Skip to main content
Maxaa kala qabsadday Wax-garad iyo Wax-matare! Dood gaaban
Qore: Xasan Yuusuf Waal


Waa dood ka turjumeeysa afkaarta la isweydaarsado sebenkaan jahliga iyo jahwareerka ee Soomaaliddu ku jirto. Alle mahadii, bulshadii wey bislaatay. Wax-garadkii wuu baraarugay. Beesha caalamkana wey soo gurmatay.


Wax- matare: Wax-garad, markii xaajo xumeeyd xagee jirtay?
Wax-garad: Sahan iyo socod dheer kabacdi, saakaan soo dhacay.
Wax-matare: Reerkaa degay, durdurkaa iyo doogaa cagaaran
                         in aad dul  is taagtid oo aad durbaan garaacdid
                        ma dowbaa?
Wax-garad: Wax-matare, tan tii Alleey ku timiddee, la’maadan
                       tiigsan  taag iyo talo taa ah.
Wax-matare: War aan kusiiyo iyo weedh waadaxa.
Faan rag camalkiis maa hee,
hiil iyo wax-hurid waa ii hido.
Halyeey hashiisna looma hawoodo.
Waa gaduuto, waxaan  wajahaa weerar iyo
wiilashaas warmaha watee.
Wadna waan u simanahay iyo wadaddii siraad.
Nin ba cayn loo saaryee, cadee codkaaga.
Wax-garad: Waxay ila tahay iyo inta aanan talo kutaabsiin
                       aan kuu tuurgooyo  wax reer Tunweyne ku tashadeen.
                      In laba la isuqaybiyoo, bar abaadhto baladka iyo
                      bucsharo, barbaatuna buuga qaadato,
                      baaqigana bilaa dhib beeraha fashaan.
Wax-matare: Balaayo aan reer Tunweyne ahayn baladka ma taal.
Wax-garad:  Inta aan tolbeelay lahaynbaa, dadkii kale tanaadeen.
                       Buunka aan qaato, dadkeyga waan u baqayaayee.
Dadkaygoow, aan ku dayano kuwa daddaala ee
darsa diin  iyo maadi.
Ka doorbida  dood, duulaan iyo dirir aan dhamaan.
Doona midnimo iyo inay isku dumaan dadkooda.
Dareema ee daryeela dan yarta iyo dadweynaha.
Danqada ee diida dulmi iyo dulinimo.
Ka digtoon  dabar iyo  dib udhac.
La dagaalama daneyste iyo dabadhilif.
Dugsada  duqayda, nin doorka, dumarka iyo da’yarta.
Higsada  duundheer iyo inay deggaan dayaxa.
Wax-matare: Dayax….la dagaalama danayste…..gaalo…
                         afkaa waa   Afgaalo.
Wax-garad: Waraabeey iswaheshadaan, neef raxantii ka gaabiyay.

Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c