Skip to main content
Ma Ku Dayanaa? Magan Daahir iyo Tartanka Baralambiga
Qore: Xasan Yuusuf Waal

W
aa markale iyo Ma Ku Dayanaa? Ma Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal aan had iyo goor ku eeggo arimaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan waxaan ku eegayaa mucjisadda kubadda miiska Magan Daahir iyo muhiimadda tartanka dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn ee Baralambiga.

Waxaa lagu soo gabogabaynayaa   dalka Biriten tartanka afar-sanadlaha ee Baralambiga.  Tartankan waxaa asalkiisii bilaabay  taqtarka cudurada dareemayaasha Sir Ludwig Guttmann sanaddii 1948dii. Wuxuu soo abaabulay tartan ,dhexmaray dhowr iyo afartan ciyaartooy oo ah dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn,  oo ka dhacay rugta caafimaadka ee Stoke Mandeville ee  ku  taala dalka Biriten.

Maantayna  waxaa ka soo qayb galay 150 wadan iyo 4200 oo ciyaartooy oo ku tartamaya 20 nooc oo ciyaaro kala duwana.

Tartankaan wuxuu xambaarsan yahay ahmiyad weyn marka la bar bar dhigo tartanka Olambiga. Iyadoo ay wali dhamaan cunsurinimada iyo gees galinta  lagu hayo dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn, hadana  munaasabada tartankaan waxay kalsooni-galisay,soona jiidatay   ciyaartooy  badan iyo mushtamaca guud ahaan.

Waxay kaloo  ka tarjumeeysa dagaalka dheer ee lala galay aaminsanaanta qaldan. Waxaad ka dareemeysaa wajiyada kasoo-qaybgalayaasha farxad, qiiro iyo fajac.

Wax yaabo badan oo ay  ciyaartooydan  sameeynayaan  ma sameeyn karaan  dad badan oo lixaadkoodu dhameeys tiran yahay. Ciyaartooydaan oo markii horeba Alle karti siiyay, ayaa waxay ku dareen dadaal iyo hawl-karnimo.  Waxaa ciyaar yahanadaas ka mid ah Magan Daahir oo loo yaqaan mucjisada kubadda miiska.

Magan Daahir  wuxuu ilaa heer caalami guulo waa weyn kasoo hoyay ciyaarta kubadda miiska ama table teniska asagoo u ciyaarayay xulka wadanka Holland. Magan wuxuu sanaddii 1992 beelay socodka iyada oo ay sabab u ahayd dhaawac kasoo gaaray madfac ku soo dhacay gurigoodii oo ku yaalay magaalada Muqdisha.

Magan iyo reerkoodii waxay u hayaameen Yurub, iyagoo wadanka Holland weydiistay magangelyo. Iyadoo ay Magan maskaxdiisa ka guuxaysay talo uu siiyay taqtarkiisii magaalada Muqdisha oo ahayd, in niyad xumo curyaamiso iyo in uu ka fakaro horusocod iyo horumar, ayaa Magan wuxuu bilaabay ku dadaalista ciyaarta kubadda miiska.

Magan wuxuu dhawaan ka fariistay ciyaarta kubadda miiska. Magan wuxuu biladiisii ugu horeeysay ku guulaystay sanadkii 1996dii. Ka dib Magan wuxuu hantay 20 biladood oo caalami ah iyo 50 biladood oo uu ka qaatay wadanka Holland gudihiisa.

Markii uu ka fariistay ciyaaraha, Magan wuxuu u istaagay in uu sameeyo isbadal gaar ahaan isboortiska iyo dhiirigalinta dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn. Wuxuu hadda  hawl wacyi-galineeyd u joogaa dalka Biriten isaga oo isla markaasna ka qayb galaya tartanka Baralambiga.

Haddaba maxaan kaga dayan karnaa Magan Daahir? Waxaan ku soo koobayaa sadex arimood: taageeradda waalidkiis, isku-kalsoonaantiisa iyo hawl-karnimadiisa iyo samafalkiisa.

In aad beeshid lixaadaadda waa amar Alle oo ay dadku ku dhashaan ama ku dhaca.  Khayr iyo sharba, caruurta waxaa saameyn weyn ku leh guriga iyo deegaanka ku –hareersan. Magan waxaa la tacaalay waalidkiis gaar ahaan aabihiis Daahir Yuusuf. Markii amarka ku dhacay Magan, waalidkiis  umay arkin masiibo, balse waxay ku dadaaleeyn in uu noqdo xubin firfircoon oo bulshada kamid ah.

