Skip to main content

Dow ma tahay in aynu diidno deynka $5.3 bilyan ee dalkeena?
W/Q Xasan Yuusufwaal

Waxaa lacagahaan la ina amaahiyay dabayaaqadii  todobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii xili dalku galay marxalad cusub; hey’adihii adkaa ee dawliga oo wiiqmay, dhaqaalihii iyo wax soo saarkii oo hoos u dhacay iyo qalqal siyaasadeed oo biloowday. Lacagta deynka ah badan keed waxa ay ka timid sadex qolo oo kala ah : Paris Club (dalad ay ku bahoobeen dawlado amaah bixiya oo u badan Reer Galbeed), Carabta iyo IMF. Deynkaan iyo deeqo kalaba waxaa sharuud looga dhigay in ay Soomaaliya fuliso danaha la xiriiray dagaalkii qaboobaa, loolankii Carabta dhexdeeda ahaa iyo qaadashadii wacdigii IMFta (Structural Adjustment Program) ee dulucdiisu ahaa in Soomaaliya albaabada u furto maalgashiga shisheeye ee shirgadaha Reer Galbeedka.

Haddii aynu u siqno sanadihii ugu danbeeyay iyo sida xaalku yahay maantay, maamulidii isxig-xigay ha ahaadaan kumeel-gaarkii iyo kuwa sida rasmiga ah loo aqoonsadayba, garwadeenka Soomaaliyeed waxa ay marwalba dalban jireen laba arimood oo kala ah; cunaqabateenka hubka oo laga qaado iyo in deeqaha dibada dawlada la soo marsiiyo ama ay maamulaan. Arinka danbe wuxuu u xuubsiibtay in la codsado in Soomaaliya lagu daro barnaamijka IMF iyo Bangiga Aduunka ee dawladaha saboolka ah ee sida xun u qaameeysan (HIPC) deynka looga qafiifinayo si deyn hor leh iyo kaalmo lacageed loo siiyo.

Isku dayga madaxda Soomaaliyeed ee ah in cunaqabateenka hubka laga qaado iyo in lacagaha kuwa Reer Galbeedka dawlada la soo marsiiyo laguma guuleeysan. Waxaana arinkaa loo aaneenayaa isdilka iyo isdaba-maryeynta Soomaalida. Waxaa intaa dheer oo kale heykalkii dawladnimo ha noqoto garsoorka, xeer iyo sharci illaalinta iyo hantidhowrkii oo aan jirin ama aan qaangaarin.

Arinku si kastaba ha ahaadee, markii ,sida la yiraahdo, 2012kii  dalku kumeelgaarkii buu ka baxay  waxaynu marqaati ka aheeyn sida loogu soo kala tartamayay dalkeena oo xitaa kuwo aan xisaabta inoogu jirin ay soo xaadireen. Waa waqtigan marka ay bilaabatay in madaxda Soomaalida laga dhaadhacsho in ay aqbalaan deynka duugga ah. Abril 2013 ayay ahayd markii 22 sano kabacdi IMF dib u biloowday hawlgalkeedii Soomaaliya.

Hay’adaha ay ka midka yihiin World vision, Action Aid iyo Save The Children waxa ay u qaylodhaaminayaan in Soomaaliya laga qaado xayiraada soo-amaahashada si dawladu  u maalgaliso waxbarashada iyo caafimaadka halka dawlada Soomaaliya ay ku dadaaleeyso sidii loo siinlahaa deyn ay isaga difaacdo argagixisada iyo nabad-diidka. Sidoo kale IMF baa dadaal ugu jirta in Soomaaliya deynka qaar laga cafiyo waa haddii dawladu kasoo baxdo sharuudaha iyo shaxda loo dejiyay. Weli waxa ay dawladu ku jirtaa heerka tijaabada kowaad (Staff Monitored Program).

Haddaba waxaan diirada saarayaa laba arimood oo kala ah; tan koowaad deynkii horay dalka loo siiyay iyo mida kale oo ah dalbashada deyn cusub.   

