Skip to main content
Xalka hoose ayaa ka muhiimsan kan sare Qore: Xasan Yuusuf Waal

S
haki kuma jiro in arinta Soomaaliya ay ka guracan tahay  xaga baarka (gar-wadeenka). Hasa-yeeshee, xal u helista mushaakilaadka dadka iyo dalka heysta kuma koobna oo kaliya in la helo isbadal ka yimaada xaga sare.

Waxaa loo baahan yahay isbadal kasoo bilowda gunta hoose (grass roots level). Haddaba, dulucda dooddeeydu waa digniin guud ee ninowna ha dareemin in diirada adiga ku dul taal!

Bilihii ugu danbeeyay, waxaa ku soo qulqulaya gudaha dalka qaasatan magaalada Muqdisha, qurbo-joog aad u fara badan oo ku hubeeysan  kombuutarada gacanta (laptops), taleefano casri ah (smartphones) iyo magac-horgallayaal sida Dr, Ing, iyo Professor.

Wey fiican tahay in markastaba laga qayb qaato geedi-socodka nabada iyo dadaalada loogu jiro dib usoo nooleeynta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed.

Laakiin waxaa is-weydiin mudan, awoodan weyn ee hada la arkay, xagee awal jirtay? Mar walba waxaa aad loogu baahi qabay taqaatiir, macalimiin iyo injineero.

Sidoo kale, waa muhiim in la helo dad aqoon sare leh (technocrats) oo qabta jagooyinka sar sare. Hasa yeeshee, suurta gal ma’ahan in qofkasta yiraahdo ‘alleeylehe aan helo; xilibaan, agaasime, safiir, wasiir, generaal, ra’iisul wasaare ama madax-weyne’.

Proffessor Siciid Sh. Samatar ayaa dhawaan wuxuu yiri asagoo u jawaabaya nin ajnabi ah “ Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 10 malyuun, ma u heysaa 10 malyuun oo jago madaxweyne ah”. 

Dhanka kale, qaran la’aanta Soomaaliyeed waxay saameeyn weyn ku yeelatay xataa dadka qurbaha jooga, qaasatan reer galbeedka. Iyadoo wadamadaan dadkoodu horumarsan yihiin, marka la bar bar dhigo, quumiyaddaha kale ee la martigaliyay, Soomaalida  dhan kasta  wey ay ka liitaan. Tirada dhalinyarada xabsiyada loo taxaabayo oo sii badanaysa, iyo dhibaatooyin kale oo aynaan horay u arki jirin oo dadka soo food saaray.

Waxaa ugu  wacan, wax-garadkoodii oo gabay. Iyo iyadoo aysan jirin isku-xirnaan dadka ah (community cohesion).  

Bulshada horumartay kuma tiirsana oo kaliya taageerada ay ka hellaan dawladahooda. Dawlada waxaa gacan siiya dad iyo ururo bulsho oo ku shaqeeya; tabarucaad, iskaashi iyo iskaa-wax u qabso.

Ururradaan waxay cilmi baaris kusameeyaan isbadalka bulshada iyo bey’ada. Isla markaasna, waxay raadiyaan xal waara iyagoo adeegsanaya aqoonta ay u leeyihiin dhaqanka bulshadaas. Waxay marar badan bulshada uga soo dhiciyaan xaqooda dawlada iyo ganacsatada muruqa weyn leh.

Macna ma sameeyneeyso in aad wadatid magac-horgallaha ‘AQOONYAHAN’, hadii aadan isbadal sameeyn karin.

Ma ahan,had iyo goor, in la dhowro kor. Ma ahan in aan sugno inta laga helayo dawlad dhexe oo si fiican u shaqeeysa. Ma ahan in qofkasta raadiyo jagada ugu sareeysa.  Ma ahan in aan dad shisheeye ka sugno xal daweeya dadkeena.

Isbadalka  ama faragalinta waa in laga bilaabo unuga ugu hooseeyo ee bulshada-qoyska. Markaas ka dib lagu xijiyo dariska iyo xaafada ama dhul kale oo fog. Tiisa daryeelaa tu kale daryeela.

Ma ahan aqristoow in aan lee yahay ma jiraan wax-garad ku howlan arimaha aan kor ku xusay.  Waxaa jira dad aan  badneeyn, oo si geesinimo ku dheehan tahay ummada  wax ugu  qabta dal iyo dibadba.

Waxaa dadkaas ka mid ah mudane Cabdicasiis Maaxeey, -SOMCARE, oo kudayasho mudan, waxa uu qabtayna eeysan jirin wax goyn kara. Cabdicasiis wuxuu ka mid yahay qurbo-joogta ku nool wadanka Mareeykanka.

Cabdicasiis wuxuu geeyay Mareykanka caruur badan oo caafimaadkooda halis ku jirtay. Sidoo kale wuxuu si fiican uga qayb qaatay gurmadkii abaarihii dhawaan dalka aafeeyay.  Wuxuu taageero iyo deeq ka helaa dadka Soomaaliyeed. Qorshahiisuna wuxuu ku saleesan yahay ‘isku tasho marka hore’( bottom up approach).

Maantay oo taariiqdu tahay 28kii Agoosto sanadka 2012, ayaa magaalada Muqdisho, baarlamaan ay u badan yihiin dad aqoon yahano ah ay u  doorteen Prof. Maxamed Cismaan Jawaari afhayeenka baarlamaanka.

Waxaan noo muuqato  ififaalo ah in nabadii iyo xasiloonidii ay si ruclo-orod ah usoo noqoneeyso.  Waa arin ugub ah. Mudo ku dhow rubuc qarni, waa markii kowaad oo aan gudaha wadanka isku doorano. Tan kale, waa markii ugu horeeysay oo ay aqoon-yahano soo buux -dhaafshaan baarlamaanka.

Haddaba, howlaha dib u dhiska wadanka aad ayay u baaxad-weyn yihiin. Sidaa awgeeyd, waa in aan sideedaba lagu fakarin jago iyo jeeb midna. Waa in xiligaan laga faa’iido raasumaal daddeedka qurba joogta.  Qurba joogtuna wey soo arkeen ciil dawladnimo.

Waa in laga soo bilaabo faragalinta baadiyaha iyo tuulooyinka. Waxaan aragnaa tabarucayaal ajnabi ah oo gudaha wadan ka shaqeeya. Markaa marmarsiinyo meesha ma taal.

Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com


Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...

The black stuff is a catalyst for Somalia’s economic aspirations

By HASSAN YUUSUFWAAL Many studies point out that Somalia has oil and gas reserves in both onshore and offshore worth extracting. At a conservative estimate, offshore deposits could stand at over 100 billion barrels. Agip (now known as Eni) and Sinclair Oil Corporation started the oil exploration in Somalia in 1950s. From then on   a number of major oil companies were given licences to further explore. These efforts were disrupted as Somalia plunged into civil war in 1991.  However, the recent oil discoveries in Mozambique and Tanzania and a new seismic data collected from offshore Somalia by the seismic services company Spectrum has brought an influx of oil companies into Somalia. Companies lured into these new developments include Shell and ExxonMobil who held exploration concessions before the collapse of Siad Barre’s regime in 1991. They declared force majeure ( when contractual obligations are not met due to disruptive events ) after the country descend...