Skip to main content

Garanweynayee gabdhuhu maxay galabsadeen! W/Q Xasan Yuusufwaal


Waxaa laba bari ka hor lagu soo daabacay Joornaalka The Economist xayeeysiis shaqo- jagada gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo banaannaan-doonta bisha Nofeember ee sanadkan 2018. Waxaa saacado ka hor la buuxiyay xayn wasaarado ah oo xilalka wasiiradu ay banaanaayeen.

Ma jirto xili aynu uga baahi badanahay in xilalka sare ee wasaaradaha ay buuxiyaan xirfadleey ku haboon(technocrats). Sida ay ila-tahayna ma jirto cid kaloo kaga haboonaan lahayd oo aan ahayn gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe marwo Yusur Abraar iyo wasiirkii hore ee waxbarshada, horumarinta bulshada iyo gargaarka marwo Dr. Maryam Qaasim.

Labada mas’uul hal bey isaga mid yihiin iyadoon jiid jiid jirin beey si hawl yar xilalkii loo idmaday isaga casileen. Haddaba ma arrimo kulansadaa mise waa qorshe degsan oo lagu bartilmaameed-sanayo kuwa aan dhihin HAA markeey doonayaan in ay dhahaan MAYA.

Wax badan oo dalkeena ka haleeysan ma keenin dad-xumi ee waxaa sabab u ah nidaam-xumi. Haddii  nidaam dariiq toosan leh la helo dadkuna wey toosayaan. Waxaase marka hore loo baahan yahay dad hagaajiya hanaanka iyo hab-dhiska oo iyana u baahan hufnaan iyo hawl-karnimo.

Waa nasiib in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo tayo leh tabtiina garanaya sida marwo Yusur iyo Dr Maryam(ka bogo xogtoodoo balaaran waxay buuxdaa barta internetka). Balse waxaa ayaandaro ah in dadka noocoodoo kale ah nidaamka inoo dhisan ee xidideeystay uusan soo dhaweeneen.  Kuwa si lama filaana kusoo gala nidaamkana laguma simo oo durbadiiba daadka ayaa qaada.

Yusur Abraar markii Sebtember 2013 loo magacaabay gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya shaqadeedii koowaad waxa ay ahayd dib-u-eegis xisaab-xirkii  2012ka. Misaaniyadii 2012kii waxa ay ahayd 1.2 bilyan oo doolar. Khasnada dawladana waxaa ku soo dhacday 10 milyan oo doolar. Ka gudub, sitimaan xitaa meeysan joogin markii lagu qasbay in ay qalinka ku duugto kharash  aan loo qoondeen hawl qaran. Arinkaa ayaa kalifay is-casilaadii ay iscasishay.

Dhanka kale, Dr Maryam waxay sanadkii hore bishii November iska casishay xilkii wasiirka gargaarka iyo maareeynta musiibooynka iyadoo sabab uga dhigtay isbarbar-yaac iyo shaqadii oo isku qasan. Dr Maryam waxaa lagu xasuustaa xitaa in mararka qaarkood jeebkeeda ay kasoo gadi jirtay agabka xafiiskeeda. Iscasilkeedii in laga garaabo iska daayee qaarbaa xitaa ku abyooday.

Waxaa xusid mudan in markii ugu darnayd iyo ilaa maanta ay haweenka Soomaaliyeed yihiin halboolaha iyo halkeeynu ka dhaqdhaqaaqeeyno. Guriga Soomaaliyeed waa gabar. Gaasab-bax iyo markii gobonimo la goobaayo gabadha Soomaaliyeed waa garab waa gaashaan aan la gilgili Karin. Haddaba soo  gardaro maaha aan geed loogu soo gaban  in markii ay timaado go’aan-wadaaga iyo garwadeenimada  geeska la gesho. Waa gar-adagee ina Sanweyne ugeeya!

Dalkeena, dumarku waxay door weyn ka ciyaari jireen haddana u babac-dhigaan baahiyo balaaran oo bulshada ah. Laakiin waxa la tabayaa oo meesha ka maqan kaalinta hagista heerka sare. Waa mida muhiimka u ah in la yagleelo nidaam cusub oo leh xeer iyo akhlaaqiyaad.

Waxa keenaya in dhowrkii biloodba wasiir cusub la keeno waa qorsho xumada iyo nin jecleesiga hortaagan in la helo nidaam si quman u shaqeenayo. Waxaa mar kale maantay la soo magacaabay ilaa shan wasiir iyo wasiir ku xigeen. Taloow imisa ayay xilalka sii hayn doonaan!

Marwo Yusur iyo Dr Maryam lagama maarmo khibradooda iyo xirfadooda gaarka ah, dalka ayaa u baahan. Waxaan ku talin lahaa si kastoo ay suurta gal u tahay in laga qayb galiyo jiheeynta iyo qorshaha dib loogu soo nooleeynayo qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed.

Halku-dhigeenu waa horey-u-socod. Soomaaliya ha is-raacdo.

Xasan Yuusufwaal



Comments

Popular posts from this blog

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Besmin

Maareynta damaca shisheeye: hawl u baahan kasmo cusub W/Q: Xasan Yuusuf Waal

Geesigu ma’ahan kan aan dareemin baqdinta balse waa midka ka adkaada baqdinta. Nelsan Mandela Wax qarsoon ma’aha danaha ay dawalado iyo shirkado shisheeye oo baddan ka leeyihiin Soomaaliya ha ahaato dhan dhaqaale, dhaqan iyo mid siyaadba. Soomaaliya waa dal hodan ah, leh ilo wax-soor oo dihan ama si buuxda aan looga faa’iideysan kuna taala meel aad muhiim u ah(bada cas, gacanka cadmeed, badweynta Hindiya). Sahamiye Richard Burton   wuxuu yiri   1855 tii“ Berbara waa   albaabka ugu muhiimsan ee laga galo Bada cas waana xudunta marinka Bariga Afrika ” Siddaas darteed Soomaaliya waxay noqotay goob marwalba soo-jiidata   faragalinta iyo damaca shisheeye. Faragalinta shisheeye waxaan u kala qaadayaa laba nooc: mid toos ah iyo mid dadban. Midda hore waxa ay salka ku haysaa dhulbalaarsi iyo is-adoonsi.   Faragalinta tooska ah waa iyada oo aan oggolaansho laga heysan dadka Soomaalida oo xoog dalka la’isaga soo golo lagana fushado wixii la doono. Waxaa ka mid ah; qabsashadii Boort

Rethinking electoral process in Somalia by Hassan Yuusuf Waal

  JAN 07, 2022 - 12:05 AM GMT+3  Source: daily Sabah Somalia was the  first African country  to have direct universal suffrage. Multiparty elections were held in the country in 1964 and 1967. Since then, the country’s political systems and structure quickly moved toward a winner-takes-all system. From 1969 to 1976, Somalia was under the rule of a military oligarchy. From 1976 to 1991, it was a one-party system dictatorship under the guise of a socialist progressive society. Today, Somalia has a parliamentary federal system of government. The Parliament representatives and the president are elected through indirect elections –  a complex clan-based model  that privileges so-called majority clans and is susceptible to voting manipulation. In 2013, the Federal Government of Somalia (FGS) launched "Vision 2016," which aims for the adoption of a permanent constitution and reforming the electoral system to allow direct national elections. All efforts at achieving this vision have c