Waa markii koowaad ee xukuumada Fedaraalka Soomaaliya si rasmi ah uga falcelisay dhacdadii xanuunka badneeyd ee bishii Sebtembar sannadkii 2017 mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyay dowlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin. Iyo in lagu shaabadeeyo urruka gobonimo doonka ONLF in uu yahay urur argagixiso! Go’aanka shalay ka soo baxay xukuumada ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia”. Lixdii Sebteember 2017 ayay dowladu waxay ku faahfaahisay shir jaraa’iid oo ay ku qabatay magaalada Muqdisha sababta Qalbidhagax Itoobiya loogu gacan galiyay waxaa ka mid ahaa qodabadii shirkaas: 1. * In Qalbidhagax abaabulayay falal lid ku ah amniga dalka xiriir dhowna la lahaa koo...
Waligaa isweydii