Skip to main content
Fursaddaha iyo Caqabaddaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Qore: Xasan Yuusuf Waal

Maalintii Isniinta, horaantii todobaadkan, waxaa rumoowday saadaashii iyo kalsoonidii ay dad badan oo soomaaliyeed dul dhigeen xillibaanada cusub ee dalka.

Maalintaa,10kii  Sebteember 2012ka, waxay taariiqda ka gashay baal dahab ah, ka dib markii baarlamaanka cusub  si aqlabiyad leh ku doortay madaxweynaha cusub  mudane  Xasan Sheekh Maxamuud. Isla markaasna, madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si sharaf leh ugu dhawaaqay in si cadaalad leh looga guuleystay.

Tijaabadan culus waxaa ka horeeyay doorashadii  gar-wadeenka baarlamaanka, ruug cadaa Barafasoor Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Iyadoo ay siyaasaddu wajiyo badan tahay (dynamic), ayaa marar badan waxaa dhacda in dhinac la iska dhigo maslaxadda gaarka ah oo la door bido mas’uuliyad-qarameedka. Baarlamaankan cusub  wuxuu muujiyay hufnaan iyo shaqo-wanaag (professionalism).

Haddaba maxaa  qabsoomi kara  afarta sano ee soo socoto? Waxaan si kooban u eeggayaa fursaddaha iyo caqabaddaha horyaala hogaanka cusub ee wadanka.

Fursaddaha

Ummadda  Soomaaliyeed waxay ka daaleen darxumo iyo dib-udhac aan dhamaaneeyn. Heybad waxaad ku leedadahay dhulkaaga hooyo! Waxaa qurbaha lagu  arkay ciil iyo caro badan.  Dalkii,Qarnigan 21aad, ayaa cudur laga hortagi karo iyo gaajo dadkii u le’anayaan!

Sida ka muuqata natiijadii dorashadii dhawaan dhacday iyo  shacabka oo u soo dhaweeyay madaxweynaha cusub  si aan horey u dhicin sebenka jahliga iyo jahwareerka, ayaa waxaa  markaan suurta gal ah in wax bada qabsoomaan.

Dawladnimadu waa dadka. Haddii shacabku taageersan yihiin xukuumadda, xukuumadduna si xaqa u gudaneyso waajibka ka saaran dadka iyo dalka, waxaa hubaal ah in dadkaa iyo dalkaa ku talaabsanayaan  horukac dhankasta leh.

Sidoo kale waxaa bislaaday beesha caalamka kuwa daneeya arimaha Soomaaliya. Geedi-socodkii dib-usoonooleeynta qaranimadii Soomaaliya oo ay horkacayeen dawladdaha reer Galbeedka iyo Turkiga ayaa maantay miro dhal ah. Waxay dawladdahaan balan qaadeen in ay taageero buuxda u fidinayaan dawladda rasmiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo fursad weyn ah in hay’adda cusub ee sharci dajintu leedahay gar-wadeen loo wada riyaaqay, ilaa iyo haddana si hab-sami leh wax u wada. Waxaa kaloo intaa dheer, tirada yar iyo tayada xillibaanada cusub.

Caqabaddaha

Hawsha u taala madaxweynaha cusub waa mid aad u weyn oo u baahan taageero shacab, iskaashi caalami iyo cadaalad. Waxaan si gaar ah u eeggayaa   caqabaddaha kuwa sida deg deg ah la rabo in wax looga qabto oo ay kamid yihiin: in la helo koox madaxweynaha la shaqeyn karta, xalinta qilaafaadka iyo siyaasadda gudaha iyo siyaasadda dibadda.

Sababta ugu weyn oo ay dawladdihii ku meel gaarka ahaa wax la qaban waayeen, waxa ay tahay qilaaf mar walba soo if baxayay oo ka dhaxeeyay Ra’iisul  Wasaaraha iyo madax weynaha iyo waliba baarlamaanka.

Madaxweynaha cusub wa in uu helo koox ay isku hadaf iyo aragti yihiin si hawlihii loo idmaday u qabsoomaan loona xakameeyo qilaaf dhici kara.

Waan in madaxweynuhu kusoo  doorto Ra’iisul  Wasaaraha cusub iyo la taliyaashiisa gaarka ah (spads) karti, hufnaan iyo qibrad.

Waxaa kaloo caqabad weyn ah Al-shabaab. Al-shabaab waxay isigu jiraan kuwo caro qaaday oo isbadal raba (tempered radicals) iyo kuwo dantooda ku jirto qalqal iyo qarbuddaad. Madaxweynuhu waa in uu kuwa hore soo dhaweeyo.

In wadahadal lala sameeyo Al-shabaabka nabada raba, waxay soo dedejin kartaa in ciidamada shisheeye dhaqso uga baxaan wadanka.

Dadkii Soomaaliyeed qolo walba meel ayay ku oodan tahay. Si Dadka hubka looga dhigo loona daweeyo dhaawicii kala gaaray, waa in la sameeyo  dib-u hishiisiin dhab ah iyadoo laga tusaalo qaadanayo  Koonfur Afrika- truth and reconciliaton.

Soomaaliya waxay noqotay halaq mareen iyo meel ay habar dugaag ku hardanto. Dadka iyo dawladdaha maslaxadoodu ku jirto Soomaaliya dunsan wey badan yihiin. Waxayna marwalba isku dayaan sidii ay u fashilin lahaayeen isku day kasta oo la rabo in Soomaaliya luga heeda ku istaagto.

Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la isticmaalo siyaasad la jaan qaadi karta siyaasadda qalfsan ee aduunka.

Waxaan aamin sanahay in madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka feejigan yahay caqabadahaan, uuna keeni doono isbadal ku saleeysan Lixda Tiir ee barnaamijkiisa siyaasaddeed.

Qore: Xasan Yuusuf Waal
hassaneksaato@hotmail.com

Comments