Xaalku ma inteysan xooggeeysan ha la xaalufiyaa? Qore: Xasan Yuusuf Waal
Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa la arkayay diblumaasiyiin shisheeye oo kusii qulqulaya caasimadda dawladda fedaraalka ee Muqdisho, xilli nabadgalyada magaalada 100% aysan dhammaystirneeyn. Ma jirto maantay xilli aynu uga baahi badanahay in aan helno hiil iyo hoo si aan usoo ceshano sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed. Waxaa amaan mudan dawladdihii sida qoor-qabadka ah dhawaan noogu soo dhisay dawladda hadda jirta.
Waxaa hubaal ah in maslaxad la’aan ciddina garab iyo gargaar iska kaa siineeyn. Haddaba qoraalkaan waxaan ku qaadaa-dhigayaa sida aan faa’iido wadaag unoqon karno kuwa danta ka leh dalkeena iyada oo aanan marnaba la dhibaateeneyn dadka, diinta iyo dalka. Dadweeynoow doodeeydu waa digniin ee ma’ahan in aan duraayo dawladda.
Ujeeddada booqashooyinka soo deg-degey
Arimaha ay ka midka yihiin; tirada dadka kunool aduunka oo sii caga cageenaysa todobo bilyan, dhaqaalaha dawladdaha reer Galbeedka oo aad ugu baahi-qaba korriimo, isbadalada dhaqaale ee wadamada la isku yiraahdo BRICS(Brazil,Russia,India,China iyo South Africa) waxay abuureen tartan lagu raadinayo maalgashi, tamar, dhuuni, iwm. Sidaas darteed, waxaa baryhan danbe diiradu dul taalay wadamada Bariga iyo Geeska Afrika oo hodan ka ah illo wax soosaar.
Soomaaliya waa dal bad iyo bariba hodan ah, balse dadkeedu faqri yahay. Tiknoolajiyadda casriga ah aw-geed waxaa suurta gashay in si fudud loo baaro ama loo soosaaro saliida iyo macdanta kala duwan. Soomaaliya waxay ka mid tahay goobaha ay shirkadaha saliidu bartilmaameed-sanayaan gar-ahaan bada(offshore drilling).
Sida uu qabo East African Energy Forum, Soomaaliya waa dalka shanaad ee ugu badan kaydka saliida. Waxay qiyaaseen in bari iyo badba ay hoos yururto tiro dhan 100 bilyan oo fuusto oo saliida.
Arintu si kastaba ha ahaatee, daneeyeyaal (stakeholders) iyo damaaciyeyaal (opportunists) dhamaan yoolkoodu waa Fila Soomaaliya si qola walbaba hilibka kar karaya cad u dhifsato. Daneeyeyaalku waa kuwa aan siyaasad iyo dhaqaaleba gunta isaga xiranahay ama markeey ugu darneeyd xilliga jahliga iyo jahwareerka naga war-qabay(wanaag iyo xumaan). Dhanka kale, damaaciyuhu waa habaqle saami raba, waa cajiib!
Wadamada ka sakoow, waxay isheeyda qabatay hay’addaha IMF iyo World Bank oo shaki weyn igu abuuray. Wadan ahaan dano badan ayaa nooga xiran IMF iyo World Bank. Hase ahaatee, wadashaqayn iyo is-afgarad wuxuu si rasmi ah udhici karaa markii,tusaale, hanaankii maaliyada iyo hay’addihii kormeerka ay si fiican u hawl-galayaan.
Sida kale haddii loo dhigo, in la helo quburo Soomaaliyeed oo bixiya talo Soomaalinimo(waa haddii talo-wadaag jirto).Waxaan ilaa iyo hadda ka soo kaban la’nahay qiyaanadii heshiiskii isfahanka bada (MOU) ee Kiinya. Maxaad moodaa habar-dugaag?
Ma aqaan in ay tahay labo arimood oo kulan saday (coincidence) iyo in kale, waxaad moodaa in dawladu ku shaqaynayaso wacdigii IMFta(SAP, structural adjustment programme) oo ay ku jirtay in dawlada faraha kala baxdo ganacsiga lana qafiifiyo sharuucda la xiriirta maaliyada iyo ganacsiga. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kulamo kala duwan ku celceliyay in uu taageersan yahay fikirka gaar-ulahaanshaha(privatisation).
