Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2018

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh                                                                 “Hilowlaha ay dhashaa, haddii meel laga hayaa asuu haaraa habeen, waa tii hoogaysatoo ilmadu ay hibitiqdee, hooyadu waa lama huraan” Careeys Ciise Kaarshe (AUN)  Michael Crossland oo u dhashay Australia  intuusan sanad jirsan ayaa laga helay cudurka kansarka(feex) ee ku dhaca habdhiska dhexe ee neerfeyaasha. Taqtarkii wuxuu yiri qalaas cunugaan dhowr bilood ka bacdi wuu dhimanayaa. Michael hooyadii waxay taqtarkii ku tiri iigu kaadi dhimashadiisee qiyaaskaaga illaa inteybeey suurtagal tahay in cunugeeyga dawo loo helo(uu noolaado). Taqtarkii wuxuu ku jawaabay boqolkiiba afar oo ka dhigan rajo-beel. Michael hooyadii waxa ay xooga saartay rajada ah in boqolkiiba afar ay suurtagal tahay in wiilkeeda dawo loo helo. Michael hooyadii waxay ogalaatay in wiilkeeda lagu daro 24 caruura  oo lagu tijaabinayay dawo markii ugu horeeysay loo isticmaalo binii-aadan. Dhor

Dalku dawladnimuu u baahan yahay.

Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dad u damqada iyo da'yar buu u baahan yahay. Doolka iyo dabadhilifkoo laga difaacuu u baahan yahay.  Dibindaabyada iyo damaca dibada oo laga digtoonaaduu u baahan yahay. Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dantiisoo la dib-marin buu u baahan yahay. Dib-u-dhis iyo dacayactir buu u baahan yahay. Daryeel dareerto ah buu u baahan yahay. Dalku dawladnimuu u baahan yahay. Dulmigoo la diiduu u baahan yahay. Dirirtoo dood lagu baddaluu u baahan yahay. Dadkoo la isku dumuu u baahan yahay. Duco iyo diinsaar buu u baahan yahay. Dabci qaboow iyo dad daacaduu u baahan yahay. Xasan Yusufwaal

Xaalka dalku ku sugan yahay

Dow ma tahay in aynu diidno deynka $5.3 bilyan ee dalkeena? W/Q Xasan Yuusufwaal Waxaa lacagahaan la ina amaahiyay dabayaaqadii   todobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii xili dalku galay marxalad cusub; hey’adihii adkaa ee dawliga oo wiiqmay, dhaqaalihii iyo wax soo saarkii oo hoos u dhacay iyo qalqal siyaasadeed oo biloowday. Lacagta deynka ah badan keed waxa ay ka timid sadex qolo oo kala ah : Paris Club (dalad ay ku bahoobeen dawlado amaah bixiya oo u badan Reer Galbeed), Carabta iyo IMF. Deynkaan iyo deeqo kalaba waxaa sharuud looga dhigay in ay Soomaaliya fuliso danaha la xiriiray dagaalkii qaboobaa, loolankii Carabta dhexdeeda ahaa iyo qaadashadii wacdigii IMFta (Structural Adjustment Program) ee dulucdiisu ahaa in Soomaaliya albaabada u furto maalgashiga shisheeye ee shirgadaha Reer Galbeedka. Haddii aynu u siqno sanadihii ugu danbeeyay iyo sida xaalku yahay maantay, maamulidii isxig-xigay ha ahaadaan kumeel-gaarkii iyo kuwa sida rasmiga ah loo aqoonsadayba, garwadeen

Deeqaha dalkeena la degay!