Skip to main content

Posts

Madaxweyne Maxamed lug maku lahaa isku-soodhawaanshaha Eriteriya iyo Jabuuti?W/Q Xasan Yuusufwaal

Isku-daygii dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi isugu soo dhaweenayay dawladaha Eriteriya iyo Jabuuti oo khilaaf xaga soohdinta ah u dhaxeeyay mudo haatan 10 sano ah ayaa noqday mid miro dhal ah. Arinkaani wuxuu naxasuusiyay kaalintii libaax ee Soomaaliya ka qaadan jirtay xalinta mushkiladaha qaarada Afrika. Isku dayo badan ka dib khilaafkaan oo loo caalwaayay ayaa ku soo beegmay xili isbedalo lama filaanu ay kadhaceen  gobolka. Xukuumad cusub oo Itoobiya ka dhalatay, heshiiska Itoobiya iyo Eriteria iyo soo celinta cilaaqaadka u dhaxayeeyay Soomaaliya iyo Eriteriya kaa soo xargo-furtay ka dib markii Soomaaliya ku eedeeysay Eriterya in ay taageerto kooxda nabad-diidka  ee Alshabaab. Waxaa isweydiin mudan iyada oo  ay dawlado ka saameeyn iyo mugweyn Soomaaliya ka samreen xalinta khilaafka Eriteriya iyo Jabuuti; codsigii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado  Eriteriya cuno-qabateenka hubka  uu ka careesiiyay Jabuuti    siddee Soomaaliya ugu gu...

Somalia is not Senkaku Islands By Hassan Yusufwaal

Following on a piece published Yesterday on the most popular newspaper in Kenya- The Daily Nation titled “It’s time Kenya and Somalia became one unit” by KARANJA KABAGE; Is the article just a wishful thinking of a blogger or an exercise of shaping the political discourse- the trademark of Blair’s spin doc Alastair Campbell. I would say the latter. Hence this article critically analyses the bias and the underlying motivation of the story.   Let me set the record straight on two points in the article straightaway. First point, Mr Kabage legitimises the 2011 invasion of Kenya into Somalia as an act of self-defence and an attempt to stabilise the country. Kenya defied UN Security Council Resolution 1725 of 2006 that endorses the specification in the IGAD Deployment Plan that those States that border Somalia would not deploy troops to Somalia. Moreover the then president of Somalia Sheikh Sharif Ahmed described the invasion as illegal. We understand that Kenya was not invited i...

Hogaamiye waa kii dabra dareenkiisa, hadalkana heli og

Amiir Cumar Bin Khadaab Eebe ha ka raali noqdee ayaa la yiri isagoo ku guda jira khudbad ayaa mid ka mid ah dhageeystayaashii istaag isla dhereriyay oo yiri ku dhageeysan meyno Ilaa aad noo sheegtid halka aad ka keentay dharka dheeriga ee aad xiran tahay! Amiirkii baa u jeestay dhinaca wiilkiisu fadhiyay ,dabadeedna wuxuu ku yiri aabe u sheeg meesha aan ka keenay qaydka dheeriga ah ee aan xiranahay. Wiilkii baa wuxuu yiri aabahay sida aad aragtaan waa nin xajmi weyn siddaa darteed khamiiskeeyga ayaan qayb u jaray. Amiirku wuxuu dabray dareenkiisa(emotional intelligence ). Isagoon caroon, qaylin, meel kale la aadin ayuu amiirku weydiintii si waafi ah kaga warceliyay. Arinkaan waa tusaale ka sawir bixinaya sifooyinka suuban iyo sida garwadeenka garashada fog leh u soo saaraan bulsho si wacan loo carbiyay. Xasan Yusufwaal

Khudbad aan ka jeediyay xaflad lacag ururin, magaalada Northampton.

Garanweynayee gabdhuhu maxay galabsadeen! W/Q Xasan Yuusufwaal

Waxaa laba bari ka hor lagu soo daabacay Joornaalka The Economist xayeeysiis shaqo- jagada gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo banaannaan-doonta bisha Nofeember ee sanadkan 2018. Waxaa saacado ka hor la buuxiyay xayn wasaarado ah oo xilalka wasiiradu ay banaanaayeen. Ma jirto xili aynu uga baahi badanahay in xilalka sare ee wasaaradaha ay buuxiyaan xirfadleey ku haboon(technocrats). Sida ay ila-tahayna ma jirto cid kaloo kaga haboonaan lahayd oo aan ahayn gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe marwo Yusur Abraar iyo wasiirkii hore ee waxbarshada, horumarinta bulshada iyo gargaarka marwo Dr. Maryam Qaasim. Labada mas’uul hal bey isaga mid yihiin iyadoon jiid jiid jirin beey si hawl yar xilalkii loo idmaday isaga casileen. Haddaba ma arrimo kulansadaa mise waa qorshe degsan oo lagu bartilmaameed-sanayo kuwa aan dhihin HAA markeey doonayaan in ay dhahaan MAYA. Wax badan oo dalkeena ka haleeysan ma keenin dad-xumi ee waxaa sabab u ah nidaam-xumi. Haddii   nidaam dari...

Ka tasho oo isku tasho W/Q Xasan Yuusufwaal

Maahmaahbaa oranaysa “Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa”. Aynu Keeno kaarto ka duwan kutiirsanaanta kaalmada shisheeye. “Runtu waxaa weeye haddii aysan Soomaaliya iyadu tashan oo aysan wax qabsan , go’aan gaarin in ay dawlad noqoto shir meel kasta lagu qabto oo la isugu yeero wax baddan kama baddalayo” ayuu yiri madaxweynaha maamul   goboleedka Puntland mudane Cabdiweli Gaas oo joogay shirka wadatashiga arimaha Soomaaliya ee lagu qabtay Beljam. Hadalka Cabdiweli Gaas ma’ahan wax ka maqan ama ay dadka Soomaaliyeed   moogyihiin, waa dareen-xanuun ay   wali dadku dawadiisa goobayaan. Sida ay ilatahayna garasho xumaa ku dadban dawadaas. Meel kasta ayaa la isaga yimid! Waxaa laga shaqeeyay in laga hortago wax kasta oo   hor istaagi kara habsami-usocodka shirka. La yaab, kuwa siyaasiyiinta ah ee isdiidan ayaa waxaa la’arkayay iyaga oo gacmaha is-haysta oo magaalada dhex mushaaxaya. Kuwa cabasho doc usala buurayna durba xaaladooda   si deg deg ah a...

Waa barnaamijkii Dhab Ka Hadal ee Kalsan TV. Mawduucu waa dhuuxa iyo dhiiga qaranimada