Amiir Cumar Bin Khadaab Eebe ha ka raali noqdee ayaa la yiri
isagoo ku guda jira khudbad ayaa mid ka mid ah dhageeystayaashii istaag isla
dhereriyay oo yiri ku dhageeysan meyno Ilaa aad noo sheegtid halka aad ka
keentay dharka dheeriga ee aad xiran tahay! Amiirkii baa u jeestay
dhinaca wiilkiisu fadhiyay ,dabadeedna wuxuu ku yiri aabe u sheeg meesha aan ka keenay qaydka
dheeriga ah ee aan xiranahay. Wiilkii baa wuxuu yiri aabahay sida aad aragtaan
waa nin xajmi weyn siddaa darteed khamiiskeeyga ayaan qayb u jaray.
Amiirku wuxuu dabray dareenkiisa(emotional intelligence ).
Isagoon caroon, qaylin, meel kale la aadin ayuu amiirku weydiintii si waafi ah
kaga warceliyay. Arinkaan waa tusaale ka sawir bixinaya sifooyinka suuban iyo
sida garwadeenka garashada fog leh u soo saaraan bulsho si wacan loo carbiyay.
Xasan Yusufwaal
Comments
Post a Comment