Skip to main content
Maxaa kala qabsadday Wax-garad iyo Wax-matare! Dood gaaban
Qore: Xasan Yuusuf Waal


Waa dood ka turjumeeysa afkaarta la isweydaarsado sebenkaan jahliga iyo jahwareerka ee Soomaaliddu ku jirto. Alle mahadii, bulshadii wey bislaatay. Wax-garadkii wuu baraarugay. Beesha caalamkana wey soo gurmatay.


Wax- matare: Wax-garad, markii xaajo xumeeyd xagee jirtay?
Wax-garad: Sahan iyo socod dheer kabacdi, saakaan soo dhacay.
Wax-matare: Reerkaa degay, durdurkaa iyo doogaa cagaaran
                         in aad dul  is taagtid oo aad durbaan garaacdid
                        ma dowbaa?
Wax-garad: Wax-matare, tan tii Alleey ku timiddee, la’maadan
                       tiigsan  taag iyo talo taa ah.
Wax-matare: War aan kusiiyo iyo weedh waadaxa.
Faan rag camalkiis maa hee,
hiil iyo wax-hurid waa ii hido.
Halyeey hashiisna looma hawoodo.
Waa gaduuto, waxaan  wajahaa weerar iyo
wiilashaas warmaha watee.
Wadna waan u simanahay iyo wadaddii siraad.
Nin ba cayn loo saaryee, cadee codkaaga.
Wax-garad: Waxay ila tahay iyo inta aanan talo kutaabsiin
                       aan kuu tuurgooyo  wax reer Tunweyne ku tashadeen.
                      In laba la isuqaybiyoo, bar abaadhto baladka iyo
                      bucsharo, barbaatuna buuga qaadato,
                      baaqigana bilaa dhib beeraha fashaan.
Wax-matare: Balaayo aan reer Tunweyne ahayn baladka ma taal.
Wax-garad:  Inta aan tolbeelay lahaynbaa, dadkii kale tanaadeen.
                       Buunka aan qaato, dadkeyga waan u baqayaayee.
Dadkaygoow, aan ku dayano kuwa daddaala ee
darsa diin  iyo maadi.
Ka doorbida  dood, duulaan iyo dirir aan dhamaan.
Doona midnimo iyo inay isku dumaan dadkooda.
Dareema ee daryeela dan yarta iyo dadweynaha.
Danqada ee diida dulmi iyo dulinimo.
Ka digtoon  dabar iyo  dib udhac.
La dagaalama daneyste iyo dabadhilif.
Dugsada  duqayda, nin doorka, dumarka iyo da’yarta.
Higsada  duundheer iyo inay deggaan dayaxa.
Wax-matare: Dayax….la dagaalama danayste…..gaalo…
                         afkaa waa   Afgaalo.
Wax-garad: Waraabeey iswaheshadaan, neef raxantii ka gaabiyay.

Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Qudbadii aan ka jeediyay kulankii baroor-diiqda dadkii ku le'day qaraxii Zoobe

Gorfeyn Gaaban: Shanta qodob ee kor u qaaday khudbadii Farmaajo W/Q Xasan Yuusuf Waal

1.    In doorasho qof iyo cod ah ay dhacayso xilligii loo asteeyayna ku dhacayso Madaxweynuhu wuxuu yiri dawladaan waa DAWLAD SHACAB maxaa yeelay waxaan awoodii dib ugu soo celinay shacabka 50 sano kadib si ay u doortaan xisbiga iyo dawlada ay doonayaan. Haddalkaan wuxuu kor u laalay tuhunkii ahaa in uusan rabin in doorasho dhacdo xilligii loo mudaysnaa. Wuxuu faray Golayaasha iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka in ay dardar-galiyaan qabsoomida doorashada. Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in Soomaaliya laga caawiyo siddii ay u dhici lahayd doorasho cid kastaa ku kalsoon tahay. FG. Dawlad Shacab waa haddal-hays kale. Waa kalmad laga soo fekeray sidda Nabad iyo Nolol, Siyaasiyiinta Xanaaqsan iwm. Waxaa kaloo weheliya wuu “ dhamaaday xilligii kuraasta dhiiga lagu raadin jiray ”. 2.    In gorgortan aysan ka galayn qaranimada iyo middnimada soomaaliyeed Haddalkaani wuxuu madaxweynaha soo qaaday mar uu ka hadlayay siyaasada dibeda. Waa hadda...
Warcelinta dawlada ee wareejinta Qalbidhagax ma dhabaa mise  dheel dheel! W/Q Xasan Yuusuf  Waal Waa arin xanuun galisay malaayiin Soomaali ah in mid kamid ah geesiyaashii dagaalkii 77 loo gacan galiyo dawlada Itoobiya iyada oo aanan sharciga lagu qaadin ama xeer la’ogyahay lamarsiin.  Bal qiirada aan meel yara qotomiyo una soo jeesto jawaabaha mas’uulinyiinta dawlada ka bixiyeen  ilaa hadda arintaan ugubka ah. Barnaamijka bilaha ah Maqal Dadkaaga oo ay dawlada ugu talo gashay in ay kusoo bandhigto wax qabadkeeda saxaafaduna su’aalo ka weeydiiso ayaa si lama filaana su’aal waxaa weydiiyay dawlada wariye ka socda Aljazeera.   Sidan soo socoto ayay weydiintii iyo warcelintii u dhacday: Wariye Jaamac: “ Ururka ONLF wuxuu soo saaray bayaan saxafi ah oo uu sheegayo in nin   Sheekh Cabdikariin Muuse la yiraahdo laga soo qabtay Gaalkacyo, Cadaado la keenay, Muqdisho la keenay Itoobiyo lagu wareejiyay. Waxaaneey leeyihiin dawlada Soomaaliyaa w...