Deynkii horay dalka loo siiyay

Anigoo ka shidaal qaadanaya aragtida Deynka aan xalaasha ahayn (oudious debt) ee uu curiyay Alexander sack horaantii qarnigii 20aad, deynka Soomaaliya la siiyay looma isticmaalin wax la taaban karo oo miro dhal noqday. Laga soo bilaabo dabayaaqadii 70kii waxaa dalka soo foodsaaray dhaqaale-xumo aad u daran oo la kulan satay Dagaalkii 77 iyo kacdoonkii jamhadaha ee ka danbeeyay. Waxay  waxyeelo soo gaartay  habsami u socodka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka. Waxaa abuurmay mucaarad hubeeysan iyo mid aan hubeeysneeyn. Waxaa hoos u dhacay heerka tacabka ummada. Sidaas darteed Garwadeenkii dawladii askarta qorshahooda koowaad wuxuu noqday in ay  iyagu isbad baadiyaan. Markaa lacagtii badankeed waxay ku baxday badbaadintii xukunkii askarta, musuq iyo maamul-xumo.

Midda kale, waxa ay tahay in arinka laga eego daruufta ku dahaaran deynka(moral argument). Waxaa la qiyaasaa in ka badan $3 bilyan lacagta deynku in ay tahay dulsaar. Ma jirin deyn-bax joogto ah maadaama dalku ahaa dawlad la’aan in kudhow 30 sano. In ka badan 70 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed ee hadda nool ma dhalan  markii amaahda nalasiiyay. Rubuc qarni kabadan waxa ay dadka Soomaaliyeed u gumeeysnaayeen dagaal sokeeye, dib u dhac iyo dawlad la’aan. Siddaas darteed iyada oo la cuskanayo tusaalaha Cuba sida deynkii gumeeytaha Spanishka looga cafiyay (Treaty of Paris of December 1898-waxaa la cadeeyay in deynka Spain kaliya ay ka faa’iiday) in Soomaaliya deynka oo dhan laga cafiyo. Ma aaminsani sida Mareeykanka usoo fara-galiyay deynkii Cuba ee qarnigii 19aad in aynu cid kale gurmad ka heleeyno. Waxaa loo baahan yahay in Soomalidu isku tashato.

Dalbashada deynka cusub

Dawladu waxa ay u baahan tahay deyn, galgal iyo in ay hesho lacagaha kaalmo (grants) ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Laakiin waqtiga la joogo dawladu awood u maleh in ay ka soo baxdo waajibaadka iyo sharuudaha adag ee ku lifaaqan deyn cusub. Markii deynka la siinayay dawladii askarta deyn-bixiyayaashu wey ogaayeen  in si toos ah aysan lacagtooda dib ugu heleeyn maxaa yeelay dawladu qaado mahee qaanbax meeysan awoodin. Balse si dadban beey lacagahaas qayb ka mid ah dib ugu noqdeen deyn-bixiyayaasha. Marka maxaa moodaa dawladeena hadda jirta oo ku shaqaynaysa daruufaha ay ka midka yihiin:  illo wax soosaar oo kooban, khilaaf siyaasadeed, hey’adihii dawliga oo aanan si fiican u shaqeeyneeyn qaarna aan wali la yagleelinba tusaale garsoorka iwm.  

Barnaamijkii tijaabada kowaad ee IMF (SMP) 2018 iyada oo ay dawlada  qasnadeeda ku hartay $3.8 milyan haddana meeshii laga rabay ma’aha. Iyada oo ay saas tahay ayaa laga yaabaa in si dhaqsa leh noolaga hormariyo Suudaan iyo Eriteriya oo aan u gudubno heerka labaad (Post-Completion-Point Countries). Haddii ay tani dhacdo waxaa guuleeystay gacmaha sadexaad oo dantoodu ku jirto in Soomaaliya amaah la siiyo. Maxaa yeelay lacagta /faa'iidadda ugu weyn waxaa qaadanaya danleey iyo dilaalliin. 

Gabagabadii, iyadoon dhinacyo badan laga eegin ayaa lagu degdegay in la aqbalo deynka duugga ah. Waxa ay ahayd in aqbalida deynkii hore laga yeesho dood qaran maadaama lacagtu aad u farabadan tahay daruufo badana ay ku xeeran yihiin. Waa in hadda qudheeda aan saas looga harin oo laga war keeno iyada oo lala kaashanayo sharciyada caalamiga ah iyo kuwa xuquuqul insaanka. Waa in aanan lagu degdegin in la doon doono deyn cusub oo wata sharuudo khatar ku noqon kara qaranka.

hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c