Skip to main content

Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal


Xiriirka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya-qaybta 1aad W/Q Xasan Yuusufwaal

Waxay ahayd 30 sano ka hor hadahaayoo kale markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib-u-bilaabeen xiriirka diblomaasi ka dib dagaalkii 1977dii. Waxay labada dawladood ku kala saxiixdeen Muqdisha heshiis nabadeed oo taariikhi ah. Heshiiskan dhaqan-galkiisu wuxuu jiray muddo kooban oo sanado ah ilaa iyo intii qaranku dhisnaa. Xilligaa ka dib ilaa iyo maantay sidda  Itoobiya ay Soomaaliya  ula dhaqmeeysay uma baahna  sheeko iyo sharaxaad toona.

Haddaba maxay ka dhigan tahay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr Abiya Axmed ku yimid shalay caasimada dalka, Muqdisha?

Anoo og in nalugu yaqaan dhaqanka fiican ee soo dhaweeynta iyo maamuuska martida haddana ma fileeyn maqsuudnimada  intaa la’eg ee madaxdeena ka muuqatay. Arintu si kastaba ha ahaatee, saacado yar ka dib waxaa la soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.  Waxay ka hadlayaan qodobadaan inta badan iskaashiga dhaqaale ee labda dal. Waxaa kaloo lagu soo qaaday in dalba dalka kale xushmeeyo madaxbanaanidiisa iyo xor-u-ahaanshaha danihiisa siyaasadeed.

Waxaan qaybtaan ku eegayaa oo kaliya qodobka 7aad ee maalgashiga kaabayaasha aasaasiga. Qodabka wuxuu leeyahay “  In daddaal lagu bixiyo siddii labada dawladood iyo gobolka loogu  heli lahaa loona haysan lahaa maalgashi shisheeye. Labada hogaamiye waxay isku raaceen in si wadajir ah ay u maalgashadaan afar dekadood oo muhiim ah iyo wado isku xirta Soomaaliya iyo Itoobiya. Hogaamiyayaasha waxay kaloo isla garteen in la dhiso guddi farsamo oo isku dhafan oo soo qorsheeya mashruucaan aadka u muga weyn”.

Qodabkan 7aad  mugdi baa ku jira

Waxaa maldahan in gacan sadexaad qayb ka tahay maalgashiga dekedaha. “In daddaal lagu bixiyo siddii labada dawladood iyo gobolka loogu  heli lahaa loona haysan lahaa maalgashi shisheeye”. Siddoo kale lama cadeen dekedaha la maal-galinayo. Maadaama Imaaraatku sitimaankii hore uu u balan qaaday Itoobiya inuu siinaayo lacag dhan 3 bilyan oo doolar oo isugu jirta deeq iyo maalgashi, waxaa suurtagal ah in Imaaraatku ku daba naban yahay Itoobiyaanka.

Khilaaf iyo qalqal siyaasadeed

Sidda aad wada ogsoon tihiin khilaafkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Isu taga Imaaraatka oo salka ku hayay maalgashiga dekeda Berbera wuxuu sababay in labada dal xiriirkoodu uu aad u xumaado. Golayaasha aqalka hoose iyo kan sare ay ansixiyeen Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliya in kastoo Madaxweynuhu uusan saxiixin. Waxaa kaloo xusid mudan in isla arinka Berbera Itoobiya ay qayb ka ahayd.
Waxaa muuqata in markaan dawlad goboleed yada iyo dawlada mowqif hal meel ka istaagan heshiiskan (hoos ahaan waa meesheeda) maadaama dawlad-goboleed yadu  gacan saar la leeyihiin Itoobiya. Laakiin waxaa muuqata in mucaarad xoogan ka soo wajihi doono golayaasha sharci dejinta(waa haddii aysan wax kale dhicin).  
Dhanka kale, waxaan la ogayn sida Turkigu uga falceli doono arinkaan maadaama u yaahay daneeye aad ugu xidideeystay Soomaaliya markastana damac weyn ka leh dekedaha dalka.

Sidda loo arko xukuumada Nabad iyo Nolol

Mowqifkii ay dawladu ka istaagtay arinkii Berbera wuxuu abuuray xiriirkii Imaaraatka iyo Soomaaliya oo xumaada, Isfahan waa soo kala dhexgalay dawlad goboleedyada iyo dawlada federaalka, siyaasiyiin iyo dawladoo isku dhacay iyo dawlada iskeed isu magacoowday ee Soomaalilaandh oo sii fogaatay. Arimahaan oo dhan xukuumada Nabad iyo Nolol waxay ka heshay taageero iyo dhiiri-galin hor leh.

Haddaba heshiiskaan waxaa suurtagal ah in dawlada loo arko fursad-gaad taageero baddana ay ku weeydo. Maxaa yeelay heshiiskaan wuxuu lee yeehay dol-doloolo baddan oo u baahan in la owdo ka hor inta uusan dhicin is-afgarad rasmi ah ee u dhexeeye Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa colaad soo jireen ah iyo sooyaal xun ka dhexeeye labada dal waad wada ogsoon tihiin mana lagu heshiin karo saacado iyo sitimaano.

Filo qayb kale………………………….

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c