Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal
Ma la ama-kaagtay
madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca
dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii
maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa
ma’aha, waa weydiimo wareer-galiyay
culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta
samaha jecel ee soomaaliyeed.
Marka la qeexo dhibka ama laga
faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu
fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee
Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan
ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba
wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’
a kudhisan (ideological subversion).
Bal marka hore aaynu fahano
aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri
Besminoof ka yiri. Yuuri Besminoof wuxuu ahaa suxufi iyo jaajuus u shaqeeya
hey’addii sirdoonka Midowga Soofiyeeti ee loo yaqaano KGB. Yuuri 1970kii ayuu
ka baxsaday Midowgii Soofiyeeti una galay Reer Galbeedka.
“Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan
(Ideological Subversion) waa sidda iyada oo xogta iyo xaqiiqdu taal runta looga
dhigo waxaan raad lahayn, qofka uusan u damqeeyn in uu difaaco danaha dalkiisa, iyo dadkiisa” ayuu yiri
Yuuri Besminoof.
Sidda Yuuri qabo Majaxaabinta
Mabda’ a Kudhisan (ideological
subversion) waa hab loogu tala galay in si gucle-orad ah loo socod siiyo. Wuxuu
u qaybiyay afar heer:
1) Niyad-jabin: waa heerka koowaad wuxuu
qaataa 15 ilaa 20 sano inta u dhaxeeysa. Waa xiliga ugu yare ee jiil wax la
bari karo. Dadka waxaa laga soo galaa dhanka waxbarashada, warfaafinta iyo
dhaqanka.
2) Qalqal-galin: waa heerka labaad wuxuu
qaataa 2 ilaa 5 sano. Waxaa yoolka la saaraa, si loo wiiqo, siyaasada,
dhaqaalaha, caafmaadka iyo difaaca dalka.
3) Xiisad-abuur: heerkan wuxuu qaataa 6
sitimaan. Waa faragalin wadata rabshado, tusaale; madaxweyne xoog xilka looga
tuuro.
4) Xaalad-dejin: heerkan waqti go’an
maleh. Kuwii cadawga keenay oo la laayo/ama hawl-gab laga dhigo. Kuwa cusub oo
dadka ku wacdiya in xaaladu degan tahay. Barwaaqo beena oo dadka loo balan
qaado iwm.
“Waxaa na haysta faragalin
shisheeye oo runtii muddooyinkii ay dawladdii naga burburtay ka dib caado
noqotay bacdamaa aan tabar darnaanay in cid walbaa isku daydo waxay ka heli
karto ama saameen ama dhaqaale ama danne kale in ay Soomaaliya fara-gashato.
Taasna haddii ay ku heshiin lahaayeen in ay Soomaaliya istaagto waxba maba
ahaateenee iyaga dhexdooda ayaa isku
diiddaaya. Maxaa yeelay midba wuxuu rabaa midka kale in uu ka saameeyn bato”
ayuu yiri dhawaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi.
Wax horey u dhacay ma’aha in
madaxweyne soomaaliyeed fagaare ka cadeeyo in waxa dalku ka degi la’yahay ay
tahay faragalinta qaawan ee shisheeye. Iyada oo aan meel la iska dhigeen
saamiga mushkiladeed ee siyaasiyiinta soomaalida haddana waa muhim in naqdi
gude-qodan laga sameeyo faragalinta noocyada badan ee shisheeyaha.
Dalkeena waxaa lagu dumiyay,
illaa iyo haddana la dunsan yahay Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan (ideological subversion). Waxaa la
inoo keenay mabaa'dii dool ah oo kala duwan;kuwo dhaqaale, siyaasad iyo diin.
Mabaadiidaasu waxay had iyo goor isdii-danaayeen danaha iyo hab-dhaqanka
bulshada soomaaliyeed.
Maadaama dalkeenu hodan yahay,
meel muhim ahna ku yaal(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya), waxaa
qasab noqotay in cadawga iyo qoladii dantooda naga fushankari weydo ay inoo isticmaalaan aragtida Majaxaabinta
Mabda’ a Kudhisan (ideological
subversion).
Tusaale heerka koowaad ee
Niyad-jebinta; midda waxbarashada-manaahij badan oo dool ah ayaa dalkii la
keenay. Waxaa la abuuray jiil la jecleesiiyay danaha doolka ah. Tan warbaahinta
wax xun ma’ahee wanaag dalkeena lagama sheego(wax badan oo wanaag ah ayaa
dalkeena ka jira). Dhanka kale halkii warbaahinta soomaalida ay ku mashquuli
lahaayeen wacyi-galin iyo wanaag-abuur waxay ku mashquulsan yihiin ama u kala
safteen danaha isdiidan. Waa ayaan daro!
Qalqal-galinta iyo xiisad-abuurku
waa dareerto. Midda ugu daran waa heerka
Xaalad-dejinta ama heerka 4aad: markii
kuwa lagu shaqeeystay laga taqaluso, xaaladoo xuna laga dhigo mis xasiloon.
Geed baa waxuu yiri “Gudineey
haddaan gabalkeey kugu jirin imaadan gooyseen”. Faragalinta iyo adoonsiga cusub
waxaa si toos ah iyo si dadbanba ugu
adeega dad soomaaliyeed. Waxaa iska cad marnabana aan laga waantoobin
dibin-daabyada daneestayaasha shisheeye. Waxaa xaqiiq ah in aan marnaba la’
iswaafajin karin danaha isdiidan ee kala ah; damaca siyaasiyiinta soomaalida,
danaha dalka iyo danaha kala duwan ee shisheeyaha. UAE, TPLF iyo Kenya waxa ay bilaabeen horaantii 90maadka carbinta dad Soomaaliyeed oo ka shaqeeya danahooda oo ku qotama dhaqaale iyo dhulbalaarsi.
Ma qabo in qorshahoodu ahaa; AUN
madaxweynihii DFS Cabdulaahi Yuusuf, in uu rabay in Itoobiyaan qabsado qayb
kastoo dalka iyo dadka ah, in AUN Jenaraal
Maxamed Faarax Caydiid rabay in
soomaali qabiil qabiil isku layso iyo in AUN madaxweynihii dawlada iskeed isu
magacoowday ee Soomalilaandh Maxamed Ibraahim Cigaal rabay in qarankii la qaybiyo. Taageeradii ay
ka heleen gacmaha shisheeye ma aheen mid
dan u ah damacooda siyaasadeed iyo danaha dalka balse waxa ay dan u
ahayd danaha shisheeye oo sal looga dhigay Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan (ideological subversion). Madaxda aan
soo sheegay dhamaan waxa ay u hawo iyo han qabeen hogaaminta qaran soomaaliyeed
oo ka madax-banaan faragalin shisheeye.
Gabagabadii, Majaxaabinta Mabda’
a Kudhisan (ideological subversion) waa
nidaam lagu duleeystay dadka soomaaliyeed una baahan in lagarto. Siddaa darteed
soo ma haboona inta ay goori goor tahay, in siyaasiyiinta soomaalida ee sebenka
aysan u huleelin hilinkii kol hore lagu hungoobay. Soomaaliya soomaali baa leh.
Comments
Post a Comment