Skip to main content

Dalku dawladnimuu u baahan yahay.

Dalku dawladnimuu u baahan yahay.
Dad u damqada iyo da'yar buu u baahan yahay.
Doolka iyo dabadhilifkoo laga difaacuu u baahan yahay. 
Dibindaabyada iyo damaca dibada oo laga digtoonaaduu u baahan yahay.
Dalku dawladnimuu u baahan yahay.
Dantiisoo la dib-marin buu u baahan yahay.
Dib-u-dhis iyo dacayactir buu u baahan yahay.
Daryeel dareerto ah buu u baahan yahay.
Dalku dawladnimuu u baahan yahay.
Dulmigoo la diiduu u baahan yahay.
Dirirtoo dood lagu baddaluu u baahan yahay.
Dadkoo la isku dumuu u baahan yahay.
Duco iyo diinsaar buu u baahan yahay.
Dabci qaboow iyo dad daacaduu u baahan yahay.
Xasan Yusufwaal

Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...
Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa w...