Skip to main content



Ma Ku Dayanaa? Paul Kegame iyo Xisbiga RPF Qore: Xasan Yuusuf Waal

M
a Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal cusub oo aan had iyo goor ku eeggi doono arimaha quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan,  waxaan ku eegayaa wadanka Riwaandha  ee looyaqaan Dhulka leh kunka buurood ee yar yar.

Wadanka Riwaandha  waxaa sida Soomaaliya aafeeyay qilaaf sokeeye. Sanadkii 1994, waxaa ka dhacay Riwaandha xasuuq axmaqnimo ah oo aan taariiqda casriga ah dhicin. Qabiilka Huutuga ayaa 100 maalmood gudohood waxay ku xasuuqeen qiyaastii 800,000 qof  oo dadka Tuutsiga ah( iyo xoogaa Huutuu ah) - dadkaan waxaa ka mid ahaa  duqooshin,  haween iyo caruur.

Isla sanadkaas (Julaayo 1994)  Jamhaddii, RPF (Jamhadda Waddaniga ee Riwaandha)  ee uu hoggaaminaayay Paul Kegame ayaa waxay la wareegtay  xukunka dalka oo idil.

In kastoo aynaan sidaas oo kale is ku dhibaateen, aduunku wuxuu yiri waa tan Soomaaliya kale. Ma dhicin. Haddaba  maxaa sababay in dadkii sidaa isku dhibaateeyay; is cafiyaan, wadanoolaaddaan, horumar dhaqaale gaaraan, aduunkuna yiraahdo Afrikooy Hurudooy  maad ku dayataan Riwaandha. Sidaan qabo, sadex arimood ayaa saldhig u ah: Maamul wanaag (good governance), dib u hishiisiin iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka. Haddii dawladdu ku shaqeeynayso ama leedahay nidaam daahfuran oo dadku la xisaabtami karo (transparency and accountability) waxaa yaraanaya masuqmaasuqa iyo cadaaladdarada, adeegii dadweynahana si wanaagsan ayaa loo fulinayaa. 

Haddii ummadi dhibaato dhex marto, siiba mid sokeeye (sida Koonfur Afrika- truth and reconciliaton ) waa in la helo nidaam  lagu kala daweeyo dadka, ha kudhisnaado garsoorka caalamiga ah  ama xeer jajab. Waxa qilaafka inta badan keena oo dunida sadexaad laharay waa saboolnimada. Ma ahan in aysan lahayn khayraad dabiici ah, waxay san lahayn damac harumarineed. Intooda badan caawimo laaluush wadata ayaa la siiyaa si aysan isuguba hawlin in ay ladagaalamaan gaajo iyo dib u dhac.

Haddii dawladu la timaado Qorshe Dhaqaale (economic policy) oo wanaagsan, waqti yar ayaa dadka iyo dalkaba horumar lagu gaarsiin karaa sida Malayshiya, Soot-Kuuriya iyo Jaayna. Anigoo si kooban u faah faahinaya, Paul Kegame iyo xisbigiisa waxay dalka Riwaandha horumar ku gaarsiiyeen, marka la barbardhigo sideey ahaayeen, sadexdaan arimood:

Maamul Wanaag (good governance)
Paul Kegame muhiimaddiisa kowaad waxay ahayd, marka la eego dhinaca  maamulka,  ladagaalanka musuqmaasuqa. Wadanka Riwaandha ma jirto cid loogu dulqaato  laaluush iyo cadaaladdaro.  Riwaandha waxay 2011 ka gashay liisla wadamada ugu musuqmaasuqa yar lambarka 49aad(halka Soomaaliya 182aad ka tahay). Waxay aad uga musuqmaasuq yartahay wadamada Talyaaniga iyo Turkiga.

Intaa waxaa dheer, Kegame wuxuu qalabeeyay dhamaan hay’adaha dawliga si ay wax mirodhal ah u qabtaan. Wuxuu sare u qaaday xirfaddaha aassaasiga ee hay’adaha dawliga. Wuxuu xoojiyay nidaamka garsoorka kana dhigay mid madax banaan(waxay soo jiidatay maalgashi shisheeye). Wuxuu taageeray in dawlada iyo baarlamaanka usoo fariistaan Xisaab Xil Maleh.

Dib U Hishiisinta

Marka aad layaabtid in dadka Riwaandha boqolkiiba toban  la xasuuqay, ayaa waxaa ka sii yaab badan in dadkaasi ay badan koodu ahaayeen waxgarad iyo reer magaal. Kigame wuxuu ogalaaday in la dhiso dawlad midnimo (unity government). 19kii Julaayo 1994 ayaa waxaa la magacaabay dawlad uu madaxweyne kayahay Pasteur Bizimungu oo ah nin u dhashay qabiilka Huutuuga-qabiilka wax gumaaday . Paul Kigamena wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen. Waxay ahayd talaabadii ugu horeeysay ee lagu daweeynayay dhaawacii dadka Riwaandha soo gaaray.

