Skip to main content

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusuf Waal



Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysa “ waan baahanahay baqtiga looma cuno”.  Garwadeenka garanaya gar-adagta iyo gorgortanka siyaasadeed marnaba ma ogalaado, si kastoo uu u tabar daran yahay, in uu qaato qariir, quursi iwm.

Qarni ku dhawaad, waxa hoog iyo halaag la baday dadka Falastiiniyiinta, iyaga oo qaybsan ayaa haddana qaddiyada iyo arrimaha lama-taabtaanka  ee dadka reer Falastiin gar iyo gorgortan midna laga galin.

Heshiiskii dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya mar kale waa mid ay ka muuqato tanaasul badan oo dhanka Soomaalida ah iyo faa’iido badan oo xaga Itoobiyaanka ah. Ra’iisul-wasaare Axmed wuxuu ku guuleeystay wax Haylesalaase iyo Mingiste ku guuldareeysteen.

Anigoon gaarsiinayn heer in si toos ah Itoobiya la isugu dhiibay ayaan waxaan aamin sanahay in heshiiskaan si fudud ugu sharciyeeyay Itoobiya waxa dad badan oo inaga horeeyay ay diideen- in Soomaali marti ku noqoto geeska Afrika.

Sidda loo dhigayo uma sahlana. Sawirka is-gaashaanbuuraysiga dhaqan-dhaqaale iyo aragtidii Nagruuma iyo Qadaafi ee ahayd Afrika hal dal noqotay laguma dabaqi karo arinkaan cusub. Kow,  dawlada Soomaaliya oo awood dhan kastaba aan lahayn, dad keeduna qaybsan yihiin. Laba, Itoobiya oo faragilin toos ah, dhan walba ah, oo aan dhamaan ku haysa Soomaaliya iyo dhaxalkii dhibkii dhexmaray labada dal.

Markaan ogalaano isdhexgalka iyo dhaqaale wadaaga dad aan u aragno cadaw, kaa awood iyo agab badan maantay maxaad ku beddelanaysaa?  In Itoobiya xal u keento maamul goboleedyada dalka iyo Alshabaab, mise……Hagaag waxba kama qabo laakiin suurtagal matahay? Maya maxaa yeelay labada arimoodba waa aalad ay Itoobiya ku ilaashato danaheeda Soomaaliya.

Arinka ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya, Itoobiya waxay marar badan fagaare ka sheegtay in aysan dhib u geesanayn Soomaaliya. Wixii qaylo ahaa oo ka dhacay oo aad wada garanaysaan arinkii Qalbidhagax Itoobiya waxa ay isla soo sawirtay Axmed Madoobe iyo Qalbidhagax oo si qurxuun loogu soo labisay.

Waxaan soo tijaabinay marar badan oo hore  xalka dalkeena oo laga raadiyo dibada dawana lagama helin. Haddaba soo ma haboona in aynu keeno kasmo cusub oo ka duwan wixii hore. Weynu aragnaa oo arkeeyney sidda loogu kala baratamayo khayraadka dabiiciga ee dalkeena.

La yaab maleh in ay kulan sadaan dhismaha ciidanka badda Itoobiya iyo damaca dekedaha dalkeena. Siddoo kale la yaab maleh hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya oo uu yiri hal dal beeynu noqoneeynaa balse waxaa la yaab leh marka madaxdeenu ay u meel dayaan Istaraatiijiyada rasmiga ah ee Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya---soo wax muuqaal-dhow ma’ahan!

Filo qayb kale…


Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c