Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2018

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusuf Waal

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusufwaal Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysa “ waan baahanahay baqtiga looma cuno”.   Garwadeenka garanaya gar-adagta iyo gorgortanka siyaasadeed marnaba ma ogalaado, si kastoo uu u tabar daran yahay, in uu qaato qariir, quursi iwm. Qarni ku dhawaad, waxa hoog iyo halaag la baday dadka Falastiiniyiinta, iyaga oo qaybsan ayaa haddana qaddiyada iyo arrimaha lama-taabtaanka   ee dadka reer Falastiin gar iyo gorgortan midna laga galin. Heshiiskii dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya mar kale waa mid ay ka muuqato tanaasul badan oo dhanka Soomaalida ah iyo faa’iido badan oo xaga Itoobiyaanka ah. Ra’iisul-wasaare Axmed wuxuu ku guuleeystay wax Haylesalaase iyo Mingiste ku guuldareeysteen. Anigoon gaarsiinayn heer in si toos ah Itoobiya la isugu dhiibay ayaan waxaan aamin sanahay in heshiiskaan si fudud ugu sharciyeeyay Itoobiya waxa dad badan oo inaga horeeyay ay diideen- in Soomaali marti ku noqoto ge

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal Waxay ahayd 30 sano ka hor hadahaayoo kale markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib-u-bilaabeen xiriirka diblomaasi ka dib dagaalkii 1977dii. Waxay labada dawladood ku kala saxiixdeen Muqdisha heshiis nabadeed oo taariikhi ah. Heshiiskan dhaqan-galkiisu wuxuu jiray muddo kooban oo sanado ah ilaa iyo intii qaranku dhisnaa. Xilligaa ka dib ilaa iyo maantay sidda   Itoobiya ay Soomaaliya   ula dhaqmeeysay uma baahna   sheeko iyo sharaxaad toona. Haddaba maxay ka dhigan tahay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr Abiya Axmed ku yimid shalay caasimada dalka, Muqdisha? Anoo og in nalugu yaqaan dhaqanka fiican ee soo dhaweeynta iyo maamuuska martida haddana ma fileeyn maqsuudnimada   intaa la’eg ee madaxdeena ka muuqatay. Arintu si kastaba ha ahaatee, saacado yar ka dib waxaa la soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.   Waxay ka hadlayaan qodobadaan inta badan iskaashiga dhaqaale ee labda dal. Wax