Waxaa la sameeyay maxkamaddo ku dhisan xeer hoosaad (Abunzi, Gacaca). Waxaa la cafiyay dad badan. Kegame wuxuu yiri “ mas’uuliyada xasuuqii waa la kala lahaa, macquulna ma aha, hadii aad rabtid in wadankii aad dib u dhistid, in qofkasta oo ku lug lahaa xasuuqii la xiro”.

Sanadkii 2003 waxaa dastuurka lagu daray in Madax weynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Afhayeen baarlamanka ay ka kala yimaadaan sadex xisbi oo kala duwan. Tani waxay muu jinaysaa in si guclo orod ah isbadal loogu sameenayo qaabka wax qaybsiga awooda siyaasadda.

Horumarinta Dhaqaalaha

Kegame iyo tiimkiisa waxay bilaabeen horaantii labada kun, nidaam wax looga badalayo sharciyada ganacsiga si ay u soo jiitaan maalgashi shisheeye (aqri Why CEOs love Rwanda) Waxaa ka mid ah isbadaladaas, diwaangalinta shirkaddaha ,canshuuraadka iyo nidaamka bangiyada. Sanadkii 2011ka Riwaandha waxay noqotay wadanka 45aad ee ugu fudud in ganacsi laga abuuro, iyadoo dhowr sano ka hor ku jirtay lambarka 143aad.

Taasi waxay sababtay, in ganacsiga gaarka ah (private sector) oo sal iyo saynsaab u ah dhaqaalaha wadanka, uu horu kac sameeyay.  Tirikoob ay samaysay Rwanda Establishments Census, 90 boqol kiiba dadka shaqeeya Riwaandha, waxay ka shaqeeyaan ganacsiga gaarka ah. Taasi waa ififaalo muujinaya horumar xawli ku socda.

Dhaqaalaha wadanka sanankii 2011ka wuxuu koray 8.8 boqoilkiiba. Himilada dhaqaale ee Kigame waxay raad heysaa siyaasadihii dhaqaale ee Gar- wadeenadii hore ee Singabuur iyo Malayshiya, Lee Kuan Yew iyo Mohammad Mahatir. Kuwaa soo mudo yar oo kooban sameeyay isbadal dhaqaale oo lama filaana. Malayshiya waxay dhaqaale ahaan isla sinaayeen Keenya xiligii todobaatanaadkii, maantayna waa kaaf iyo kala dheeri.

Qorshaha sadex geesoodka (maamul wanaag, midnimo iyo  dhaqaale-abuur) ee Kegame waxay saameeysay gun ilaa baar dalkii oo idil. 1994 wuxuu dalku lahaa hal jaamacad. Maantana wuxuu leeyahay 12 oo lix kamida ay yihiin kuwa gaarka ah. Caafimaadka oo asagana wax badan laga qabtay.

Hadafyada Horumarineed ee Mileeniyamka (Millennium Development Goals (MDGs) ee aduunku isku af-gartay in 2015ka guul weyn laga gaaro, Riwaandha hadafyadaas qaar badan ayay gaartay sida la dagaalanka saboolnimada iyo gaajada iyo daryeelka hooyada iyo cunuga.

Hadaba, maxaan kaga dayan karnaa Paul Kegame?  In ummad aayahooda ka tashato  gacan tooda ayay ku jirtaa.  “ Ilaahey Ummad ma badalo ilaa inteey iyaga iska badalayaan”. إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ”.

Wadanka Riwaandha waa wadan aan badlahayn (landlocked). Qabyaalad iyo qilaaf sokeeye aafeeyay. Hada ka hor, masuqmaasuqa iyo cadaaladarada caado ka ahayd. Waxaan kaga dayan karnaa hoggaanka iyo siyaasadda Paul Kegame arimahaan soo socda :
·         in hiiraal (vision) aad leedahay marka ugu horeysa
·         in ay muhiim tahay in aad la jaan qaadi kartid aduunka casriga ah
·         in maamul ku saleeysan xirfad, sinaan iyo cadaalad isbadal horumarineed sameen karo
·         in qabyaalad dugsi lahayn waxay dumiso mooyee
·         in toleynta dadka ay lagama maar maan u tahay Jiritaanka Qaranimo
·         in isku filaansho la gaari karo haddii la hirgaliyo Qorshe Dhaqaale oo xalaala


Soomaliyeey maantay Colka wadhaf  ma ku daynaa? Ma dooranaa Gar-wadeen hufan, aqoon leh, leh biseel siyaasadeed oo wadanka marxalad cusub ka dhaliya? War adiga Gar-wadeenkoowna, noo sheeg waxa aad tahay; si cilmiyeeysana noo tus waxa aad qabaneysid.

Gabagabadii, Soomaaliyeey:

Ma ku dayanaa? Kuwa daddaala ee darsa diin iyo maadi
Ka doorbida  dood, duulaan iyo dirir aan dhamaan
Doona midnimo iyo inay isku dumaan dadkooda
Dareema ee daryeela dan yarta iyo dadweynaha
Danqada ee diida dulmi iyo dulinimo
Ka digtoon  dabar iyo  dib udhac
La dagaalama daneyste iyo dabadhilif
Dugsada  duqayda, nin doorka, dumarka iyo da’yarta
Higsada  duundheer iyo inay deggaan dayaxa

 

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c