la sameeyay saxiixayaal cusub-markaan ka tira yar kuwii hore 6 xubnood. Xitaa kuma dhisna Xalkii xaqdarada ahaa 4.5. Dad badan ayaa soo dhaweeyay shirarkii isdaba jooga ahaa oo ay Saxiixayaashu ku qabteen gudaha dalka- Muqdisho, Garoowe I iyo II iyo mabaadiida Gaalcayo. Waxay noo sheegeen in ay hishiiyeen iskuna raaceen meel marinta qodabadii lagu hishiiyay Kampala (The roadmap). Waxay kaloo noosheegeen in wixii hada ka danbeeyaa ay san jiri doonin shirar loogu qabto dibadda, siiba dalalka safka hore.  In aysan waxba ku hishiin waxaa kutusaya qudbadihii ay masuuliyiintu  ka jeediyeen xafladii dadweynaha soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen ee ka dhacday London horaantii sanadkan. Nin baa igu yiri “aniga iyo saaxiibkeey oo xamaasadeesan baa tagay xafladii si aan usoo dhaweeno  Hoggaamiyayaasheena. Wuxuu yiri waxaan kasoo laabanay xafladii anagoo dirirsan”.  Ratiga danbe ratiga hore saan qaadkiisuu leeyahay.

Intaa waxaa dheer, Saxiixayaashu, intaysan ka qayb galin shirkii Istanbuul, Turkiga, waxaa shir loogu qabtay Addis Ababa. Oo markaa laba meelood meel saxiixayaashu ay diideen in shirka Istanbuul ka qayb galaan. Waxaa ka danbeeyay shirkii dhawaan loogu qabtay saxiixayaasha Nairobi oo looga hadlaayay qodabadii Kampala qaasatan dastuurka. Waxay ahayd in la dhameystiro dastuurka qabyo qoraalka ah 20kii Abriil, 31da Mayna golaha dastuurka uu si kumeelgaarka u ansixiyo. Waxay kaloo ahayd in 15ka Juun baarlamaanka lasoo doorto. Intaaba ma dhicin. Agoosto 22 keedana waxaa kaharay bil iyo baryo.


Dhanka kale waxaan lasoconaa in Boob xoogan lagu hayo hantidii qaranka, boobayashuna yihiin Soomaali iyo ajnabi ba. Waxaa dhacda in masuuliyiinta sar sare ee TFG da ay had iyo goor difaacaan eedmooyin loo soo jeediyo. Tusaale, arinta badda oo aan wada ogsoonahay meesha dooddeedu gaartay. Xili aan saa u fogeyn ayaa masuul ka mid ah masuuladda sare ee dawladda  wuxuu noo sheegay in dan noogu jirtay arinta Badda, laakiin ay ka qabsoomi weyday kurukuteenta shabakaddaha interneetka. Balse raa’ iisal wasaarihii hore mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake, xiligii uu xilka hayay mar uu socdaal kumarayay wadan Ingiriiska wuxuu noo sheegay in arinta badda Soomaali lagu qayaanay, uuna balan qaaday inta uu joogo in aan hal talaabo oo badda Soomaliya aan la dhacayn.  Sidoo kale waxa jira hishiisyo si qaas ah loola galay Saracen, Halliday Finch iyo dawlado wata mashruucyo dhibaato ku ah dadka iyo dalka(aqri Soomaaliya waa iib oo uu qoray Axmed Sadiiq oo kasoo shaqeeyay madaxtooyadda Soomaaliya).

Waxaa intaa dheer,  sida ay qabto hay’ada Transparent International, Soomaaliya waxay liiska masuqmaasuqa kaga jirtaa 182 ama wadanka koowaad ee ugu masuqmaasuqa badan.  Waxay ahayd May sanadkii 2011 markii Fashiliye (whistleblower) madaxii lacagta dawladda C/risaaq Fartaag uu banaanka soo dhigay sida dharaarta cad loo boobbayo xoogaaga yarka ah ee dadka Soomaaliyeed lagu sadaqaysto. Iyadoo taa dhag jalaq loo siin, ayaa shirkii Soomaalida ee dhawaan lagu qabtay Turkiga waxaa la horkeenay lacag gaareysa 130 malyuun oo doolar oo la lunsaday. Waxaase iila yaab badan, marka masuuliyiinta sare ee dawlada ay ku dooddaan, dawladda hay’adaba  malahee xagee  xogta (data)  ka heleen? Xog in la helaa wey fududahay, Transparent Internationalna qibrad gooni ah ayay uleedahay. Laakiin miyeeynan dawladu isku qireen in ay gabtay shaqadii kowaad oo ahayd dhisida hayaddaha dawliga.

Waxaa halkaan ka cad in mas’uuliyiintu TFG da aysan fahmin (ama la rabin in la fahmo) macnaha Kumeelgaarka (transition). Xilliga kumeelgaarka waxaa loogu talagalay; in la dhiso hay’addaha dawladda, in la sameeyo dibuheshiisiin dhab ah (truth and reconciliation) iyo in wadahadal la la sameeyo mucaaradka kuwa nabada diyaarka u ah. Dhamaan hawlahaas dawladu wey ku guuldareeysatay. Sida uu qabo, madaxa hay’adda cilmi barista iyo wadatashiga CRD ee saldhigeedu yahay Muqdisho mudane Cabdule Jabriil, dawladu waxay la’ dahay karti ay canshuurta ku ururiso. Sidoo kale amaanka, dadka ayagaa amaankooda suga (vigilantism). Sidoo kale, waxaan dhisneeyn nidaamkii garsoorka oo muhiim u ah aasaaska nolosha.

Hadaba xalku muxuu yahay?  Sida aan kor ku sheegay maantay waxaa jirta fursad aad u qaali ah. Waxay marka hore fursadaas gacantooda ku jirtaa Oday Dhaqameedyada. Hadii Oday Dhaqameedyada ay soo doortaan wakiilo karti leh. Wakiiladuna ay soo doortaan madaxweyne karti leh. Waxaa suurta gal ah in wax badan qabsoomaan. Tan kale, Oday Dhaqameedyada waxaa lagu xantaa in ay qayb ka ahaayeen dagaalkii ahliga ahaa. Maantay waxay haystaan fursad ay karaamadoodii kusoo ceshtaan. Siyaasiyiintaan horay u aragnayna wey fashilmeen. Waan in ay soo doortaan dad cusub oo la soo xulay (vetted). Gabagabadii, fikirkaan ka qabo madaxda Soomaalida waxaa ila qaba madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo dhawaan ka yiri Turkiga mar uu la kulmay madaxweynaha Turkiga Abdullahi Guul “ Turkiga wey ku amaanan yihiin qabasha shirka Soomaalida, laakiin caqabada Soomaaliya waa hogaamiyayaasha aan la soo dooran oo aanan ku mashquulsaneyn mideenta wadankooda balse ku mashquulsan sidii ay taageero uga heli lahaayeen dad yaw shisheeye si xukunka u haystaan”(read New Vision).

Xasan Yuusuf  Waal
BA  and MA in economics
hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c