Middowga Afrika iyo maantay
Qore: Xasan Yuusuf Waal
Waxaa dhawaan ka dhacday caasimadda Itoobiya, Addis abba, munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 50aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Middowga Afrika(AU) oo hadda ka hor mar loo yaqaanay Ururka Middowga Afrika(OAU).
25kii bishii shanaad 1963, ayaa waxaa la yagleelay urur ay ku midaysnaayeen dawladdaha Afrikaanka ah ee xilligaa xorta ahaa-32 dawladdood. Qorshahaan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa madaxweynihii Gaana Kwame Nkrumah, AUN madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan iyo madaxweynihii Itoobiya Haile Selassie. Haddafkooduna waxa uu ahaa middaynta dadka Afrika iyo xornimo gaarsiinta dalalka Afrika ee kujiray gacanta gumeestaha.
Ururkaan ayaa waxaa la dhihi karaa in uu ku guuleeystay la dagaalanka gumeysigii muuqday dabayaaqadii qarnigii 20aad. Waxaa la xoreeyay dhamaan dawladdihii Afrikaan ahaa ee kujiray gacanta gumeeystaha oo ay ugu danbeeysay SootAfrika.
Hase ahaatee, waxay ahayd in ururku usoo jeeysto la dagaalanka gumeysiga aan-muuqan sida gaajada, colaada, cudurka iyo horumar la’aanta. Waxay kaloo ahayd in ururka xooga saaro raadinta siyaasad guud oo ay harsadaan dadka Afrikaanka ah(pan-Africanism). Nasiibdaro, arintaa ma dhicin.
Waxaa laga joogaa muddo 12 toban sano ah markii wargeyska afka dheer ee The Economist iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair rajo xumo ka muujiyeen qaarada Afrika. The Economist wuxuu yiri “Afrika waa qaarad aan habayaraatee rajo lahayn”. Sidoo kale, Tony Blair wuxuu yiri“Afrika waa boog ku taala damiirkeena”.
Layaab, tobankii sano ee ugu danbeeyay, Afrika waxay sameeysay kobac dhaqaale oo deg deg ah. Sida uu qabo Africa Competitiveness Report 2013, celcelis tobankii sano ee ugu danbeeyay dhaqaalaha Afrika wuxuu sanadkiiba kor u kacayay boqolkiiba shan, halka adduunka intiisa kale ay ka jirtay koriimo la’aan.
Afrika waxaa ku yaal boqolkiiba 60 dhul beereedka aduunka aan la beeran. Waxay kaloo leedahay kala baroo bar kaydka dahabka aduunka iyo sadex meelood meel dheemanka aduunka. Macdanta iyada haba sheegin. Afartanka sano ee soo socoto, tirada dadka ku nool Afrika wey lama laameeysaa.
Iyada oo isbadalkaan dhaqaale jiro, haddana wax badan lagama qaban saboolnimada, caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuur. Sida uu qabo Bangiga Aduunka boqolkiiba 60 dadka shaqo la’aanta ah ee Afrika waa dhalinyaro. Boqolkiiba 70 dadka Afrika da’ doodu waxay ka hooseeysaa 30 jir.
Waxaa lagu jiraa xilli dalalkii aduunka ay ku bahoobayaan; suuq, lacag, gobol iyo gaashaan-buureeysi. Haddaba suurta gal ma tahay in Middowga Afrika ku daydo isbahaysiyada horumaray?
In kastoo dad badan ay aaminsanyihiin in ay adagtahay in la mideen karo Afrika, wey sahlan tahay in Afrika mabaadii iyo dhaqaale ahaanba la mideeyo. Ma aaminsani in ay dhowdahay ama sahlan tahay fikirkii AUN korneeyl Khadaafi oo ahaa in Afrika noqoto sida gobolada iskutagay ee Mareeykanka.
Iyada oo lagu saleenayo aragtida ah Mideeynta iyo Dib-usoonooleeynta Afrika, ayay hogaamiyayaasha Afrika waxay hoosta ka xariiqeen Hiiraalka Middowga Afrika ee sanaka 2063. Ujeeddada hiiraalkan ayaa wuxuu yahay kobcinta dhaqaalaha, ganacsiga qaarada oo la isku furo, horumarinta xirfaddaha iyo dhalinyaradoo shaqo loo abuuro.
Hiiraalkaan ayaa laga cabir qaatay midkii ay sameeysteen dalalka Bariga Eeshiya wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee aduunka. Waa hawl sahlan haddii lala yimaado gar-wadeenimo hufan.
Comments
Post a Comment