Skip to main content
Fursaddaha iyo Caqabaddaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Qore: Xasan Yuusuf Waal

Maalintii Isniinta, horaantii todobaadkan, waxaa rumoowday saadaashii iyo kalsoonidii ay dad badan oo soomaaliyeed dul dhigeen xillibaanada cusub ee dalka.

Maalintaa,10kii  Sebteember 2012ka, waxay taariiqda ka gashay baal dahab ah, ka dib markii baarlamaanka cusub  si aqlabiyad leh ku doortay madaxweynaha cusub  mudane  Xasan Sheekh Maxamuud. Isla markaasna, madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si sharaf leh ugu dhawaaqay in si cadaalad leh looga guuleystay.

Tijaabadan culus waxaa ka horeeyay doorashadii  gar-wadeenka baarlamaanka, ruug cadaa Barafasoor Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Iyadoo ay siyaasaddu wajiyo badan tahay (dynamic), ayaa marar badan waxaa dhacda in dhinac la iska dhigo maslaxadda gaarka ah oo la door bido mas’uuliyad-qarameedka. Baarlamaankan cusub  wuxuu muujiyay hufnaan iyo shaqo-wanaag (professionalism).

Haddaba maxaa  qabsoomi kara  afarta sano ee soo socoto? Waxaan si kooban u eeggayaa fursaddaha iyo caqabaddaha horyaala hogaanka cusub ee wadanka.

Fursaddaha

Ummadda  Soomaaliyeed waxay ka daaleen darxumo iyo dib-udhac aan dhamaaneeyn. Heybad waxaad ku leedadahay dhulkaaga hooyo! Waxaa qurbaha lagu  arkay ciil iyo caro badan.  Dalkii,Qarnigan 21aad, ayaa cudur laga hortagi karo iyo gaajo dadkii u le’anayaan!

Sida ka muuqata natiijadii dorashadii dhawaan dhacday iyo  shacabka oo u soo dhaweeyay madaxweynaha cusub  si aan horey u dhicin sebenka jahliga iyo jahwareerka, ayaa waxaa  markaan suurta gal ah in wax bada qabsoomaan.

Dawladnimadu waa dadka. Haddii shacabku taageersan yihiin xukuumadda, xukuumadduna si xaqa u gudaneyso waajibka ka saaran dadka iyo dalka, waxaa hubaal ah in dadkaa iyo dalkaa ku talaabsanayaan  horukac dhankasta leh.

Sidoo kale waxaa bislaaday beesha caalamka kuwa daneeya arimaha Soomaaliya. Geedi-socodkii dib-usoonooleeynta qaranimadii Soomaaliya oo ay horkacayeen dawladdaha reer Galbeedka iyo Turkiga ayaa maantay miro dhal ah. Waxay dawladdahaan balan qaadeen in ay taageero buuxda u fidinayaan dawladda rasmiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo fursad weyn ah in hay’adda cusub ee sharci dajintu leedahay gar-wadeen loo wada riyaaqay, ilaa iyo haddana si hab-sami leh wax u wada. Waxaa kaloo intaa dheer, tirada yar iyo tayada xillibaanada cusub.

Caqabaddaha

Hawsha u taala madaxweynaha cusub waa mid aad u weyn oo u baahan taageero shacab, iskaashi caalami iyo cadaalad. Waxaan si gaar ah u eeggayaa   caqabaddaha kuwa sida deg deg ah la rabo in wax looga qabto oo ay kamid yihiin: in la helo koox madaxweynaha la shaqeyn karta, xalinta qilaafaadka iyo siyaasadda gudaha iyo siyaasadda dibadda.

Sababta ugu weyn oo ay dawladdihii ku meel gaarka ahaa wax la qaban waayeen, waxa ay tahay qilaaf mar walba soo if baxayay oo ka dhaxeeyay Ra’iisul  Wasaaraha iyo madax weynaha iyo waliba baarlamaanka.

Madaxweynaha cusub wa in uu helo koox ay isku hadaf iyo aragti yihiin si hawlihii loo idmaday u qabsoomaan loona xakameeyo qilaaf dhici kara.

Waan in madaxweynuhu kusoo  doorto Ra’iisul  Wasaaraha cusub iyo la taliyaashiisa gaarka ah (spads) karti, hufnaan iyo qibrad.

Waxaa kaloo caqabad weyn ah Al-shabaab. Al-shabaab waxay isigu jiraan kuwo caro qaaday oo isbadal raba (tempered radicals) iyo kuwo dantooda ku jirto qalqal iyo qarbuddaad. Madaxweynuhu waa in uu kuwa hore soo dhaweeyo.

In wadahadal lala sameeyo Al-shabaabka nabada raba, waxay soo dedejin kartaa in ciidamada shisheeye dhaqso uga baxaan wadanka.

Dadkii Soomaaliyeed qolo walba meel ayay ku oodan tahay. Si Dadka hubka looga dhigo loona daweeyo dhaawicii kala gaaray, waa in la sameeyo  dib-u hishiisiin dhab ah iyadoo laga tusaalo qaadanayo  Koonfur Afrika- truth and reconciliaton.

Soomaaliya waxay noqotay halaq mareen iyo meel ay habar dugaag ku hardanto. Dadka iyo dawladdaha maslaxadoodu ku jirto Soomaaliya dunsan wey badan yihiin. Waxayna marwalba isku dayaan sidii ay u fashilin lahaayeen isku day kasta oo la rabo in Soomaaliya luga heeda ku istaagto.

Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la isticmaalo siyaasad la jaan qaadi karta siyaasadda qalfsan ee aduunka.

Waxaan aamin sanahay in madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka feejigan yahay caqabadahaan, uuna keeni doono isbadal ku saleeysan Lixda Tiir ee barnaamijkiisa siyaasaddeed.

Qore: Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c