Skip to main content

Posts

Showing posts from 2012
Fursaddaha iyo Caqabaddaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Qore: Xasan Yuusuf Waal Maalintii Isniinta, horaantii todobaadkan, waxaa rumoowday saadaashii iyo kalsoonidii ay dad badan oo soomaaliyeed dul dhigeen xillibaanada cusub ee dalka. Maalintaa,10kii   Sebteember 2012ka, waxay taariiqda ka gashay baal dahab ah, ka dib markii baarlamaanka cusub   si aqlabiyad leh ku doortay madaxweynaha cusub   mudane   Xasan Sheekh Maxamuud. Isla markaasna, madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si sharaf leh ugu dhawaaqay in si cadaalad leh looga guuleystay. Tijaabadan culus waxaa ka horeeyay doorashadii   gar-wadeenka baarlamaanka, ruug cadaa Barafasoor Cismaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen. Iyadoo ay siyaasaddu wajiyo badan tahay (dynamic), ayaa marar badan waxaa dhacda in dhinac la iska dhigo maslaxadda gaarka ah oo la door bido mas’uuliyad-qarameedka. Baarlamaankan cusub   wuxuu muujiyay hufnaan iyo shaqo-wanaag (professionalism). Haddaba maxaa   qabsoomi k
Ma Ku Dayanaa? Magan Daahir iyo Tartanka Baralambiga Qore: Xasan Yuusuf Waal W aa markale iyo Ma Ku Dayanaa? Ma Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal aan had iyo goor ku eeggo arimaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan waxaan ku eegayaa mucjisadda kubadda miiska Magan Daahir iyo muhiimadda tartanka dadka   lixaadoodu aan dhameeystir neeyn ee Baralambiga. Waxaa lagu soo gabogabaynayaa     dalka Biriten tartanka afar-sanadlaha ee Baralambiga.   Tartankan waxaa asalkiisii bilaabay   taqtarka cudurada dareemayaasha Sir Ludwig Guttmann sanaddii 1948dii. Wuxuu soo abaabulay tartan ,dhexmaray dhowr iyo afartan ciyaartooy oo ah dadka   lixaadoodu aan dhameeystir neeyn,   oo ka dhacay rugta caafimaadka ee Stoke Mandeville ee   ku   taala dalka Biriten. Maantayna   waxaa ka soo qayb galay 150 wadan iyo 4200 oo ciyaartooy oo ku tartamaya 20 nooc oo ciyaaro kala duwana. Tartankaan wuxuu xambaarsan yahay ahmiyad weyn marka la bar bar dhigo tartanka Ola
Maxaa kala qabsadday Wax-garad iyo Wax-matare! Dood gaaban Qore: Xasan Yuusuf Waal Waa dood ka turjumeeysa afkaarta la isweydaarsado sebenkaan jahliga iyo jahwareerka ee Soomaaliddu ku jirto. Alle mahadii, bulshadii wey bislaatay. Wax-garadkii wuu baraarugay. Beesha caalamkana wey soo gurmatay. Wax- matare : Wax-garad, markii xaajo xumeeyd xagee jirtay? Wax-garad : Sahan iyo socod dheer kabacdi, saakaan soo dhacay. Wax-matare : Reerkaa degay, durdurkaa iyo doogaa cagaaran                          in aad dul   is taagtid oo aad durbaan garaacdid                         ma dowbaa? Wax-garad : Wax-matare, tan tii Alleey ku timiddee, la’maadan                        tiigsan   taag iyo talo taa ah. Wax-matare : War aan kusiiyo iyo weedh waadaxa. Faan rag camalkiis maa hee, hiil iyo wax-hurid waa ii hido. Halyeey hashiisna looma hawoodo. Waa gaduuto, waxaan   wajahaa weerar iyo wiilashaas warmaha watee. Wadna waan u simanahay iyo wadaddii siraad. Nin
Xalka hoose ayaa ka muhiimsan kan sare Qore: Xasan Yuusuf Waal S haki kuma jiro in arinta Soomaaliya ay ka guracan tahay   xaga baarka (gar-wadeenka). Hasa-yeeshee, xal u helista mushaakilaadka dadka iyo dalka heysta kuma koobna oo kaliya in la helo isbadal ka yimaada xaga sare. Waxaa loo baahan yahay isbadal kasoo bilowda gunta hoose (grass roots level). Haddaba, dulucda dooddeeydu waa digniin guud ee ninowna ha dareemin in diirada adiga ku dul taal! Bilihii ugu danbeeyay, waxaa ku soo qulqulaya gudaha dalka qaasatan magaalada Muqdisha, qurbo-joog aad u fara badan oo ku hubeeysan   kombuutarada gacanta (laptops), taleefano casri ah (smartphones) iyo magac-horgallayaal sida Dr, Ing, iyo Professor. Wey fiican tahay in markastaba laga qayb qaato geedi-socodka nabada iyo dadaalada loogu jiro dib usoo nooleeynta qarankii iyo sharafkii Soomaaliyeed. Laakiin waxaa is-weydiin mudan, awoodan weyn ee hada la arkay, xagee awal jirtay? Mar walba waxaa aad loogu baahi q
Ma Ku Dayanaa? Mo Farah-Double Olympic champion Qore: Xasan Yuusuf Waal M a Ku Dayanaa? Waa barnaamij-qoraal aan had iyo goor ku eeggo arimaha quseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada. Markaan waxaan ku eegayaa orad-yahanka caanka ah ee Maxamed Faarax. Maxamed wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay oo Biritish ah oo ku guuleeysta bilida dahabka ee oradka Olambiga   10ka kun afartii bishan Agoosto 2012ka. Maxamed wuxuu wareegii ugu danbeeyay asagoo sidii shabeelkii u talaabo-qaadaya, bar barka ka dhaafay libaaxyadii reer Itoobiya, Ilmo Bekeele. Goobtii Olambiga waxaa gilgilay gariir iyo sawaxan sidii sawaariiq la ganayo. “ waxaa i caawiyay taageerada iyo guuxii reer London” ayuu yiri Maxamed. Oradkaan wuxuu ahaa   mid dalka   Biriten oo dhan si gooni ah looga xiiseenayay. Sidoo kale, Maxamed asagoo ahaa horyaalka oradka 5ta kun ee aduunka, ayuu Sabtidii bisha Agoosto 11 keeda wuxuu ku guuleeystay orodka 5ta kun ee Olambiga. Waa dhacdo ugub ah.     Orodkaan lo