Skip to main content

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusuf Waal



Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 2aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Maahmaah Soomaaliyeed baa oranaysa “ waan baahanahay baqtiga looma cuno”.  Garwadeenka garanaya gar-adagta iyo gorgortanka siyaasadeed marnaba ma ogalaado, si kastoo uu u tabar daran yahay, in uu qaato qariir, quursi iwm.

Qarni ku dhawaad, waxa hoog iyo halaag la baday dadka Falastiiniyiinta, iyaga oo qaybsan ayaa haddana qaddiyada iyo arrimaha lama-taabtaanka  ee dadka reer Falastiin gar iyo gorgortan midna laga galin.

Heshiiskii dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya mar kale waa mid ay ka muuqato tanaasul badan oo dhanka Soomaalida ah iyo faa’iido badan oo xaga Itoobiyaanka ah. Ra’iisul-wasaare Axmed wuxuu ku guuleeystay wax Haylesalaase iyo Mingiste ku guuldareeysteen.

Anigoon gaarsiinayn heer in si toos ah Itoobiya la isugu dhiibay ayaan waxaan aamin sanahay in heshiiskaan si fudud ugu sharciyeeyay Itoobiya waxa dad badan oo inaga horeeyay ay diideen- in Soomaali marti ku noqoto geeska Afrika.

Sidda loo dhigayo uma sahlana. Sawirka is-gaashaanbuuraysiga dhaqan-dhaqaale iyo aragtidii Nagruuma iyo Qadaafi ee ahayd Afrika hal dal noqotay laguma dabaqi karo arinkaan cusub. Kow,  dawlada Soomaaliya oo awood dhan kastaba aan lahayn, dad keeduna qaybsan yihiin. Laba, Itoobiya oo faragilin toos ah, dhan walba ah, oo aan dhamaan ku haysa Soomaaliya iyo dhaxalkii dhibkii dhexmaray labada dal.

Markaan ogalaano isdhexgalka iyo dhaqaale wadaaga dad aan u aragno cadaw, kaa awood iyo agab badan maantay maxaad ku beddelanaysaa?  In Itoobiya xal u keento maamul goboleedyada dalka iyo Alshabaab, mise……Hagaag waxba kama qabo laakiin suurtagal matahay? Maya maxaa yeelay labada arimoodba waa aalad ay Itoobiya ku ilaashato danaheeda Soomaaliya.

Arinka ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya, Itoobiya waxay marar badan fagaare ka sheegtay in aysan dhib u geesanayn Soomaaliya. Wixii qaylo ahaa oo ka dhacay oo aad wada garanaysaan arinkii Qalbidhagax Itoobiya waxa ay isla soo sawirtay Axmed Madoobe iyo Qalbidhagax oo si qurxuun loogu soo labisay.

Waxaan soo tijaabinay marar badan oo hore  xalka dalkeena oo laga raadiyo dibada dawana lagama helin. Haddaba soo ma haboona in aynu keeno kasmo cusub oo ka duwan wixii hore. Weynu aragnaa oo arkeeyney sidda loogu kala baratamayo khayraadka dabiiciga ee dalkeena.

La yaab maleh in ay kulan sadaan dhismaha ciidanka badda Itoobiya iyo damaca dekedaha dalkeena. Siddoo kale la yaab maleh hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya oo uu yiri hal dal beeynu noqoneeynaa balse waxaa la yaab leh marka madaxdeenu ay u meel dayaan Istaraatiijiyada rasmiga ah ee Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya---soo wax muuqaal-dhow ma’ahan!

Filo qayb kale…


Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...

The black stuff is a catalyst for Somalia’s economic aspirations

By HASSAN YUUSUFWAAL Many studies point out that Somalia has oil and gas reserves in both onshore and offshore worth extracting. At a conservative estimate, offshore deposits could stand at over 100 billion barrels. Agip (now known as Eni) and Sinclair Oil Corporation started the oil exploration in Somalia in 1950s. From then on   a number of major oil companies were given licences to further explore. These efforts were disrupted as Somalia plunged into civil war in 1991.  However, the recent oil discoveries in Mozambique and Tanzania and a new seismic data collected from offshore Somalia by the seismic services company Spectrum has brought an influx of oil companies into Somalia. Companies lured into these new developments include Shell and ExxonMobil who held exploration concessions before the collapse of Siad Barre’s regime in 1991. They declared force majeure ( when contractual obligations are not met due to disruptive events ) after the country descend...