In la dhiirigaliyo ganacsiga gaarka looleeyahay waa muhiim. Balse, waxaa dhibaata ah in ganacsigii iyo adeegii guud ee dadweynaha shaqsiyaad gacanta u galo sida ka dhacday Kiinya, Hindiya iyo Ruushka oo qaatay ku dhaqanka siyaasada SAP. Dhaqaale-yahan sare ahna madaxii hore ee Bangiga adduunka Joseph Stiglitz wuxuu xaqiijiyay in fikirka siyaasadeeysan ee gaar-ulahaanshaha iyo xoreeynta ganacsiga dhibaato weyn u geeystay dalalka soo koraya(aqri Globalisation and its discontents).
30kii bishan, Nairobi, Kenya, waxaa ka dhacay shir loogu magac-daray dib-udhiska iyo maalgashiga Soomaaliya. Waxaa shirkaan kasoo qayb galay 50 shirkadood. Mar kale, waxaa shirkaan loogu ol-olleenayay ganacsiga sida gaarka ah looleeyahay iyo sidii shirkadahaan ay u maal gashan lahaayeen dalkii.
Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacisga iyo warshadaha Cabdullaahi Xayir Ducaale, waxaa la isku afgartay in la maalgashado 14 waaxood(sectors) oo ganacsi ah oo ay ku jirto xoolaha nool. Soomaaliya uma baahna ARILEYAAL SHISHEEYE. Waxay u baahan tahay in xoolaha loo suuq geeyo. Dhan markaad ka fiirisid, waa arin na farxad galinaysa in hadal hayska maantay yahay maalgasho Soomaaliya(mooroduug Soomaaliya).
Waxa la gudboon gar-wadeenka dawladda fedaraalka
Waxa ay ahayd in dawladdu xooga saarto amaanka, amaanka, amaanka, sida u qorsheeysneeyd. Balse, waxay ku mashquushay shisheeye la kuland, Jubbaland iyo Somaliland.
Ood sida ay u kala koreeyso ayaa loo kala qaadaa. Iyada oo aysan dawladdu xal u hayn isbaarada ciidamada dawladda u taal isgoyska Banaadir, ilama aha in ay xal ka keeni karto arimaha aan kor ku xusay.
Gar-wadeenka dawladdu waa in ay hoos usoo dhaadhacaan (xalka hoose ayaa ka muhiimsan kan sare).
Dawladdu yeeysan ka noqon arintu “ma seegaan fursad ay ku seegaan fursad qaali ah”. Waa in dawladdu la timaado; siyaasad sollan oo ka dhiiran dhagar. Markaas ka dib ayay dawladdu heleeysaa awood ay ku gorgortanto(political leverage).
Waxaa intaa dheer, waa in ay dhamaystiran yihiin sharuucda : ganacsiga iyo maalgashiga, nidaamka maaliyada, shaqaalaha iyo bay’adda. Waa in muddada qandaraasyada iyo heshiiska wax soo saarka dhulka iyo badda (lease) ay gaaban tahay si dib u eegis loogu sameeyo. Wa in maskaxda lagu hayo in ay dhici karto waxa ka dhacay gacanka Meksiko(Golf of Mexico) ee Mareeykanka.
Dadka Soomaalidu waa geddisle iyo ganac-maal. Waxa kaliya oo ay u baahan yihiin waa nabad iyo kala danbeyn. Ha la dhiiri galiyo ganacsiga yar yar. Ha laga ilaaliyo ganacsatada Soomaalida, xoogaan weyn ee soo socda.
Waa in dawladdu sameeyso shirkado ay iyadu leedahay (SOEs) ama ay dheef-wadaag la tahay dad-weynaha(public private partnership). Waa in cashar laga barto sida Jaayna u miisaantay taageerada shirkadaha dawlada iyo soojiidashada maalgashiga shisheeye(FDI).
Comments
Post a Comment