Skip to main content

Gorfeyn Gaaban: Ma garbaa go'aanka xukuumada?

 



Waa markii koowaad ee xukuumada Fedaraalka Soomaaliya si rasmi ah uga falcelisay dhacdadii xanuunka badneeyd ee bishii Sebtembar sannadkii 2017 mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyay dowlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin. Iyo in lagu shaabadeeyo urruka gobonimo doonka ONLF in uu yahay urur argagixiso!

Go’aanka shalay ka soo baxay xukuumada ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Ethiopia”.

Lixdii Sebteember 2017 ayay dowladu waxay ku faahfaahisay shir jaraa’iid oo ay ku qabatay magaalada Muqdisha sababta Qalbidhagax Itoobiya loogu gacan galiyay waxaa ka mid ahaa qodabadii shirkaas:

1.      * In Qalbidhagax abaabulayay falal lid ku ah amniga dalka xiriir dhowna la lahaa kooxda argagixisada Alshabaab

2.      * Heshiis dawladu lagashay dawlada Itoobiya 7dii Juun 2015 ayaa u aqoonsanaya ONLF iyo Alshabaab qatar ku yihiin amniga  labada dal melna looga soo wada jeesto. Heshiiskaan waxaa dawlada u saxiixay wasiiro-dawlihii hore ee madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

3.      * Heshiis dawladu lagashay dawlada Itoobiya 2dii Meey 2016 oo ku saabsan ciribtirka kooxaha argagixisada gaar ahaan ONLF iyo Alshabaab. Heshiiskaan waxaa dawlada u saxiixay wasiirkii hore Boostada Maxamed Jaamac Mursal iyo madaxweynihii hore ee Galmadug Cabdikariim Guuleed.

Ka hor, waxaa sidoo kale arinkaan 2017dii circa u laalay Baarlamaanka Soomaaliya. War ka soo baxay Gudi baaris baarlamaani ah oo loo xilsaaray arrinkaan ayaa lagu sheegay "Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay'adaha garsoorka," Laakiin waxaa dood ka soo laabatay in Baarlamaanku door iyo awood sharci u leeyahay faragalinta arrinkaan.

Intaa waxaa dheer, Guddoomiyihii hore  Ururka ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cusmaan wuxuu u sheegay VOA News in Madaxweyne Farmaajo uu raali-galin ka bixiyay dhiibistii Qalb-dhagax, uuna aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka. Laakiin weli lagama hayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre raali galin rasmi ah iyo faah faahin sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale waxay dad badan ku eedeenayaan Ra’iisul wasaare Rooble in uu fursadaan uga faa’iideeysanayo dano siyaasadeed oo gaar ah. Laakiin si kastaba waxaa xaqiiq ah, in falka ay xukuumadu ku dhaqaaqday uu yahay wax fiican, dabcana ONLF iyo guud ahaan Soomaalidana ay uga fadhiyeen. Gudoomiyaha ONLF Dr. Cabdiraxmaan  Maadeey ayaa dhawaan yiri “ Wixii 2017kii dhacay waa wax weli taagan, baarlamaanka Soomaaliya wuu diiday laakiin weli xukuumada war lagama hayo. Madaxweyne Farmaajo laba goor ayaan la kulanay. Waxaan ku niri anagu aarsi ma dooneeyno walaalahayaa tihiin. Waxaan usoo jeedinay in sida Itoobiya uga baxday arinka ONLF waa argagixiso idinkuna uga baxdaan maxaa yeelay idinka ayay sharafta idinkugu jirtaa, anagu argagixo ma nihin, Soomaaliyana cidna marti uguma nihin.”

Maqnaanshaha nidaam siyaasadeed oo degan, hey’addo dawladeed oo si fiican u shaqeeynaya, dhab-u-heshiisiin iwm, waxay sababeen in doodaha cul culus ee dalka u yaala aan si miyir leh loo naqdin. Sidaa awgeed, inta ummada ay walaahoowga ku jirto wax xun oo badan maanta Soomaaliya xisaab la’aan la xalaaleeysto.

Arrinta dhiibista Qalbidhagax iyo u aqoonsiga ONLF urur argagixiso waa nabar ku yaala damiirka dadka Soomaaliyeed. Waa dambi qaran oo ay tahay cidii geeysatay in loo ciqaabo goorteey tahayba. 


Comments