Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2013
Middowga Afrika iyo maantay Qore: Xasan Yuusuf Waal Waxaa dhawaan ka dhacday caasimadda Itoobiya, Addis abba, munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 50aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Middowga Afrika(AU) oo hadda ka hor mar loo yaqaanay   Ururka Middowga Afrika(OAU). 25kii bishii shanaad 1963, ayaa waxaa la yagleelay urur ay ku midaysnaayeen dawladdaha Afrikaanka ah ee xilligaa xorta ahaa-32 dawladdood. Qorshahaan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa madaxweynihii Gaana Kwame Nkrumah, AUN madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan iyo madaxweynihii Itoobiya Haile Selassie. Haddafkooduna waxa uu ahaa   middaynta dadka Afrika iyo xornimo gaarsiinta dalalka Afrika ee kujiray gacanta gumeestaha. Ururkaan ayaa waxaa la dhihi karaa in uu ku guuleeystay la dagaalanka gumeysigii muuqday   dabayaaqadii qarnigii 20aad. Waxaa la xoreeyay dhamaan dawladdihii Afrikaan ahaa ee kujiray gacanta gumeeystaha oo ay ugu danbeeysay SootAfrika. Hase ahaatee, waxay ahayd in uru

Xaalku ma inteysan xooggeeysan ha la xaalufiyaa? Qore: Xasan Yuusuf Waal

Xaalku ma inteysan xooggeeysan ha la xaalufiyaa? Qore: Xasan Yuusuf   Waal Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa la arkayay diblumaasiyiin shisheeye oo kusii qulqulaya caasimadda dawladda fedaraalka ee Muqdisho, xilli nabadgalyada magaalada 100% aysan dhammaystirneeyn. Ma jirto maantay   xilli aynu uga baahi badanahay in aan helno hiil iyo hoo si aan usoo ceshano sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed. Waxaa amaan mudan dawladdihii sida qoor-qabadka ah dhawaan noogu soo dhisay dawladda hadda jirta. Waxaa hubaal ah in maslaxad la’aan ciddina garab iyo gargaar iska kaa siineeyn. Haddaba qoraalkaan waxaan ku qaadaa-dhigayaa sida aan faa’iido wadaag unoqon karno kuwa danta ka leh dalkeena iyada oo aanan marnaba   la dhibaateeneyn dadka, diinta iyo dalka. Dadweeynoow doodeeydu waa digniin ee ma’ahan in aan duraayo dawladda. Ujeeddada booqashooyinka soo deg-degey Arimaha ay ka midka yihiin; tirada dadka kunool aduunka oo sii caga cageenaysa todobo bilyan, dhaqaalaha dawladda