Skip to main content
Middowga Afrika iyo maantay
Qore: Xasan Yuusuf Waal

Waxaa dhawaan ka dhacday caasimadda Itoobiya, Addis abba, munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 50aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Middowga Afrika(AU) oo hadda ka hor mar loo yaqaanay  Ururka Middowga Afrika(OAU).

25kii bishii shanaad 1963, ayaa waxaa la yagleelay urur ay ku midaysnaayeen dawladdaha Afrikaanka ah ee xilligaa xorta ahaa-32 dawladdood. Qorshahaan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa madaxweynihii Gaana Kwame Nkrumah, AUN madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan iyo madaxweynihii Itoobiya Haile Selassie. Haddafkooduna waxa uu ahaa  middaynta dadka Afrika iyo xornimo gaarsiinta dalalka Afrika ee kujiray gacanta gumeestaha.

Ururkaan ayaa waxaa la dhihi karaa in uu ku guuleeystay la dagaalanka gumeysigii muuqday  dabayaaqadii qarnigii 20aad. Waxaa la xoreeyay dhamaan dawladdihii Afrikaan ahaa ee kujiray gacanta gumeeystaha oo ay ugu danbeeysay SootAfrika.

Hase ahaatee, waxay ahayd in ururku usoo jeeysto la dagaalanka gumeysiga aan-muuqan sida gaajada, colaada, cudurka iyo horumar la’aanta. Waxay kaloo ahayd in ururka  xooga saaro raadinta siyaasad guud oo ay harsadaan dadka Afrikaanka ah(pan-Africanism). Nasiibdaro, arintaa ma dhicin. 

Waxaa laga joogaa muddo 12 toban sano ah markii wargeyska afka dheer ee The Economist iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair rajo xumo ka muujiyeen qaarada Afrika. The Economist wuxuu yiri “Afrika waa qaarad aan habayaraatee  rajo lahayn”. Sidoo kale, Tony Blair wuxuu yiri“Afrika waa boog ku taala damiirkeena”.

Layaab, tobankii sano ee ugu danbeeyay, Afrika waxay sameeysay kobac dhaqaale oo deg deg ah. Sida uu qabo Africa Competitiveness Report 2013, celcelis tobankii sano ee ugu danbeeyay dhaqaalaha Afrika wuxuu sanadkiiba kor u kacayay boqolkiiba shan, halka adduunka intiisa kale ay ka jirtay koriimo la’aan.

Afrika waxaa ku yaal boqolkiiba 60 dhul beereedka aduunka aan la beeran.  Waxay kaloo leedahay kala baroo bar kaydka dahabka aduunka iyo sadex meelood meel dheemanka aduunka. Macdanta iyada haba sheegin. Afartanka sano ee soo socoto, tirada dadka ku nool Afrika wey lama laameeysaa.

Iyada oo isbadalkaan dhaqaale jiro, haddana wax badan lagama qaban saboolnimada, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuur. Sida uu qabo Bangiga Aduunka boqolkiiba 60 dadka shaqo la’aanta ah ee Afrika waa dhalinyaro. Boqolkiiba 70 dadka Afrika da’ doodu waxay ka hooseeysaa 30 jir.

Waxaa lagu jiraa xilli dalalkii aduunka ay ku bahoobayaan; suuq, lacag, gobol iyo gaashaan-buureeysi. Haddaba suurta gal ma tahay in Middowga Afrika  ku daydo isbahaysiyada horumaray?

In kastoo dad badan ay aaminsanyihiin in ay adagtahay in la mideen karo Afrika,  wey sahlan tahay in Afrika mabaadii iyo dhaqaale ahaanba la mideeyo. Ma aaminsani in ay dhowdahay ama sahlan tahay fikirkii AUN korneeyl Khadaafi oo ahaa in Afrika noqoto sida gobolada iskutagay ee Mareeykanka.

Iyada oo lagu saleenayo aragtida ah Mideeynta iyo Dib-usoonooleeynta Afrika, ayay hogaamiyayaasha Afrika waxay hoosta ka xariiqeen Hiiraalka Middowga Afrika ee sanaka 2063. Ujeeddada hiiraalkan ayaa wuxuu yahay kobcinta dhaqaalaha, ganacsiga qaarada oo la isku furo, horumarinta xirfaddaha iyo dhalinyaradoo shaqo loo abuuro.

Hiiraalkaan ayaa laga cabir qaatay midkii ay sameeysteen dalalka Bariga Eeshiya wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee aduunka. Waa hawl sahlan haddii lala yimaado gar-wadeenimo hufan.  

Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...

The black stuff is a catalyst for Somalia’s economic aspirations

By HASSAN YUUSUFWAAL Many studies point out that Somalia has oil and gas reserves in both onshore and offshore worth extracting. At a conservative estimate, offshore deposits could stand at over 100 billion barrels. Agip (now known as Eni) and Sinclair Oil Corporation started the oil exploration in Somalia in 1950s. From then on   a number of major oil companies were given licences to further explore. These efforts were disrupted as Somalia plunged into civil war in 1991.  However, the recent oil discoveries in Mozambique and Tanzania and a new seismic data collected from offshore Somalia by the seismic services company Spectrum has brought an influx of oil companies into Somalia. Companies lured into these new developments include Shell and ExxonMobil who held exploration concessions before the collapse of Siad Barre’s regime in 1991. They declared force majeure ( when contractual obligations are not met due to disruptive events ) after the country descend...