Skip to main content

Posts

Gardarada Kenya.... Xasan Yusufwaal

Aragtida Majaxaabinta Mabda’ a Kudhisan(ideological subversion) iyo sidda dalkeena loo dumiyay W/Q Xasan Yuusufwaal

Ma la ama-kaagtay madhamaatooyinka iyo mushkiladaha wejiyada cusub leh ee maalin walba ka dhaca dalkeena! Ma is-weydiisaa meeye, taloow madhamaadeen maqaawiirtii iyo dadkii maskaxda lahaa! Iyo weydiimo kuwaa la mid ah oo baddan. Haddaba kugu keligaa ma’aha,  waa weydiimo wareer-galiyay culimadda darraaseesa khilaafaadka sokeeye, siddoo kalana walwel ku abuuray inta samaha jecel ee soomaaliyeed. Marka la qeexo dhibka ama laga faalloodo arrima loo-caalwaayay ee Soomaaliya, waxaa kaliya oo farta lagu fiiqaa is-af-garanwaaga ka jira soomaalida dhexdeeda. Khilaafka sokeeye ee Soomaalida waa qayb yar oo ka mid ah mushkilada guud. Waxaa ka weyn oo ayan ishu qaban, dooddana aan had iyo goor lagu darin faragalinta shisheeye. Haddaba wuxuu qoraalkan diirada saarayaa isagoo cugsanaya arigtada Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion). Bal marka hore aaynu fahano aragtida Majaxaabinta mabda’ a kudhisan (ideological subversion) iyo waxa Yuuri Besminoof ka yiri. Yuuri Be...

Dilaaga Dahsoon

Sadex oo aan hagaagin waxba hagaagi maayaan! W/Q Xasan Yuusufwaal

                                                                                                  Nin geeliisa dhacaya looma dhicin karo Waxay hey’adda Tranasparent International todobaadkan guddihiisa   soo saartay warbixintii sanadlaha ahayd ee musuqmaasuqa dawladaha adduunka. Soomaaliya waxay mar kale gashay kaalinta koowaad oo ah dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka. Meel fayoow maleh musuqu wuxuu saameeyay xubin kasta oo hab-hismeedka dalka ah. Wuxuu noqday dhaqan aan la iskula yaabin.   Kala darranee, wuxuu si xun ugu habsaday sadex hey’adood oo halboole u ah hanaanka dawladnimo. Waxay kala yihiin: Golaha shacabka(sharci-dejiye), Ciidamada(sharci-illaaliye) iyo Maxkamadaha(sharci-ooge). Dib-udhaca iyo dulmiga mus...

Madaxweyne Maxamed lug maku lahaa isku-soodhawaanshaha Eriteriya iyo Jabuuti?W/Q Xasan Yuusufwaal

Isku-daygii dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi isugu soo dhaweenayay dawladaha Eriteriya iyo Jabuuti oo khilaaf xaga soohdinta ah u dhaxeeyay mudo haatan 10 sano ah ayaa noqday mid miro dhal ah. Arinkaani wuxuu naxasuusiyay kaalintii libaax ee Soomaaliya ka qaadan jirtay xalinta mushkiladaha qaarada Afrika. Isku dayo badan ka dib khilaafkaan oo loo caalwaayay ayaa ku soo beegmay xili isbedalo lama filaanu ay kadhaceen  gobolka. Xukuumad cusub oo Itoobiya ka dhalatay, heshiiska Itoobiya iyo Eriteria iyo soo celinta cilaaqaadka u dhaxayeeyay Soomaaliya iyo Eriteriya kaa soo xargo-furtay ka dib markii Soomaaliya ku eedeeysay Eriterya in ay taageerto kooxda nabad-diidka  ee Alshabaab. Waxaa isweydiin mudan iyada oo  ay dawlado ka saameeyn iyo mugweyn Soomaaliya ka samreen xalinta khilaafka Eriteriya iyo Jabuuti; codsigii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado  Eriteriya cuno-qabateenka hubka  uu ka careesiiyay Jabuuti    siddee Soomaaliya ugu gu...

Somalia is not Senkaku Islands By Hassan Yusufwaal

Following on a piece published Yesterday on the most popular newspaper in Kenya- The Daily Nation titled “It’s time Kenya and Somalia became one unit” by KARANJA KABAGE; Is the article just a wishful thinking of a blogger or an exercise of shaping the political discourse- the trademark of Blair’s spin doc Alastair Campbell. I would say the latter. Hence this article critically analyses the bias and the underlying motivation of the story.   Let me set the record straight on two points in the article straightaway. First point, Mr Kabage legitimises the 2011 invasion of Kenya into Somalia as an act of self-defence and an attempt to stabilise the country. Kenya defied UN Security Council Resolution 1725 of 2006 that endorses the specification in the IGAD Deployment Plan that those States that border Somalia would not deploy troops to Somalia. Moreover the then president of Somalia Sheikh Sharif Ahmed described the invasion as illegal. We understand that Kenya was not invited i...

Hogaamiye waa kii dabra dareenkiisa, hadalkana heli og

Amiir Cumar Bin Khadaab Eebe ha ka raali noqdee ayaa la yiri isagoo ku guda jira khudbad ayaa mid ka mid ah dhageeystayaashii istaag isla dhereriyay oo yiri ku dhageeysan meyno Ilaa aad noo sheegtid halka aad ka keentay dharka dheeriga ee aad xiran tahay! Amiirkii baa u jeestay dhinaca wiilkiisu fadhiyay ,dabadeedna wuxuu ku yiri aabe u sheeg meesha aan ka keenay qaydka dheeriga ah ee aan xiranahay. Wiilkii baa wuxuu yiri aabahay sida aad aragtaan waa nin xajmi weyn siddaa darteed khamiiskeeyga ayaan qayb u jaray. Amiirku wuxuu dabray dareenkiisa(emotional intelligence ). Isagoon caroon, qaylin, meel kale la aadin ayuu amiirku weydiintii si waafi ah kaga warceliyay. Arinkaan waa tusaale ka sawir bixinaya sifooyinka suuban iyo sida garwadeenka garashada fog leh u soo saaraan bulsho si wacan loo carbiyay. Xasan Yusufwaal