Skip to main content

Gorfeyn Gaaban: Ma garbaa go'aanka xukuumada?

 



Waa markii koowaad ee xukuumada Fedaraalka Soomaaliya si rasmi ah uga falcelisay dhacdadii xanuunka badneeyd ee bishii Sebtembar sannadkii 2017 mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyay dowlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin. Iyo in lagu shaabadeeyo urruka gobonimo doonka ONLF in uu yahay urur argagixiso!

Go’aanka shalay ka soo baxay xukuumada ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia”.

Lixdii Sebteember 2017 ayay dowladu waxay ku faahfaahisay shir jaraa’iid oo ay ku qabatay magaalada Muqdisha sababta Qalbidhagax Itoobiya loogu gacan galiyay waxaa ka mid ahaa qodabadii shirkaas:

1.      * In Qalbidhagax abaabulayay falal lid ku ah amniga dalka xiriir dhowna la lahaa kooxda argagixisada Alshabaab

2.      * Heshiis dawladu lagashay dawlada Itoobiya 7dii Juun 2015 ayaa u aqoonsanaya ONLF iyo Alshabaab qatar ku yihiin amniga  labada dal melna looga soo wada jeesto. Heshiiskaan waxaa dawlada u saxiixay wasiiro-dawlihii hore ee madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

3.      * Heshiis dawladu lagashay dawlada Itoobiya 2dii Meey 2016 oo ku saabsan ciribtirka kooxaha argagixisada gaar ahaan ONLF iyo Alshabaab. Heshiiskaan waxaa dawlada u saxiixay wasiirkii hore Boostada Maxamed Jaamac Mursal iyo madaxweynihii hore ee Galmadug Cabdikariim Guuleed.

Ka hor, waxaa sidoo kale arinkaan 2017dii circa u laalay Baarlamaanka Soomaaliya. War ka soo baxay Gudi baaris baarlamaani ah oo loo xilsaaray arrinkaan ayaa lagu sheegay "Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay'adaha garsoorka," Laakiin waxaa dood ka soo laabatay in Baarlamaanku door iyo awood sharci u leeyahay faragalinta arrinkaan.

Intaa waxaa dheer, Guddoomiyihii hore  Ururka ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cusmaan wuxuu u sheegay VOA News in Madaxweyne Farmaajo uu raali-galin ka bixiyay dhiibistii Qalb-dhagax, uuna aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka. Laakiin weli lagama hayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre raali galin rasmi ah iyo faah faahin sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale waxay dad badan ku eedeenayaan Ra’iisul wasaare Rooble in uu fursadaan uga faa’iideeysanayo dano siyaasadeed oo gaar ah. Laakiin si kastaba waxaa xaqiiq ah, in falka ay xukuumadu ku dhaqaaqday uu yahay wax fiican, dabcana ONLF iyo guud ahaan Soomaalidana ay uga fadhiyeen. Gudoomiyaha ONLF Dr. Cabdiraxmaan  Maadeey ayaa dhawaan yiri “ Wixii 2017kii dhacay waa wax weli taagan, baarlamaanka Soomaaliya wuu diiday laakiin weli xukuumada war lagama hayo. Madaxweyne Farmaajo laba goor ayaan la kulanay. Waxaan ku niri anagu aarsi ma dooneeyno walaalahayaa tihiin. Waxaan usoo jeedinay in sida Itoobiya uga baxday arinka ONLF waa argagixiso idinkuna uga baxdaan maxaa yeelay idinka ayay sharafta idinkugu jirtaa, anagu argagixo ma nihin, Soomaaliyana cidna marti uguma nihin.”

Maqnaanshaha nidaam siyaasadeed oo degan, hey’addo dawladeed oo si fiican u shaqeeynaya, dhab-u-heshiisiin iwm, waxay sababeen in doodaha cul culus ee dalka u yaala aan si miyir leh loo naqdin. Sidaa awgeed, inta ummada ay walaahoowga ku jirto wax xun oo badan maanta Soomaaliya xisaab la’aan la xalaaleeysto.

Arrinta dhiibista Qalbidhagax iyo u aqoonsiga ONLF urur argagixiso waa nabar ku yaala damiirka dadka Soomaaliyeed. Waa dambi qaran oo ay tahay cidii geeysatay in loo ciqaabo goorteey tahayba. 


Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c