Takoorista iyo duleeynta caruurta  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn waxay ka bilaabataa inta badan guriga. Waxaa wax laga naxa ah in cunug aad dhashay, aaminsanaan qaldan awgeed, aad guriga ku haysid.

Magan oo dhawaan u waramayay laanta af-Soomaaliga ee VOAda ayaa wuxuu yiri “waxaan ka codsanayaa waalidka Soomaaliyeed in ay caruurta guryaha ka soo saaraan oo ay geeyaan munaasabadaha sida Baralambiga si ay u arkaan waxa dadka iyaga la midka ah ay sameenayaan”.

Magan markaa wuxuu la hadlaayay gar ahaan dadka Soomaalida ee qurbaha jooga ee heli kara fasiilaadka dadka gudaha jooga aysan heli karin.

Maantay wax yaabo badan ayaa suuroobi kara iyada oo ay sabab u tahay tiknoolajiyada casriga ah ee iska soo daba-dhacaysa. Oscar Pistorius oo ah nin u dhashay wadanka South Africa, waxaa u suurta gashay, asaga oo labada lugoodba go’antahay in uu la tartamo ciyaartooy lixaadoodu  dhameeystiran tahay.

Magan waxaa kalsooni galiyay taladii taqtarkiisii magaalada Muqdisha iyo degaanka cusub ee uu yimid. Magan oo waligiisba jeclaa isboortiska(wuxuu ka dhaxlay aabihiis) ayaa markii u yimid Hollan wuxuu ogaaday in uu noqon koro wuxuu waligiis ku riyoon jiray, xidig isboorti. Magan riyadiisii wey rumoowdey. In kastoo uu jeclaa in uu u ciyaari lahaa wadankiisa hooyo.

Kalsooni-galinta iyo dhisidda caruurta  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn waa in ay dhacdaa xili hore. Waa in laga bilaabo guriga inta aan loo gudbin banaanka. Aduunka horumaray, qofka lixaadiisu aysan dhameeystir neeyn waxba kagama duwana  qofka ay dhameeystiran tahay.

Waxay taa ku gaareen; wacyi-galin, la dagaalanka aaminsanaanta qaldan iyo sharci kasoo-saaris gaboodfalladda xuquuqda dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn.

Inksatoo ay san jirin xog rasmi ah, waxaa lagu qiyaasaa dadka Soomaalida ah ee lixaadoodu aan dhameeystir neeyn ilaa 500 000 oo qof(Fiiro Gaar ah: qeexida dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn waa lagu kala duwan yahay). Tiradana wey sii kodheeysaa maxaa yeelay ma jiro daryeel caafimaad oo tayo leh. Welina dagaalo ayaa wadanka ka jira.

Dadkaan is ka daa in ay la tartamaan qayrkoodee, waxay ku dhex noolaan la’ yihiin dadkoodii. Takoorista dadkaan , bulshadeena la iskulama yaabo. Waxaana ugu wacan jahliga.

Haddaba , waxaa loo baahan yahay in lagu daydo  dadka gartay in ummada simantahay. Waa in lagu camal-falo waxa diintu fareeyso(aqri suurada Cabasa).  

Marka ugu horeeysa waa in dadka la wacyi-galiyo iyada oo la istic maalayo noocyada kala duwan ee warbaahinta.  Waa in la abaaro waxa caadada noo ah oo ah magax-bixinta sida ileey, dhagoole iwm.

Waa in waalidku mas’uuliyada dheeraad ah iska saaro horumarinta caruurta  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn oo ay ugu horeeyso tusida in aysan ka duwaneeyn kuwa kale.

dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn ee jooga gudaha wadanka, waa in ay sameeyaan isku-tag ama ururo u dooda xuquuqdooda. Dawladaan cusub ee dhalaneeysa waa in ay mudnaan gaara siisaa dadkaan. Sharciyo adag oo deg deg ahna  ka soo saarto aaminsanaanta qaldan iyo cunsuriyeenta dadka  lixaadoodu aan dhameeystir neeyn.

Qore: Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c