Skip to main content

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh




Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh
                                                               
“Hilowlaha ay dhashaa, haddii meel laga hayaa asuu haaraa habeen, waa tii hoogaysatoo ilmadu ay hibitiqdee, hooyadu waa lama huraan”

Careeys Ciise Kaarshe (AUN) 

Michael Crossland oo u dhashay Australia  intuusan sanad jirsan ayaa laga helay cudurka kansarka(feex) ee ku dhaca habdhiska dhexe ee neerfeyaasha. Taqtarkii wuxuu yiri qalaas cunugaan dhowr bilood ka bacdi wuu dhimanayaa. Michael hooyadii waxay taqtarkii ku tiri iigu kaadi dhimashadiisee qiyaaskaaga illaa inteybeey suurtagal tahay in cunugeeyga dawo loo helo(uu noolaado). Taqtarkii wuxuu ku jawaabay boqolkiiba afar oo ka dhigan rajo-beel. Michael hooyadii waxa ay xooga saartay rajada ah in boqolkiiba afar ay suurtagal tahay in wiilkeeda dawo loo helo. Michael hooyadii waxay ogalaatay in wiilkeeda lagu daro 24 caruura  oo lagu tijaabinayay dawo markii ugu horeeysay loo isticmaalo binii-aadan. Dhorw bilood gudahood Michael ma’ahee 24tii kale ee caruurtaa ahaa weey qurbaxeen. Balse taqtarkii wuxuu sheegay in Michael waxba baran doonin, ciyaartooy noqon doonin haddii uu nasiib leeyahayna uu noolaan doono  ilaa dhowr iyo toban jirkiisa.


Michael riyadiisu waxa ay ahayd ama uu rabay in uu mar un ka ciyaaro Mareeykanka ciyaarta beeysboolka. Markuu labo iyo toban jirsaday, Micheal waxaa ku dhacay Wadne Qabad (Heart Attack) waxaa xigey Qoor Gooye(Menigitis) iyo xannuuno kale. Balse waxaa rumoowdey riyadiisii. Micheal markii uu 17 gu’ jirsaday ayaa waxaa loo ogalaaday in uu beeysbool ka ciyaaro Mareeykanka (Arizona). Nasiibdaro, markii ay sanad ka soo wareegtay, Micheal waxaa ku dhacay Wadne Qabadkii labaad kaa soo sababay in uu waayo wuxuu jeclaa—ciyaarta beeysboolka.

Micheal waxaa ku dhacay niyad jab iyo qalbi xannuun. Wuxuu habeen walba ku duceeysan jiray in uu nafta waayo. Saasoo ay tahay wuxuu soo xasuusan jiray hadal ay hooyadii mar walba ku dhihi jirtay oo ah “Wiilkeeygoow ha xisaabsan inta jeer oo aad kuftid balse eeg inta jeeree aad dhibib kacdid iyadaa fure u ah nolol wacan e”. Mar kaste oo aan dhaho hooyo  taqtarku muxuu yiri hooyadeey waxay dhihi jirtay  wuxuu yiri wax walba wey wanaag-sanaan doonaan.   Nasiib-wanag markii Micheal ku laabtay Australia waxaa loogu yeray  shaqo bangi. Xogwarankiisii xirfad shaqo ayaa maamulihii ugu sareeyay bangiga wuxuu weydiiyay Micheal halka uu hiigsanayo shanta sano ee soo socota. Micheal wuxuu isla markiiba soo xusuustay hadal ay hooyadii ku dhihi jirtay “Maandhoow dayaxa shiish la beegso haddaad la weydo xidigahaadan la waayeen”. Micheal wuxuu ku warceliyay waxaan doonayaa  booska aad ku fadhidid —ogoow waa ninkii ugu sareeyay bangiga---cajiib!

Labo iyo toban billood gudahood, Micheal wuxuu noqday maareeyihii bangi ee ugu yaraa Australia. Labo sano gudahood wuxuu noqday maareeyihii qeyb ee ugu yaraa Australia. Sadex sano gudahood wuxuu noqday maareeyihii gobol ee ugu yaraa Australia. Afar sano gudahood wuxuu noqday mareeyihii guud ee horumarinta iibka ee ugu yaraa mid ka mid ah bangiyada ugu waaweeyn adduunka. Labaatan iyo sadex jir wuxuu maamulay 600 oo shaqaale ah iyo 120 bangi. Micheal wuxuu abaalgud dhaqaale siiyay hooyadiis oo si xanuun leh ugu soo hagarbaxday.

Intaa kuma dhamaanee, Micheal wuxuu horaantii sanadkii hore ku laabtay taqtarkiisa waxaa loo sheegay in dhuuntiisu ay ku taal afar buro ayna tahay in uu yara tartiibsado maadaama xaaladiisa aysan cidna garaneeyn meesha ay ku danbeeyneeyso. Micheal wuxuu yiri yaa og meesha xaalada qof kastaaba ku danbeeyneeyso. Wuxuu yiri nolashu ma ahan inta bari ee aad nooshahay ee waa inta bari ee  aad wax qabatay. Waxaa Micheal soo wacay hooyadii oo rabta in ay ogaato wuxuu taqtarka kala kulmay. Micheal wuxuu ku yiri hooyadii taqtarku wuxuu yiri wax walba wey wanaag-sanaan doonaan.

Xasan Yuusufwaal
hassaneksaato@hotmail.com
Xigasho: Goalcast (youtube)


Comments