Skip to main content
Ma Ku Dayanaa? Mo Farah-Double Olympic champion
Qore: Xasan Yuusuf Waal


M
a Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal aan had iyo goor ku eeggo arimaha quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan waxaan ku eegayaa orad-yahanka caanka ah ee Maxamed Faarax.

Maxamed wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay oo Biritish ah oo ku guuleeysta bilida dahabka ee oradka Olambiga  10ka kun afartii bishan Agoosto 2012ka. Maxamed wuxuu wareegii ugu danbeeyay asagoo sidii shabeelkii u talaabo-qaadaya, bar barka ka dhaafay libaaxyadii reer Itoobiya, Ilmo Bekeele.

Goobtii Olambiga waxaa gilgilay gariir iyo sawaxan sidii sawaariiq la ganayo. “ waxaa i caawiyay taageerada iyo guuxii reer London” ayuu yiri Maxamed. Oradkaan wuxuu ahaa  mid dalka  Biriten oo dhan si gooni ah looga xiiseenayay.

Sidoo kale, Maxamed asagoo ahaa horyaalka oradka 5ta kun ee aduunka, ayuu Sabtidii bisha Agoosto 11 keeda wuxuu ku guuleeystay orodka 5ta kun ee Olambiga. Waa dhacdo ugub ah.   Orodkaan looguma tagi jirin wiilasha Bariga Afrika.

Oradkii ka bacdi, Maxamed wuxuu yiri “ waxaan idin leeyahay qofkasta wuu sameeyn karaa waxaa aan sameeyay” wuxuu raaciyay “waxaa kaa xigta oo kaliya dadaal iyo hawl-karnimo”.

Maxamed wuxuu ku dhashay Muqdisha sanadkii 1983dii. Wuxuu dalka Ingiriiska yimid asagoo sideed jir ah. Sida ku dhacda caruurta qaxootiga Soomaalida, Maxamed wuxuu la xarbiyay la qabsiga iskuulka iyada oo ay ugu wacneeyd acaqabad xaga luuqada Ingiriisiga iyo bey’adoo ku cusbeeyd.

Nasiib-wanaag, macalinkiisii ciyaaraha iyo jirdhiska Alann Watkinson, ayaa wuxuu gartay in maxamed ku fiican yahay oradka, isla markaana hagay, gacana siiyay.  Sidoo kale,  Maxamed wuxuu taakulo iyo dhiirigalin ka helay waalidkiis.

Intaa waxaa dheer, Maxamed wuxuu dhigay  taariiq, markii u noqday sanadkii 2010ka qofkii ugu horeeyay ee Biritish ah ee  qaada bilada dahabka ee ordaka Yurub. Wuxuu kaloo Maxamed heystaa dhowr rikoor oo kala ah : 10ka kun ee Yurub, 10ka kun ee Biriten, 5ta kun ee Yurub iyo Biriten, 3da kun ee Biriten iyo waliba maaratoonka barka ah ee Biriten.

Sanadkii tegay, oradka horyaalnimada aduunka ee lagu qabtay Soot kuuriya, Maxamed wuxuu la hoyday bilada dahabka ee 5ta kun iyo bilida qalinka ee 10ka kun.

Guusha uu soo hoyay Maxamed waa mid dadka Biritishka ay aad ugu farxeen una riyaaqeen. Sidoo kale, waxaa aad ugu farxay Soomaalida  meel kasta ay joogaan.  Waxay kusoo beegantay xili wadanka Biriten, nacaybka loo qabo dadka ajnabiga qaasatan Muslimka ay sii kordheeyso.

Hasa yeeshee, dhacdadaan waxay daahfur u tahay doodii wada-noolaanshaha iyadoo lakala dhaqan duwan yahay (multiculturalism). Waxay kaloo marqaati u tahay, in Soomaalida si ruclo- orad ah horumar u samayneeyso iyo in ay  leeyihiin han,  doonayaana in ummada wax la qaybsadaan.

Inta uusan bilaaban Olambiga, Maxamed wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee ku guulaysta barnaamij- cayaareedka The Cube, ee kasoo gala ITVga  Waxaa halkaa lagu gudoon siiyay Maxamed lacag dhan 250kun oo geniga istarliinka ah. Wuxuu lacagtaa ugu deeqay dadka Soomaalida ee dhibaateeysan.

Hadaba maxaa lagaga dayan karaa Maxamed?  Waxaa lagaga dayankaraa arimo dhowr ah:, kartida qofka oo lagu ogaado yaraanta, qof ku haga ama ku caawiya iyo  dadaalka shaqsiga .

