Skip to main content

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal


Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Waxay ahayd 30 sano ka hor hadahaayoo kale markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib-u-bilaabeen xiriirka diblomaasi ka dib dagaalkii 1977dii. Waxay labada dawladood ku kala saxiixdeen Muqdisha heshiis nabadeed oo taariikhi ah. Heshiiskan dhaqan-galkiisu wuxuu jiray muddo kooban oo sanado ah ilaa iyo intii qaranku dhisnaa. Xilligaa ka dib ilaa iyo maantay sidda  Itoobiya ay Soomaaliya  ula dhaqmeeysay uma baahna  sheeko iyo sharaxaad toona.

Haddaba maxay ka dhigan tahay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr Abiya Axmed ku yimid shalay caasimada dalka, Muqdisha?

Anoo og in nalugu yaqaan dhaqanka fiican ee soo dhaweeynta iyo maamuuska martida haddana ma fileeyn maqsuudnimada  intaa la’eg ee madaxdeena ka muuqatay. Arintu si kastaba ha ahaatee, saacado yar ka dib waxaa la soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.  Waxay ka hadlayaan qodobadaan inta badan iskaashiga dhaqaale ee labda dal. Waxaa kaloo lagu soo qaaday in dalba dalka kale xushmeeyo madaxbanaanidiisa iyo xor-u-ahaanshaha danihiisa siyaasadeed.

Waxaan qaybtaan ku eegayaa oo kaliya qodobka 7aad ee maalgashiga kaabayaasha aasaasiga. Qodabka wuxuu leeyahay “  In daddaal lagu bixiyo siddii labada dawladood iyo gobolka loogu  heli lahaa loona haysan lahaa maalgashi shisheeye. Labada hogaamiye waxay isku raaceen in si wadajir ah ay u maalgashadaan afar dekadood oo muhiim ah iyo wado isku xirta Soomaaliya iyo Itoobiya. Hogaamiyayaasha waxay kaloo isla garteen in la dhiso guddi farsamo oo isku dhafan oo soo qorsheeya mashruucaan aadka u muga weyn”.

Qodabkan 7aad  mugdi baa ku jira

Waxaa maldahan in gacan sadexaad qayb ka tahay maalgashiga dekedaha. “In daddaal lagu bixiyo siddii labada dawladood iyo gobolka loogu  heli lahaa loona haysan lahaa maalgashi shisheeye”. Siddoo kale lama cadeen dekedaha la maal-galinayo. Maadaama Imaaraatku sitimaankii hore uu u balan qaaday Itoobiya inuu siinaayo lacag dhan 3 bilyan oo doolar oo isugu jirta deeq iyo maalgashi, waxaa suurtagal ah in Imaaraatku ku daba naban yahay Itoobiyaanka.

Khilaaf iyo qalqal siyaasadeed

Sidda aad wada ogsoon tihiin khilaafkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Isu taga Imaaraatka oo salka ku hayay maalgashiga dekeda Berbera wuxuu sababay in labada dal xiriirkoodu uu aad u xumaado. Golayaasha aqalka hoose iyo kan sare ay ansixiyeen Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliya in kastoo Madaxweynuhu uusan saxiixin. Waxaa kaloo xusid mudan in isla arinka Berbera Itoobiya ay qayb ka ahayd.
Waxaa muuqata in markaan dawlad goboleed yada iyo dawlada mowqif hal meel ka istaagan heshiiskan (hoos ahaan waa meesheeda) maadaama dawlad-goboleed yadu  gacan saar la leeyihiin Itoobiya. Laakiin waxaa muuqata in mucaarad xoogan ka soo wajihi doono golayaasha sharci dejinta(waa haddii aysan wax kale dhicin).  
Dhanka kale, waxaan la ogayn sida Turkigu uga falceli doono arinkaan maadaama u yaahay daneeye aad ugu xidideeystay Soomaaliya markastana damac weyn ka leh dekedaha dalka.

Sidda loo arko xukuumada Nabad iyo Nolol

Mowqifkii ay dawladu ka istaagtay arinkii Berbera wuxuu abuuray xiriirkii Imaaraatka iyo Soomaaliya oo xumaada, Isfahan waa soo kala dhexgalay dawlad goboleedyada iyo dawlada federaalka, siyaasiyiin iyo dawladoo isku dhacay iyo dawlada iskeed isu magacoowday ee Soomaalilaandh oo sii fogaatay. Arimahaan oo dhan xukuumada Nabad iyo Nolol waxay ka heshay taageero iyo dhiiri-galin hor leh.

Haddaba heshiiskaan waxaa suurtagal ah in dawlada loo arko fursad-gaad taageero baddana ay ku weeydo. Maxaa yeelay heshiiskaan wuxuu lee yeehay dol-doloolo baddan oo u baahan in la owdo ka hor inta uusan dhicin is-afgarad rasmi ah ee u dhexeeye Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa colaad soo jireen ah iyo sooyaal xun ka dhexeeye labada dal waad wada ogsoon tihiin mana lagu heshiin karo saacado iyo sitimaano.

Filo qayb kale………………………….

Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...
Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa w...