Xalka hoose ayaa ka muhiimsan kan sare Qore: Xasan Yuusuf Waal
S
|
haki kuma jiro in arinta Soomaaliya ay ka guracan tahay xaga baarka (gar-wadeenka). Hasa-yeeshee, xal u helista mushaakilaadka dadka iyo dalka heysta kuma koobna oo kaliya in la helo isbadal ka yimaada xaga sare.
Waxaa loo baahan yahay isbadal kasoo bilowda gunta hoose (grass roots level). Haddaba, dulucda dooddeeydu waa digniin guud ee ninowna ha dareemin in diirada adiga ku dul taal!
Bilihii ugu danbeeyay, waxaa ku soo qulqulaya gudaha dalka qaasatan magaalada Muqdisha, qurbo-joog aad u fara badan oo ku hubeeysan kombuutarada gacanta (laptops), taleefano casri ah (smartphones) iyo magac-horgallayaal sida Dr, Ing, iyo Professor.
Wey fiican tahay in markastaba laga qayb qaato geedi-socodka nabada iyo dadaalada loogu jiro dib usoo nooleeynta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed.
Laakiin waxaa is-weydiin mudan, awoodan weyn ee hada la arkay, xagee awal jirtay? Mar walba waxaa aad loogu baahi qabay taqaatiir, macalimiin iyo injineero.
Sidoo kale, waa muhiim in la helo dad aqoon sare leh (technocrats) oo qabta jagooyinka sar sare. Hasa yeeshee, suurta gal ma’ahan in qofkasta yiraahdo ‘alleeylehe aan helo; xilibaan, agaasime, safiir, wasiir, generaal, ra’iisul wasaare ama madax-weyne’.
Proffessor Siciid Sh. Samatar ayaa dhawaan wuxuu yiri asagoo u jawaabaya nin ajnabi ah “ Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 10 malyuun, ma u heysaa 10 malyuun oo jago madaxweyne ah”.
Dhanka kale, qaran la’aanta Soomaaliyeed waxay saameeyn weyn ku yeelatay xataa dadka qurbaha jooga, qaasatan reer galbeedka. Iyadoo wadamadaan dadkoodu horumarsan yihiin, marka la bar bar dhigo, quumiyaddaha kale ee la martigaliyay, Soomaalida dhan kasta wey ay ka liitaan. Tirada dhalinyarada xabsiyada loo taxaabayo oo sii badanaysa, iyo dhibaatooyin kale oo aynaan horay u arki jirin oo dadka soo food saaray.
Waxaa ugu wacan, wax-garadkoodii oo gabay. Iyo iyadoo aysan jirin isku-xirnaan dadka ah (community cohesion).
Bulshada horumartay kuma tiirsana oo kaliya taageerada ay ka hellaan dawladahooda. Dawlada waxaa gacan siiya dad iyo ururo bulsho oo ku shaqeeya; tabarucaad, iskaashi iyo iskaa-wax u qabso.
Ururradaan waxay cilmi baaris kusameeyaan isbadalka bulshada iyo bey’ada. Isla markaasna, waxay raadiyaan xal waara iyagoo adeegsanaya aqoonta ay u leeyihiin dhaqanka bulshadaas. Waxay marar badan bulshada uga soo dhiciyaan xaqooda dawlada iyo ganacsatada muruqa weyn leh.
Macna ma sameeyneeyso in aad wadatid magac-horgallaha ‘AQOONYAHAN’, hadii aadan isbadal sameeyn karin.
Ma ahan,had iyo goor, in la dhowro kor. Ma ahan in aan sugno inta laga helayo dawlad dhexe oo si fiican u shaqeeysa. Ma ahan in qofkasta raadiyo jagada ugu sareeysa. Ma ahan in aan dad shisheeye ka sugno xal daweeya dadkeena.
Isbadalka ama faragalinta waa in laga bilaabo unuga ugu hooseeyo ee bulshada-qoyska. Markaas ka dib lagu xijiyo dariska iyo xaafada ama dhul kale oo fog. Tiisa daryeelaa tu kale daryeela.
Ma ahan aqristoow in aan lee yahay ma jiraan wax-garad ku howlan arimaha aan kor ku xusay. Waxaa jira dad aan badneeyn, oo si geesinimo ku dheehan tahay ummada wax ugu qabta dal iyo dibadba.
Waxaa dadkaas ka mid ah mudane Cabdicasiis Maaxeey, -SOMCARE, oo kudayasho mudan, waxa uu qabtayna eeysan jirin wax goyn kara. Cabdicasiis wuxuu ka mid yahay qurbo-joogta ku nool wadanka Mareeykanka.
Cabdicasiis wuxuu geeyay Mareykanka caruur badan oo caafimaadkooda halis ku jirtay. Sidoo kale wuxuu si fiican uga qayb qaatay gurmadkii abaarihii dhawaan dalka aafeeyay. Wuxuu taageero iyo deeq ka helaa dadka Soomaaliyeed. Qorshahiisuna wuxuu ku saleesan yahay ‘isku tasho marka hore’( bottom up approach).
Maantay oo taariiqdu tahay 28kii Agoosto sanadka 2012, ayaa magaalada Muqdisho, baarlamaan ay u badan yihiin dad aqoon yahano ah ay u doorteen Prof. Maxamed Cismaan Jawaari afhayeenka baarlamaanka.
Waxaan noo muuqato ififaalo ah in nabadii iyo xasiloonidii ay si ruclo-orod ah usoo noqoneeyso. Waa arin ugub ah. Mudo ku dhow rubuc qarni, waa markii kowaad oo aan gudaha wadanka isku doorano. Tan kale, waa markii ugu horeeysay oo ay aqoon-yahano soo buux -dhaafshaan baarlamaanka.
Haddaba, howlaha dib u dhiska wadanka aad ayay u baaxad-weyn yihiin. Sidaa awgeeyd, waa in aan sideedaba lagu fakarin jago iyo jeeb midna. Waa in xiligaan laga faa’iido raasumaal daddeedka qurba joogta. Qurba joogtuna wey soo arkeen ciil dawladnimo.
Waa in laga soo bilaabo faragalinta baadiyaha iyo tuulooyinka. Waxaan aragnaa tabarucayaal ajnabi ah oo gudaha wadan ka shaqeeya. Markaa marmarsiinyo meesha ma taal.
Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com
Comments
Post a Comment