Skip to main content

Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh




Ha quusan qaddartu waa tii Eebe e : Qiso qiimo leh
                                                               
“Hilowlaha ay dhashaa, haddii meel laga hayaa asuu haaraa habeen, waa tii hoogaysatoo ilmadu ay hibitiqdee, hooyadu waa lama huraan”

Careeys Ciise Kaarshe (AUN) 

Michael Crossland oo u dhashay Australia  intuusan sanad jirsan ayaa laga helay cudurka kansarka(feex) ee ku dhaca habdhiska dhexe ee neerfeyaasha. Taqtarkii wuxuu yiri qalaas cunugaan dhowr bilood ka bacdi wuu dhimanayaa. Michael hooyadii waxay taqtarkii ku tiri iigu kaadi dhimashadiisee qiyaaskaaga illaa inteybeey suurtagal tahay in cunugeeyga dawo loo helo(uu noolaado). Taqtarkii wuxuu ku jawaabay boqolkiiba afar oo ka dhigan rajo-beel. Michael hooyadii waxa ay xooga saartay rajada ah in boqolkiiba afar ay suurtagal tahay in wiilkeeda dawo loo helo. Michael hooyadii waxay ogalaatay in wiilkeeda lagu daro 24 caruura  oo lagu tijaabinayay dawo markii ugu horeeysay loo isticmaalo binii-aadan. Dhorw bilood gudahood Michael ma’ahee 24tii kale ee caruurtaa ahaa weey qurbaxeen. Balse taqtarkii wuxuu sheegay in Michael waxba baran doonin, ciyaartooy noqon doonin haddii uu nasiib leeyahayna uu noolaan doono  ilaa dhowr iyo toban jirkiisa.


Michael riyadiisu waxa ay ahayd ama uu rabay in uu mar un ka ciyaaro Mareeykanka ciyaarta beeysboolka. Markuu labo iyo toban jirsaday, Micheal waxaa ku dhacay Wadne Qabad (Heart Attack) waxaa xigey Qoor Gooye(Menigitis) iyo xannuuno kale. Balse waxaa rumoowdey riyadiisii. Micheal markii uu 17 gu’ jirsaday ayaa waxaa loo ogalaaday in uu beeysbool ka ciyaaro Mareeykanka (Arizona). Nasiibdaro, markii ay sanad ka soo wareegtay, Micheal waxaa ku dhacay Wadne Qabadkii labaad kaa soo sababay in uu waayo wuxuu jeclaa—ciyaarta beeysboolka.

Micheal waxaa ku dhacay niyad jab iyo qalbi xannuun. Wuxuu habeen walba ku duceeysan jiray in uu nafta waayo. Saasoo ay tahay wuxuu soo xasuusan jiray hadal ay hooyadii mar walba ku dhihi jirtay oo ah “Wiilkeeygoow ha xisaabsan inta jeer oo aad kuftid balse eeg inta jeeree aad dhibib kacdid iyadaa fure u ah nolol wacan e”. Mar kaste oo aan dhaho hooyo  taqtarku muxuu yiri hooyadeey waxay dhihi jirtay  wuxuu yiri wax walba wey wanaag-sanaan doonaan.   Nasiib-wanag markii Micheal ku laabtay Australia waxaa loogu yeray  shaqo bangi. Xogwarankiisii xirfad shaqo ayaa maamulihii ugu sareeyay bangiga wuxuu weydiiyay Micheal halka uu hiigsanayo shanta sano ee soo socota. Micheal wuxuu isla markiiba soo xusuustay hadal ay hooyadii ku dhihi jirtay “Maandhoow dayaxa shiish la beegso haddaad la weydo xidigahaadan la waayeen”. Micheal wuxuu ku warceliyay waxaan doonayaa  booska aad ku fadhidid —ogoow waa ninkii ugu sareeyay bangiga---cajiib!

Labo iyo toban billood gudahood, Micheal wuxuu noqday maareeyihii bangi ee ugu yaraa Australia. Labo sano gudahood wuxuu noqday maareeyihii qeyb ee ugu yaraa Australia. Sadex sano gudahood wuxuu noqday maareeyihii gobol ee ugu yaraa Australia. Afar sano gudahood wuxuu noqday mareeyihii guud ee horumarinta iibka ee ugu yaraa mid ka mid ah bangiyada ugu waaweeyn adduunka. Labaatan iyo sadex jir wuxuu maamulay 600 oo shaqaale ah iyo 120 bangi. Micheal wuxuu abaalgud dhaqaale siiyay hooyadiis oo si xanuun leh ugu soo hagarbaxday.

Intaa kuma dhamaanee, Micheal wuxuu horaantii sanadkii hore ku laabtay taqtarkiisa waxaa loo sheegay in dhuuntiisu ay ku taal afar buro ayna tahay in uu yara tartiibsado maadaama xaaladiisa aysan cidna garaneeyn meesha ay ku danbeeyneeyso. Micheal wuxuu yiri yaa og meesha xaalada qof kastaaba ku danbeeyneeyso. Wuxuu yiri nolashu ma ahan inta bari ee aad nooshahay ee waa inta bari ee  aad wax qabatay. Waxaa Micheal soo wacay hooyadii oo rabta in ay ogaato wuxuu taqtarka kala kulmay. Micheal wuxuu ku yiri hooyadii taqtarku wuxuu yiri wax walba wey wanaag-sanaan doonaan.

Xasan Yuusufwaal
hassaneksaato@hotmail.com
Xigasho: Goalcast (youtube)


Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c