Skip to main content
Dawladda federaalka iyo saameeynta warbixinta kooxda korjoogtada ee UNka Qore: Xasan Yuusuf Waal

Kooxda dul-meerayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya ee UNka waxay 17kii Julaayo soo saareeyn warbixintoodii sanadlaha ahayd. Iyadoo warbixintaan qolaba si u fasiran karto, ayaa haddana  waxaa la dafiri karin eedeeymaha warbixinta; xaalka wadanka kusugan yahay awgiis.

Marka laga reebo magacyada shaqsiyaad dhawr ah, warbixintu ma soo bandhigin wax cusub ama siyaado ah, ha ahaato; musuqmaasuq, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo dhuxusha.

Warbixintaan ayaa ku soo beegmeeysa xilli ay dawladda fedaraalka Soomaaliya isku diyaarinayso shir ay arimo dhowr ah ku  heshiinayaan Midowga Yurub iyo Soomaaliya(New Deal Compact)  ee ka dhacaya  Brussells Sebteemberta fooda inagu soo haysa.

Sidoo kale, bishii Meey ee sanadkaan waxaa Soomaaliya loo qabtay shirar caalami ah oo isku xigay kuwaasoo ka dhacay London(SC 2013) iyo Tokyo(TICAD V). Labadaan shir, marka la isku daro waxaa Soomaaliya loo balanqaaday lacag ka badan 300 oo malyuun oo doolar.

Waxaa xaqiiq ah in kashifaadan niyad-jab weyn ku tahay bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, dhabar-jab weyna ku tahay dawladda fedaraalka.

Waxaa laga dhawrayay gar-wadeenka dawladda federaalka isbadal iyo jiho cusub. Waxaa wali taagan wixii curyaamiyay maamuladii hore ee kumeel gaarka(cidi kuma arkeeysee afka buuxso). Boonadii wali waa la jarayaa. Isbaaradiina wali waa taal. Hal sano waa muddo ku filan  in la dardar-galiyo hanaankii dawladnimo(markay ugu yartahay caasimadda).

Sarkaalka ciidanka  mas’uul kama aha askariga isbaareeysanaaya. Waxaa mas’uul ka ah mushaar la’aanta iyo sharcigii oo aanan shaqeeyneeyn. Wixii la siin lahaa askariga isbaareeysanaaya, haddii ceyriinka lagu qaybsado, sidee baa amaankii iyo kala danbeyntii loo soo celiyaa? Looma baahna in kumanaan kun oo doolar lagu dhigo dabaal-dega kowda Luulyo iyada oo aanan mushaar loo hayn amaan-sugayaashii qaranka. Waxaan ku jirnaa xilli ay tahay in aan tashiishano xooggaaga sadaqada ah.

Sida ay ila tahay, waxaa dawladda marin habaabiyay taladii oo ay ku koobtay koox yar.Waxaa dawladdii laga dhex arki la’ yahay xeel-dheerayaal iyo quburo sar sare. Sidaas darteed, ma jirto hal hay’ad oo si rasmi ah u shaqeeyneeyso.

Sidoo kale waxaa dawladda marin habaabiyay xalka sare. Siyaasada dibadda oo xooga la saaray iyada oo guddihii qaacayo. Gobaladii oo lagu mashquulay iyada oo caasimadii dayacan tahay. Mushaarada madaxda sare oo joogta ah iyo caruurta askariga furinta ku jira oo aanan biil haysan.

Haddaba,warbixintaan waxay saameeyneeysaa balanqaad yadii dhaqaaleed ee dawladda loo sameeyay gaar ahaan kan Japan ay balan qaaday in ay si toos ah u siinayso dawladda federaalka. Sidoo kale, waxaa calaamad su’aal saaran xiriirka siyaasadeed ee dawladda iyo deeq bixiye-yaasha.

Waxaa dhaawac soo gaaray rajadii ummada Soomaaliyeed in baddan suggaysay. Waxay fursad u tahay qaswalayaalka iyo kuwa nabada diidan.

Intaa waxaa dheer, waxaa suurta gal ah in amaanka ay wax u dhinto. Lacagtii oo aanan soo gaareen hawl-wadeenadii hoose iyo sharci illaaliyeyaashii waxay sababeeysaa dad la iska xixirto, isbaaro la dhigto iyo nabad-diidkoo loo fududeeyo in ay dhibaato geeystaan.

Dhanka kale, waxaa dhici karta in qilaaf ba’an soo foodsaaro hay’addaha sar sare ee dawladda. Isku soo wada duub, waxaa qalqal galaya habsami u socodka nidaamka ugubka ah.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, shaqada dawladda u taal baa waxay tahay sidii ay isku barri yeeli lahayd iyo sidii ay wax uga badili lahayd qorshaheeda siyaasadeed. Waxaa lagama maarmaan ah in dawladdu dhageeysato dhaliisha. Si loola diriro musuqmaasuqa waa in la dhiiri-galiyo maamul wanaag. Maamul wanaagna waxaa la hirgilin karaa markii la helo talo iyo ka qaybgal baahsan.

Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com



Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c