Albert Einstein (great physicist) wuxuu yiri “cunug kasta wuxuu ku dhashaa aqli-badni”.  Cunug kasta wuxuu noqon karaa wax kasta oo suuroobi-kara. Intaa waxaa dheer, qof kasta Illaah wuxuu siiyay karti u gooni ah. Maxamed wuxuu jeclaa kubada cagta iyo in uu mar un u ciyaaro naadiga Arsenal. Hasa yeeshee , macalinkiisii ayaa wuxuu ogaaday in Maxamed oradka kaga fiican yahay kubada cagta.

Waa lagama-maarmaan in la jiheeyo, taageerana lala daba taagnaado dhalinta. Waxaa suurta gal ah in cunugii oo karti leh  waxba uu noqon waayo. Sababtu waa dhiirigalin la’aan iyo dhaqaaleeyn la’aan. Maxamed waxaa jiheeyay macalinkiisii, waxaana gacan qabtay waalidkiis.

Horumar-gaarida waxaa lagu qeexaa waa guul dareerto ah oo aad ka gaartay hadafyo kuu dagsanaa.  Ka guul-gaarida waxa aad rabtid waa geeddi-socod. Heer kasta oo aad joogtidna  waan in aad qiimeeysaa si aad u ogaatid waxa aad qaladay ama aad qabsatay.

Maxamed asagoo jira 18 sano, ayuu go’aan saday in uu lanoo laado orad-yahano Keenyaati ah oo uu ku jiro xidigii hore ee oradka 5ta kun ee horyaalnimada  aduunka Benjamin limo, si uu wax uga barto.

Maxamed wuxuu yiri “  Oraddada keenyaatiga aad bay u dadaalaan. Wey cunaan, wey ordaan, we seexdaan”.

Wuxuu hadba heer soo maro, oradkii horyaalnimada aduunka ee lagu qabtay Baarliin sanadkii 2009ka, Maxamed wuxuu galay kaalinta 7aad. Markaa ka dib ayuu Maxamed weydiistay tababare Alberto Salazar, in uu tababaro.  

Tababare Salazar wuxuu siiyay Maxamed tababar aad u adag, asagoo u dhaxeeyay, laga soo bilaabo buuraha Faransiiska(French Pyrenees), buuraha Keenya ilaa magaalada Portland, Oregon(USA), halkaas oo uu wax ka baranaayay mashruuca Oregon(Oregon project). Mashruucan waxaa aas aasay Alberto Salazar. Wuxuuna u   aas aasay oo kaliya in lagu tababaro orad-yahanada Mareeykanka. Maxamed wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay oo aan Mareeykan ahayn ee ka qaybqaata mashruucan.

Guusha Maxamed  soo hoyay, waa mid jiilka hada jooga iyo kuwa imaan doonaba ay ku faanaan, dhiiragalina ka helaan. Ma ahan oo kaliya in ay tani daawo u tahay kuwa daneeynaya orodka ama ispoortiska, balse dhamaan dhalinta ku nool Biriten ee  higsanaysa makaan sare.

Waxaan filaayaa hadii geesiyada Soomaaliyeed Samsam  Maxamed heli lahayd fasiilaadka uu haysto Maxamed Farax, in ay qaadi lahayd tartanka orodka 400 ee Olambiga. Si kastaba ha ahaatee, Samsam aad beey u dadaashay, una dhiira galisay gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Hadaba waxaan u soo jeedinaayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha, qaasatan Reer Galbeedka, in ay ka faa’iideeystaan fursaddaha qaaliga ah ee ka jira wadamadaas. Waxaan dareen sanahay in 10kii sano ee ugu danbeeysay Soomaali badan isbadal kasameeysay xaga waxbarashada, dhaqaalaha iyo ka qabyqaadashada maamulka dawlada hoose.

Laakiin faanoole fara kama qodna! Waalid badan baa, caawin iska daayee, aan aqrin karin warqadaha caruurta loogu soo qoro. Waxaad qarsatid wey ku qarsadaan. In aad aad qof ku caawiya raadsatid maxuma. Laakiin waxaa ka fiican in aad ku fekertid in aad adiga is caawisid.

Waxaad isweydiisaan su’aalahan soo socda:

1.    Ma ku fekertay in cunugaagu qabto jagada ugu sareesa wadanka aad joogtid?-sida Obama
2.    Muxuu ku fiican yahay cunugaagu laga soo bilaabo markuu yahay afar jir?
3.    Ma maal galisaa caruurtaada?
4.    Ma ku dhiiragalisaa waxa uu jecelyahay ama ku fiican yahay?
5.    Hadii aadan adigu taag u hayn, ma raadisaa qof kale oo ku caawiya?
6.    Ma ogtahay, Interneetka awgiis, in adiga qudhaadu aad fa’iidaysan kartid si aad ugu faa’iideeysid caruurtaada?

Aynu ku dadaalno naftayna iyo kuwa caruurteeyna si aynu ula jaan qaadno qarniga kow iyo labaatanaad.


Qore: Xasan Yuusuf Waal
E-mail: hassaneksaato@hotmail.com



Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c