Skip to main content

Posts

Showing posts from 2017

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa wareejisay. Markaa jaaniskaan anago
Maxaa Qadar ka dhigay qaran quwadleh! Qore: Xasan Yuusufwaal Dhibyari jawaabtu waa garwadeen garaadleh oo doonaya in dadkiisu ku noolaadaan guul iyo gobinimo! Balse aan sii balbalaariyo. Iyada oo ay jiraan warar aad u xiisa badan sida natiijadii dhawaan doorashooyinkii ka dhacay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, eedeemaha loo haysto madaxweyne Trump, warbaahinta reer galbeedku waxa ay aad u hadal hayaan khilaafka ka aloosan khaliijka ee u dhaxeeya Qadar iyo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga. khilaafkaan wuxuu saamayn dhinac walba ah ku yeelan karaa gobolka iyo kashishay. Hagaag, Qadar waxa ay 186 jeer ka yar tahay Sacuudiga. Marka la barbar dhigo celcelis waxa ay baaxad la’eg tahay Yorkshire-gobol ku yaala Waqooyiga Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1867 ilaa iyo markii ay xornimada heshay 1971 Qadar waxa ay ku jirtay gacanta gumeesiga Ingiriiska. Xornimadii ka dib wuxuu xukunka dalka gacanta u galay reer Altaani oo uu horkacayo Sheekh Khaliifa Bin Xaamud Altaani.
                                              Barnaamijka Bandhiga Hanoolaato
Maxaa Qadar ka dhigay qaran quwadleh! Qore: Xasan Yuusufwaal Dhibyari jawaabtu waa garwadeen garaadleh oo doonaya in dadkiisu ku noolaadaan guul iyo gobinimo! Balse aan sii balbalaariyo. Iyada oo ay jiraan warar aad u xiisa badan sida natiijadii dhawaan doorashooyinkii ka dhacay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, eedeemaha loo haysto madaxweyne Trump, warbaahinta reer galbeedku waxa ay aad u hadal hayaan qilaafka ka aloosan qaliijka ee u dhaxeeya Qadar iyo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga. Qilaafkaan wuxuu saamayn dhinac walba ah ku yeelan karaa gobolka iyo kashishay. Hagaag, Qadar waxa ay 186 jeer ka yar tahay Sacuudiga. Marka la barbar dhigo celcelis waxa ay baaxad la’eg tahay Yorkshire-gobol ku yaala Waqooyiga Ingiriiska. Laga soo bilaabo 1867 ilaa iyo markii ay xornimada heshay 1971 Qadar waxa ay ku jirtay gacanta gumeesiga Ingiriiska. Xornimadii ka dib wuxuu xukunka dalka gacanta u galay reer Altaani oo uu horkacayo Sheekh Khaliifa Bin Xaamud Altaani. Marka