Skip to main content

Dooda musuqmaasuqa: Yaa saxan ma madaxweynaha mise wasiirka maaliyada? W/Q Xasan Yuusufwaal

Markii la garab maro ama laga gabado gorfeynta iyo ka gun-gaarka  go’aannada, gefka, guuldarada iyo guusha garwadeenka siyaasada waxaa dhacda in kuwa talada haya tooda mooyee aan tukale la tilmaami Karin. Siddaa darteed shar iyo khayrba shacabku ay noqdaan kuwo qaata oo ku qasban hadba wixii loo sheego.  Dhaqanka noocaana waa mid jirid-gooys ah dunida sedexaadna dib u dhac weyn u keenay.

Waxaan u socdaa oo aan rabaa iyadoon qallooc lahayn in aan qaadaa-dhigo laba hadal oo ku saabsan musuqa ka jira dalkeena oo uu mid yiri madaxweyne Maxamed Cadullaahi midna yiri wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Beeyle. Dulucda doodeeydu waa in aan iftiimiyo dhaca dharraata cad ee xoolaha dadweynaha iyo siddii  dhaqankaa loo dabargoyn lahaa.

Qudbadii uu qorshihiisa kusoo bandhigay tartankii jagada madaxweyne ee 2017 madaxweyne Maxamed Cabdullaahi wuxuu yiri “ waxaa laba bari ka hor lasoo saaray oo Transparency International (hay’adda caalamiga ah ee ladagaalanta musuqmaasuqa)  soo saareen in sanadkii 10aad aan uga  jirno wadanka ugu musuqmaasuqa badan aduunka 176 baan uga jirnaa. Maxaan ugu jirnaa in aan noqono dadka ugu xun aduunka illeen musuqmaasuqa macnaheedu waa tuug weeye”. Sidoo kale madaxweynuhu dhawr jeeroo kale intii madaxweynaha uu  noqday ayuu soo hadal qaaday musuqmaasuqa dalka ka jira.

Dhanka kale, wareeysi ay dhawaan laanta Af-Soomaaliga ee idaacada Codka Mareeykanka la yeelatay wasiirka maaliyada Cabadiraxmaan Beeyle ayaa wariye Haaruun Macruuf wuxuu weeydiiyay wasiirka  “ Waxaad isku keey waafajisaa (maamul-wanaaga mareeynta xoolaha dadweynaha oo aay IMF sharuud ka dhigtay) wixii nalaga rabay waan ka soo baxnay iyo Soomaaliya kaalinta kowaad beey kaga jirtaa musuqmaasuqa aduunka” wasiirku wuxuu ku jawaabay “ Waxa aad sheegeeysid waa mala’awaal IMF na ma sameeyso qolo kalaa sameeysa (Transparent International) dagaal baana kula jirnaa”.

Halka madaxwenuhu tixraaq ka dhigtay waxbixinta sanadlaha ah ee hay’adda caalamiga ah ee ladagaalanta musuqmaasuqa (Transparent International) wasiir Beeyle wuxuu sheegay in warbixinta hay’addu tahay wax aan jirin  dagaalna ay kula jiraan.

Transparent International waa hey’ad hormuud ka ah ladagaalanka musuqmaasuqa. Waxay soo saartaa warbixin sanadle ah(CPI) oo leh tiro taxane ah oo dal walba meel kaga jiro hadba sida dalkaa musuqmaasiqiisu u badan yahay ama u yar yahay. Tusaale waxbixintii ugu danbeeysay Soomaaliya waxay gashay 180 oo ah dalka ugu musuqmaasuqa badan halka Niyuuzilaan ay gashay 1 oo macnaheedu tahay  dalka ugu musuqa yar. In kastoo eedeen iyo cabasho laga keenay hab-cabireedka iyo ilaha warbinta haddana waa warbixin aad loogu kalsoon yahay.

Sidda madaxweynuhu sheegay, warbixinta hay’adduna  caddeeyneeyso lama difaaci karo in dalkeenu ka jiro musuq aan la’iskula yaabin. Waa dalka kaliya ee siddii seeylada xoolaha banaankaa lagu kala iibsado kuraasta iyo codka golayaasha sharci dejinta. Intaa waxaa dheer habka hanaanka dawladnimo iyo hey’adaheedu u dhisan yihiin oo ah kuwo aad u nugul ama sahlaya boobka iyo xaddida xoolaha dadweynaha.

Wasiir Beeyle wuxuu sheegay in waxa soo gala iyo waxa ka baxa dawlada ay daahfuran yihiin. Isla markaana xogwaran joogta ay u gudbiyaan IMF iyo ciddii kale oo ay quseeyso. Wasiirku waa ku amanaanan yahay daddaalka uu ku doon doonayo in dalka laga cafiyo deynka lagu leeyahay isla markaana loo ogalaado in deyn la siiyo. Laakiin xaqiiqdii musuqa ka jira dalkeena waa mid hab-dhismeed. Wuxuu wax-yeeleeyay waax kasta oo wadanka ah. Siddaa awgeed talaabooyinka wasiirka iyo kooxdiisu qaadeen waa bilow fiican oo u baahan dhismo dheer oo dhameeystiran.

Waxaa jira eedeeymo ah in lacagaha aan ka imaan reergalbeedka iyo hay’adahooda, siddii lagu eedeen jiray dawladihii ka horeeyay tan, aanan la marsiin wasaarada maaliyada. Siddoo kale lafa-gurayaal badanbaa qaba in lacag badan aysan marin qasnada dawlada. In kastoo afhayeenkii hore ee baarlamaanku Mudane Jawaahiri sheegay in uusan lacag qaadan  haddana waxaa lasheegayaa in malaayiin doolar oo laaluush ah ay ku baxday isqab-qabsigii iyo dhiilaadii dhawaan soo dhexmartay siyaasiyiinta.

Haddaba dadaalka badan ee lagu bixinayo siddii lacago deyn ah loo heli lahaa waxaa ka fiican in hawl weyn laga qabto dhameeystirka sharciga maaliyada iyo fulintiisa. Haddii aysan jirin daahfurnaan iyo xisaabi xilmaleh lacagtii la soo deyn saddaa soo mari meeyso meeshii tii hore martay. Sidda aad ogtihiin wali lama ansixin sharcigii cashuur qaadista. Arimahaanoo dhana waxay u baahan yihiin isbedal dhab ah. Hawshoo la badiyo  Hadalka iyo Haasaawahoo la yareeyo.

Xasan Yuusufwaal
hassaneksaato@hotmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c